Dharaaro Xusuustood: Maxamed Siciid Gees (Qeybtii 12aad) "Waxyi iguma soo dego Haddana waxa ima seegaane" Erayadii Maxamed Cabdiraxman Xaaji Jamac (Lugooyo)

0
Tuesday January 22, 2019 - 23:28:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dharaaro Xusuustood: Maxamed Siciid Gees (Qeybtii 12aad) "Waxyi iguma soo dego Haddana waxa ima seegaane" Erayadii Maxamed Cabdiraxman Xaaji Jamac (Lugooyo)

    Dharaaro Xusuustood: Maxamed Siciid Gees (Qeybtii 12aad) "Waxyi iguma soo dego Haddana waxa ima seegaane" Erayadii Maxamed Cabdiraxman Xaaji Jamac (Lugooyo)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dharaaro Xusuustood: Maxamed Siciid Gees (Qeybtii 12aad) "Waxyi iguma soo dego Haddana waxa ima seegaane" Erayadii Maxamed Cabdiraxman Xaaji Jamac (Lugooyo)
Wadanka Kongo oo ku yaal badhtamaha Afrika oo sagaal dal oo Afrika ah la leeyahay xuduud, ayaa le’eg dhul ahaan Yurubta Galbeed. Waxa uu ku yaalla dhul ilaahay barwaaqo ku minaysatay, waxana tirada dadka deggan waxa lagu qiyaasay lixdan malyuun.
Haddaba, dagaalladii ka dhacay 1996 oo ilaa haddana qaybo ah dalka ka socdaa, waxa lagu qiyaasay inay galaafteen shan malyuun inay ku dhinteen, taas oo ah tirada guud ee dadka dalka ku nool 8.3%, dhawr boqol oo kun oo haween ahna waa lagu fara-xummeeyey markii lagu kusaday.
Nin qoraa ah oo la odheho Jason K. Stearns, ayaa dhibaatada ku habsatay dalkaas ka qoray buug raad-raac ah oo uu magaciisu yahay, "Dancing in The Glory of Monsters” oo Sooomali noqonayaa "Ku-dhaantaynaya guulaha cafaariidda.” Waxa uu ku soo gunaanaday raadraaciisii inaanu arag ama la kulmin muddadii uu baadhitaanka waday madax reer Kongo ah oo aragtii hoggaamin iyo xilkasnimo leh.
Jason K. Stearns uu la sii yaabay waxa siyaasiinta reer Kongo ka dhigay kuwa ka aradan xilkasnimada iyo akhlaaqda suuban, waxana uu dhibaatada dalkaas Kongo uu sabab uga dhigay hab-dhaqanka siyaasiinta dalkaas.
Soddonkii sanno ee u dhexeeyay (1960 – 1991) waxa dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ka madax ahaa oo majaraha Siyaasadda u hayey cid kasta ha lahaadeen’e siyaasin reer Soomaaliya ah oo ka masuul ahaa wixii dalkaas ka xummaaday. Markii Somaliland ka noqotay 1991 midawgii waxa ay siyaasiintaasi cagta sii mariyeen Soomaaliya, waxa muddadaas ku dhintay tiro lagu qiyaasay hal malyan oo dad ah oo noqonaysa 16.6% tirada dadweynaha ku dhaqan oo lagu qiyaaso 6 milyan.
Haddaba dadka wax ka qora dalkii la odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliyeed, si cad uma sheegaan sababta Somaliland ay ku guulaysatay nabadda iyo dawlad dhisidda, Sooomaaliyana ay weli dhex dabbaalanyso burbur iyo dagaal oo ay ku dhaantaynayso guulaha cafaariidda.
Inkasta oo dunida oo dhammi sida Kongo ugu soo gurmatay, hase yeeshee dal waxa qudha oo wax ka beddela dadkiisa, sida maahmaahdo tidhi; "Gacantaada uun baad ku xoqotaa.” Dadku waa wada Soomaali waa isku diin, waa isku dhaqan ee maxaa kala duway? Wax kale ma kala duwin ee tayada iyo hab-dhaqanka dadka madaxda ka noqday ayaa kala duway.


Waxa Quraanku sheegay haddii dad la rogayo, waxa talada loo dhiibaa cafaariiddiisa (monsters). Soomaaliland waxa Illaahay ugu dhiibay talada mar ay xaaladdu adkayd madax ka naxaysa oo aan ka shaqaysanayn ee u shaqaynaysa oo ku werweraysaa horumarkooda iyo nabadooda iyo jiritaankood oo aan dan kale ka lahayn.

Xisaabo debadda ah iyo guryo dibadda ahna aan u shaqaynayn oo carruurtoodu wax la qabto kuwa kale ee la ayniga ah ee dalka deggan. Sidaas ayey ku taabagashay markii loo biiriyey wixii yaraa ee ka soo baxay, halka ceelkii weynaa ee Soomaaliyaa ee Bilyannu Doolar Gaal iyo Islaam ku shubeen waxa lagu shubtay xisaabo debadda ah oo weli lagu shubayaa.
Meyd maxaa u dambeeyey ayaa la isweydiiyey, "Waa kaa la sii sido,” ayaa la yidhi, waa ta Guddoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Adan Farax Abraar markay toddoba usbuuc xilkan haysay ayey nafteeda la baxsatay markii loogu hanjabay, in xisaab ka furan Banki ku yaal magaalada Zurich ee dalka Switzerland amray lagu siiyey inay ku shubto lacag Boqol Milyan oo dollar ah oo dalku leeyahay ay diiday.
Cali Geeddi waxa la siiyey 9 milyan oo dollar si uu xilka u banneeyo, Cumar Cabdirashiid waxa la siiyey 3 milyan oo dollar is uu istiqaalad u keeno, Farmaajo waxa isna la siiyey 3 milyan oo dollar si uu xilka uga dego, Saacid Shirdoon waxa lagu baayacayaa hadda 5 milyan oo doolar si uu isu casilo, isna wuxuu qabsaday 9 milyan oo dollar. Gedigood waa Ra’iisal-wasaarayaashii soo maray Soomaaliya, maxaad ka eegaysaa Madaxwaynayaashiina iyagu laalushka intaas le’eg bixiniyaa imisay ayey qaateen? Halkaas ayay dhibta ka dhacay oo ay iskaga mid yihiin dalalka Kongo iyo Soomaaliya.

Dadka ku qudh-baxay dagaalladaas iyo macaluushaas marka la isbarbar-dhigo tirada guud ee dadweynaha ku kala dhaqan labada dal waxa badan kuwa ku dhintay Soomaaliya oo ku soo labalaabmaya. (Soomaaliya:16.6%; Kongo: 8.3%)
Waxa aan xusuustaa aniga oo Wasiirka Qorshaynta ee Somaliland ah sannadihii u dhexeeyey 1997 – 1999 ee laga soo doogay dagaalkii sokeeye oo dhaqaaluhu cidhiidhi yahay, ayaa waxan u lugayn jiray shaqada oo baabuur ma lahayn Wasaaraddu. Waa la wada lugayn jiray ama gadiidka dadweynaha ayaa la raaci jiray. Waxa aan ku jiray guri qoyska reer Gees leeyahay oo Xaafadda Jeelka ah, halkaas ilaa Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, oo markaas ahayd Xarunta hadda deggan tahay Wasaaradda Diinta & Awqaafta Somaliland, ayaan u kal lugayn jiray maalintii laba jeer.
Maalin roob da’yay aniga oo aroor hore lugaynaya oo baabuurta waddada maraysaa biyaha igu soo saydhayso, ayaa baabuur nin dhallinyaro ihi wado i soo ag joogsaday oo i yidhi; "Wasiir soo fuul.” Alxamdu-lilaah waa koray baabuurkii oo aroortaas aan u baahnaa. Inankii ayaan warsaday oo weydiiyey waxa ku kalifay inuu i qaado? Waxa uu igu jawaabay; "Baabuurkan waxa leh Dr Ismaaciil Hindi, waxa uu ku arkaa maalin kasta markaad hormaraysid Farmasigiisa, markaas saaka baabuurka oo yaal farmasiga ayuu igu amray inaan ku qaado markuu ku arkay.” Mahadsanid ayaan ku idhi adiga iyo Dr. Ismaaciil Hindiba.

Aroor kale aniga oo isla waddadii lugaynaya ayaa waxa ka soo baxay guriga Edna Adan Dhakhtar oo u kiraysnaa ninkii madaxa ka ahaa xafiiska UNDP ee Hargeysa oo la odhan jiray Paul Enright oo ahaa reer England, isaga oo gaadhi lagu wado, waxa uu sameeyey arrin layaab leh; ima dhaafin oo waddadiisa ma qaadin, iimana joojin gaadhigii oo ima qaadin ee waa uu ka soo degay baabuurkiii oo ila lugeeyey ilaa xafiiskaygii.
Marka aan idhi maxaad sidan u yeeshay, waxa uu yidhi; "Ceeb ayey igu noqotay inaan ku dhaafo iyo inaan ku qaado, waxan ku qasbanaaday inaan kula lugaayo adiga oo Wasiir ah oo lugaynaya oo weliba shaqo tegaya.”  Labadaas dhacdo waxay ku tusayaan sida karaamada leh ee ay wax u qaderiyaan muwaadiniinta iyo ajnabiguba haddii ay kaa muuqato xilkasnimo iyo hufnaani oo baaburka iyo guriga quruxda badani waxba ku kordhin maayaan karaamadaada.
Arrimahaas iyo qaar kale oo la mid ah ayaa muujiyey sida madaxdii Somaliland ugu guntatay danta ummadda oo ay ka horaysiiyeen wax kasta oo kale; bulshadiina way ka jawaabtay oo kalsooni ayey ku siisay horumarintii, nabadaytii, maamul-dhisitii iyo dimuqraadiyeyntii Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured