Inaa lilaah wa-inaa ileyhin Raajicuun Tacsi ku Socoto Qoyskii uu ka Baxay Marxuum Faysal Keyse Cumar Iyo Taarikh Nololeedkiisi oo Kooban "..Geeridii Faysal bay sheegayaan Gacal-ha-waayeene.."Qalinkii Maxamed Cabdi guuleed "Curad"

0
Tuesday January 22, 2019 - 20:30:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inaa lilaah wa-inaa ileyhin Raajicuun Tacsi ku Socoto Qoyskii uu ka Baxay Marxuum Faysal Keyse Cumar Iyo Taarikh Nololeedkiisi oo Kooban "..Geeridii Faysal bay sheegayaan Gacal-ha-waayeene.."Qalinkii Maxamed Cabdi guuleed "Curad"

    Inaa lilaah wa-inaa ileyhin Raajicuun Tacsi ku Socoto Qoyskii uu ka Baxay Marxuum Faysal Keyse Cumar Iyo Taarikh Nololeedkiisi oo Kooban "..Geeridii Faysal bay sheegayaan Gacal-ha-waayeene.."Qalinkii Maxamed Cabdi guuleed "Curad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inaa lilaah wa-inaa ileyhin Raajicuun Tacsi ku Socoto Qoyskii uu ka Baxay Marxuum Faysal Keyse Cumar Iyo Taarikh Nololeedkiisi oo Kooban "..Geeridii Faysal bay sheegayaan Gacal-ha-waayeene.."Qalinkii Maxamed Cabdi guuleed "Curad"
Geeridu waa xaq oo majiro adduunka qof ku waarayaa, hase yeeshee uumiyaha qofba intuu kuu jiro ayay dhibtiisu saamayn kuugu leedahay, ilaahay hortiis waxaan markhaati uga ahay Marxuum Faysal Keyse Cumar inuu ahaa shaqsi afkiisa iyo adinkiisaba ummaddu ka nabad gashay.  Inuu ahaa qof cibaado badan oo qunyar socod ah, Marxuumku waxa ifka uu kaga tegay laba Ubad ah Wiilal, Muxuumka waxa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa ruux bulshaawi ah oo aan diiqad lahayn.
Marxuunku waxa uu soo nikaaxay laba Dumar ah, Marwada hore oo isaga hortiis xaqu kusoodegay, waxay u dhashay laba Wiil oo kuwa maanta uu ifka kaga tegay, Marwada labaad oo iyada hada ay wada joogeen, inta ogaalkay ah weli wax ubad ah maan-maqal dhexdooda. 
Dhanka arrimaha bulshada Marxuunku waxa uu kaalin lixaad leh kasoo qaatay Ururka Suxufiyiinta ee Bahda Haweenka ee loo yaqaan WIJA oo runtii fikirkiisa badi isagu lahaa, iyo sidoo kale Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, oo isagana uu juhdi badan geliyey sidii Ururka SOLJA dunida looga baran lahaa, waxaanu usoo noqday La-taliye muddo saddex sanno ku dhow, gaar ahaan sanadihii u dhexayey 2011 ilaa 2014. Jagadaasna waxa u magacaabay Isagana rabi raali ah ka noqdee, Marxuum Mahamed-Rashiid Muxumed Faarax.
Maxruum Faysal Keyse waxa iyana door firfiroon uu ku lahaa hay'addaha maxaliga iyo kuwa madaxabanaan ee fadhigoodu yahay Somaliland, weliba hadaan idhaahdo kuwa bulshada rayidka loogu yeedho intooda badan aasaaskooda ayuu lahaa. 
Inaa lilaah wa-inaa ileyhin Raajicuun.  Waxaan geerida Saaxiibkay ama Inaadeerkay ka tacsiyadeynayaa Hooyadiis, Walaaladiis iyo labada Wiil ee uu ifka kaga tegay. Waxaanan ilaahay uga baryayaa inuu inuu qabriga u waasiciyo, su'aasha iyo xisaabta qabrigana u dhib yareeyo..
Aamiin      Aamiin Aamiin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured