Hal Seegtay Madaxweyne Biixi + Moganaanta Kadeedka Bulshada ka haysta Kartilaawe aanay dooran oo uu doortay madaxweynihii ay doorteen. 1aad Axmed Maxamed Shaqalle

0
Saturday January 26, 2019 - 22:46:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Seegtay Madaxweyne Biixi + Moganaanta Kadeedka Bulshada ka haysta Kartilaawe aanay dooran oo uu doortay madaxweynihii ay doorteen. 1aad Axmed Maxamed Shaqalle

    "Uf qabiilka anaa leh Wuxuun baa ku adeegta Nin iskii kartidiisa Isagoon cid ku tiirsan Isku taagi karaynin AHN Abwaan Gaariye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Uf qabiilka anaa leh Wuxuun baa ku adeegta Nin iskii kartidiisa Isagoon cid ku tiirsan Isku taagi karaynin AHN Abwaan Gaariye

Taniyo markii Somaliland lasoo noqotay xornimada 18may 1991kii dalku waxaa uu soo Maraayay marxaladu kalla duwan oo midkasta uu lahaa waayihiisa.

Madaxweynayaashii soo maray Somaliland taniyo markii lasoo noqotay madaxbanaanideedii Luntay 1960kii ayaa waxaa bulshada midkasta ku xasuusataa waayihii kalla duwaa ee ay Soomareen wakhtigii ay hayeen xilka kuwaasi oo kalla ahaa allah ha u naxariisteen Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali Iyo Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo labadooduba Geeriyooday  iyo sidoo kale  madaxweyne daahir riyaale kaahin,madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Madaxweynaha wakhtigan xilka haye ee muuse biixi cabdi niyadoo Madaxweyne kastaa horumarkuu bulshada gaadhsiiyo ay ku suntanyihiin xulashada dadka u adeegaaya ama gacanyarayaashi u fudaydinaayo hawlmaalmeedka xafiiskiisa .

Madaxweyne kasta oo sixor ah shacabku u doortaan waxaa umadiisa jecelaysiiya ama kalla Fogeeya  inta ka agdhaw ee u ah adeegyaasha ee uu markaasi xusho.

Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin oo  ahaa madaxweynihiiu 3aad ee soomaray Somaliland waxaa bulshada ku xasuusataa inuu ahaa madaxweyne aan aqoon qabiilka waxaa tusaale kuugu Filan Xoghayihiisii gaarka ahaa oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo aan kasoo jeedin deegaanka ama Gobolka Awdal ee uu madaxweyne riyaale kasoo jeedo.

Xoghayntii gaar ahayd ee madaxweyne riyaale oo ahaa mid firfircoon waxaa lagu xasuustaa Inaanu ku ee kaanjiray shaqada uu madaxweynaha u hayo oo ahayd xoghayn .

Madaxweynihii 4aad ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Bulshada Somaliland ku xasuusato dhiirigelintii iyo garabgalkii uu dhallinyaro badan uu siiyay mudadii Uu xilka hayey ayaa sidoo kale qaaday wadadii madaxweynihii ka horeeyay ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ee ahayd in xoghayntiisa uu ka dhigto wiil aan kasoo jeedin gobolka uu Madaxweyne Siilaanyo kasoo jeedo dhalasho ahaan ee Togdheer  waxaanu madaxweyne axmed Uu xoghayihii gaar ah ka dhigay Cali Axmed Cali oo shakhsi muxtarim ah oo bulshada Somaliland ku xasuusato ixtiraamkii uu u  muujin jiray qofkasta oo bulshada ka mid.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo 13/12/2017 xilka qaranka ku lawareegay madal ay Buux dhaafiyeen mudanta iyo acyaanta bulshada Somaliland ayaa ahaa madaxweyne aad loo han wayn Yahey oo bulshadii dooratay ay ugu codeeyaan inuu yahey xogogaal iyo waayo arag ka warhaya Dhamaan xalaadaha kalla duwanaa ee uu soomaray dadlka jamhuuriyada Somaliland.

Taniyoo maalinkii uu madaxweyne muuse biixi cabdi lawareegay talada dalka oo maanta Laga Joogo muddo sanad iyo bil ah ayaa waxaa  sanad gudihii bulshada Somaliland lasoo darsay Xaalado kalla duwan oo midkastaa leeyahey culayskiisa iyo duruuftiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo lagu yaqaano madaxweyne goaan leh oo ku dhiirasho leh Dalkani Somaliland u soo maray xaalado kalla duwan ayaa  durufaahaasi lasoo gudboonaaday Kaga Baxay waayo aragnimo bisayl siyaadeed ,walaw ay jiraan duruufo aad u badan uu wali Ladaala dhacayso xukuumada uu gadhwadeenka kayahey madaxweyne biixi ayaa waxaa laga Xusi karaa dhibaatada bulshada kahaysta qaar ka mid ah adeegyaashii oo ah kuwa u xushay inay Noqdaan qaar ka hawlgala xafiiskiisa iyo qaar kale oo uu u cushay inay noqdaan adeegayaal Bulshada u adeega xilalka kalla duwan ee uu u magacaabay madaxweyne Biixi.

Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ah kan qaranka looga aramiyo oo ahaa Mid bulshada somalilan oo dhan u dhex ayaa ayaa hada u muuqda mid ay isku hareereeyeen Koox isku bahaystay inay danahooga gaarka ah ka horumariyaan danaha guud ee u adeegida Bulshada ee uu madaxweyne biixi ugu soo xushay markii uu kadhigaaya gacanyarayaasha.

Mubaarik Ismaciil Cabdi {Mubaarik Taani} oo madaxweyne biixi u xushay inuu ahaa Xoghayihiisa gaarka ah ayaa taniyo markii bulshada somaliland u soo gaadhay in Madaxweyne Muuse Biixi cabdi u xushay gacanyarihiisa koowaad mubaarik oo hore u soo noqday Gudoomiyihii 6aad ee dallada SONYO waxay bulshada somaliland xasuusatay kalla qaybtii ku Dhisnayd qabiilka ee uu kalla dhax dhigay dhallinyarada Somaliland ee uu u noqday Gudoomiyaha 6aad ee lagu doortay shirweynihii 6aad ee ka qabsoomay ambassador hotel 28/12/2012kii iyadoo  lagu wareejiyay xilka gudoomiyanimo janawery 2013kii Gudoomiyi Hii hore ee dalada sonyo cabdi cabdi wacays ayaa madashaa xilwareejinta ahayd waxaa uu ka jeediyay khud dheer oo laga dheehan karaayay midyanta dhallinyarada iyo sida dallada SONYO ay kor ugu qaadaysay dhiirigelinta dhallinyarada somaliland hase ahaatee muddo labasano ah Kadib waxaa mubaarik ismaciil taani shirweynihii 7aad ee SONYO ee ka qabsoomay hotel ambassador ee magaalada hargaysa waxaa uu kusoo gobogaboobay buux iyo isdhex yaac Waxaana laga xusi karaa 28/12/2014 in shirweynihii ii kusoo gabogaboobay daladii midaysnay oo u qaybsan laba qaybood.

Hase ahaatee bulshada somaliland madaxweynaha ay doorteen waxay ku ixtiraameen inuu Xoghaye ka dhigto wiil ay kasoo wada jeedaan qoys ahaan ama Gobolka Maroodijeexba hase Ahaatee waxaa muddo hal sano gudaheed ah ku bilawday dhibaatooyin badan iyo kooxaysi ka Socda hareeraha madaxweynihii goaanka adkaa ee bulshada Somaliland ay dooratay 13/11/2017kii doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay iyadoo bulshada somaliland 55.9% ay Ugu codeeyeen inuu noqdo madaxweynaha 5aad ee jamhuuriyada Somaliland.

Lasoco Qaybahana Dambe

Allah Mahad Leh

Axmed Maxamed Shaqalle

Hargeysa Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured