Madaxweyne Ma Raali-baad ka Tahay Dulmiga iyo Cadaalad-darada Huursan ee ay Muwaadiniinta ku Hayaan Maxkamadaha Racfaanka iyo Ta sare?. Qalinkii Faysal Cali Kayse

0
Saturday January 26, 2019 - 03:07:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ma Raali-baad ka Tahay Dulmiga iyo Cadaalad-darada Huursan ee ay Muwaadiniinta ku Hayaan Maxkamadaha Racfaanka iyo Ta sare?. Qalinkii Faysal Cali Kayse

    Madaxweyne Ma Raali-baad ka Tahay Dulmiga iyo Cadaalad-darada Huursan ee ay Muwaadiniinta ku Hayaan Maxkamadaha Racfaanka iyo Ta sare?. Qalinkii Faysal Cali Kayse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ma Raali-baad ka Tahay Dulmiga iyo Cadaalad-darada Huursan ee ay Muwaadiniinta ku Hayaan Maxkamadaha Racfaanka iyo Ta sare?. Qalinkii Faysal Cali Kayse
Sida aynu la wada-socono kala sareynta Hayadaha Garsoorka dalka Jamhuuriyada Somaliland oo ah dhardhaar dawliya oo kaalin mug leh qaranka ugu fadhiya, waxa loo aas-aasay hadii midi gef sharci kula kacdo Muwaadiniinta dalka, in Ha'yadaha kale ee dhinaca sharciga uga sii saraysa saxdo hadii khalad iyo cadaalad daro Kiis lagu Xukumey uu jiro, waana jaran-jaro Dastuuriya oo lagu suggaayo xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta dhamaantood.
Haddaba, nasiib-darada gargaarka weyday, ayaa waxa ay tahay in sanadadii u dambayey maalinba maalinta ka dambaysa ay kasii darayso Cadaalad darada iyo dulmiga ay caadeysteen waaxda Garsoorka ee gobolka Maroodi-jeex ee loo yaqaanno Racfaanka, taasoo uu Gudoomiye ka yahay gudoomiyaha Maxkamada racfaanka gobolka Maroodijeex Cali Suudi Diiriye, oo ah shaqsi caadeystay Kiis kasta oo usoo gudba inuu baayaco Dacwoodayaasha, isla markaana garsoorayaashiisa ku balamiyo Kiiska oo la safan yahay, ta kalee taas kasii yaab badan, ayaa waxay tahay ee u caadeystay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanku, hadii Muwaadiniintu ula tagaan dacwad lagu duraayo dhex-dhexaadnimada Garsoorayaashiisa, waxa uu si cad u hor istaaga xuquuqda sharci ee muwaadiniinta u banneynaysa in laga bedelo Garsooraha dhinaca raacay, waxanu Gudoomiye Cali Suudi masaakinta uu Xaakimka u yahay kula kacaa hadidaad iyo baayactan ka dhan ah dacwada loola yimi.
Hase-yeeshe nasiib darada kale ee taas lamida ee Waaxda garsoorka ka jirtaa waxay tahay in Maxkamada Sarena noqotay goob aan ilaalin xuquuqda muwaadiniinta xilkeedu saaran yahay, taasoo hadii loola tago ashkato garsoore aan iyaddu hoosba u eegin, balse la saffata dhinac. 
Waxanay dhacdooyinkaasi sababeen in aanu jirin Kiis dacwadiisu soo af xidhanto, oo lagu kala saaro muwaadiniinta, hase-ahaatee taas bedelkeeda, waxa dulmanaha iyo ka wax dulmiyaaba dacwaduudi ka socotaa sannooyin badan, waxanay aakhirka kusoo afneeran kolba kii Lacag bata. La soco dhacdooyin layaab leh iyo xogo daaha ka faydi doona dulmiga joogta noqday ee ka socdaha Maxkamadaha Racfaanka Iyo ta sare, oo runtii Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi looga baahan yahay inuu isbedel cadaaladeed ku sameeyo Maxkamada dalka. La soco. 
Qalinkii
Faysal Cali Kayse 
Faysal39@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured