Xukuumadii Hore Markay Isku Daydo Inay Cabudhiso Saxaafada Madaxa Banaan Siilaanyo Wuxuu Odhan Jiray Dimuqoraadiyadii Gabal baa U Dhacay .

0
Thursday June 13, 2013 - 08:10:18 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadii Hore Markay Isku Daydo Inay Cabudhiso Saxaafada Madaxa Banaan Siilaanyo Wuxuu Odhan Jiray Dimuqoraadiyadii Gabal baa U Dhacay .

    saaxiibayaal waxaynu wada og nahay in wargeyska hubaal lagu soo qaaday weerar hubeysan 24/04/2013-ka waxaa la xaqiijiyay inay geysteen weeraarkaasi laba nin oo ka tirsan booliska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

saaxiibayaal waxaynu wada og nahay in wargeyska hubaal lagu soo qaaday weerar hubeysan 24/04/2013-ka waxaa la xaqiijiyay inay geysteen weeraarkaasi laba nin oo ka tirsan booliska
saaxiibayaal waxaynu wada og nahay in wargeyska hubaal lagu soo qaaday weerar hubeysan 24/04/2013-ka waxaa la xaqiijiyay inay geysteen weeraarkaasi laba nin oo ka tirsan booliska somaliland,halkii xukuumada laga sugayay in ay dhacdadaasi baadhitaan ku samayso oo sharciga la hor keeno cidii soo abaabushay ama ka danbaysay weerarkan ,jawaab celintii xukuumadu waxay noqotay in la xayito oo albaabada loo xidho wargeyska hubaal iyada oo weliba xayiraadaasi aan la raacin sababta ama danbiga wargeysku galay ee lagu xayiray.


hadaba waaxay dad badani is weydiinayaan madaxweyne siilanayo oo markii uu mucaaradka ahaa u muuqan jiray nin ilaaliya madax banaanida saxaafada iyo xoriyadal qolka inay dhacday mudadii koobneyd ee uu xilka hayay xad gudub saxaafadeed kii ugu weynaa iyo in dad lagu xidhay ra'yigooda oo ay cabiraan.

hadaba maanta waxaa haboon in saxaafada madax banaani ay dhinac ka soo wada jeesato waxaanan hubaa in aan saxaafada madaxa banaan la kala jecleyn habka loola dhaqmayaana uu la mid yahay qisadii dhex martay libaaxii iyo sadexdii dibi ee saaxiibka ahaa sadexda dibi libaaxa kaliya wey ka badan yihiin wayna ka xoog weyn yihiin markay dhinac ka soo wada jeedaan ,libaaxiina wuxuu gartay hadii aanu sadexdan dibi kala khiyaameyn in aanu gaadheyn ujeedada uu leeyahay.

sadexda dibi waxay midabadoodu kaal ahayeen Casaan,Cadaan iyo Madaow,Waxaana dhacday in malinmaalmaha ka mid ah uu libaaxii la shiray dibigii cadaa iyo kii madoobaa waxanu ku yidhi dibigan casi nabadgalayadeenuu khatar ku yahay oo waa la inagu soo bidhaansanayaa ee waxaad ii ogolaataan in aan inaga khaarajiyo si aynu nabadgalyo ugu seexano ,markiiba dibigii cadaa iyo kii madoobaa waxay ogolaadeen in uu khaarajiyo dibigii casaa mudo ka dib libaaxii wuxuu la shiray dibigii madoobaa waxanu ku yidhi dibigan cad bidhaantiisu aad bay u dheertahay cadaw badana weynu leenahay ee waxaad ii ogolaataa in aan inaga khaarajiyo dibigan cad ee cadaankiisa la inagu soo raacayo wuxuu markiiba si shuruud la'aan ah dibigii madoobaa u ogolaaday in uu libaaxu khaarajiyo dibigii cadaa , markii ay mudo koobani ka soo wareegtay ee uu dibigii madoobaana ogaaday in uu libaaxu doonayo in uu cuno meel uu uga baxsan karaana uusan jirin wax wehel kale ah oo uu haystaana aysan jirin ayuu dibigii madoobaa la hadlay libaaxii oo uu ku yidhi maanta maan dhimanin waxanse dhintay maalintii aan kuu ogolaaday inaad cunto casoowe iyo cadoowe.

hadaba maanta ma qurux badna in saxaafada madax banaan midba mar lala baxo hadii aysan arintan saxaafadu dhinac iska wada taagina wargeyska hubaal oo maanta taagan halkii dibigii casaa waxaa ku xigi doona cadaawe iyo madoobe.

hadaba isku soo wada duuboo Xukuumadii Hore Markay Isku Daydo Inay Cabudhiso Saxaafada Madaxa Banaan Siilaanyo Wuxuu Odhan Jiray Dimuqoraadiyadii Gabal baa U Dhacay .

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured