AQOON YAHAN JIIR AYAA KU TILMAAMAY SHAQADA WASAARADA DAWLADU QARANKA U HAYAAN OO FADHIIDH AH

0
Thursday June 13, 2013 - 08:13:22 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AQOON YAHAN JIIR AYAA KU TILMAAMAY SHAQADA WASAARADA DAWLADU QARANKA U HAYAAN OO FADHIIDH AH

    hadii aad tegto xarumaha wasaarada dalka badankooda uguma tegesid masuuliyiinta wasaaradahaasi balse waxaad ugu tegaysaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hadii aad tegto xarumaha wasaarada dalka badankooda uguma tegesid masuuliyiinta wasaaradahaasi balse waxaad ugu tegaysaa

hadii aad tegto xarumaha wasaarada dalka badankooda uguma tegesid masuuliyiinta wasaaradahaasi balse waxaad ugu tegaysaa shaqaalaha wasaaardahaasi oo kaliya oo xitaa iyaga laftigoodu ku mashuulsan inay hor fadhiyaan computer-ka iyaga oo ku jira face-book-ga kadib markii ay waayeen in jihaysa ,waayo masuuliyii oo iyagu meeraysanaya hoteelada iyo xarunta madaxtooyada somaliland.

hadaba akhristayaal bal ila soo arka wasaarada dalka siday u badan yihiin waa qaar haawanaya oo aysan cid masuuliyiin ahi dhex fadhiyin,hadaba arintani waxay fadeexad ku tahay maamul siilaanyo oo shacabka u balan qaaday inay mudo badan u shaqeyn doonaan isla markaana ay habeyn doonaan hanaanka shaqada ee wasaaradaha dalka balse arintaasi waxay tahay mid aan hada dalka ka jirin,sidaasi awgeed waxaan ugu baqayaan madaxweyne siilaanyo bal in uu maal maha qaar kormeer kedis ah ku tago xarumaha wasaaradaha dawlada si uu arintan indhihiisa ugu soo arko.

hadaba masuuliyiinta kala duwan ee wasaaradaha dalka ayaad moodaa inaysan qaarkood wax aqoon ah u lahayn shaqada wasaarada loo dhiibay halka ay qaar kalena ay ku mashuuleen siyaasad iyo sidii ay dadka u kala fogeyn lahaayeen ,taasina waa waxa fadhiidh ka dhigay shaqadii wasaaradaha dawlada ee xiligan.

hadaba dadweynaha reer somaliland waxay u ooman yihiin inay helaan wasaarado ka shaqeeya arimaha bulshada hadii ay noqon lahayd arimaha caafimaadka,waxbaarsahda,biyaha,nabadgalyada iyo arimaha kale ee la xidhiidha bulshada, sidaasi oo ay tahay waxaa waajib ah inay masuuliyiinta wasaaradaha dalku xil iska saaraan masuuliyada ay qaranka u hayaan waayo qof kasta shaqadiisa taariikhda ayaa qori doonta oo cid kastaa waxay leedahay wixii ay shacabka uga tagto.

gabadbadii waxaa talo u soo jeedinayaa shacabka reer somaliland oo aan kula talinayaa inaysan indhaha ka qarsan wixii dhaliil ah ee wasaarada dalku leeyihihiin ,waana waajib inay shaaca ka qaadaan wixii dhaliil ah ee wasaarada kasta ama masuul kastaa leeyahay.

Qalinkii:Aqoon yahan Jaamac Cilmi Jiir

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured