Siyaasi Cali Guray Oo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Ku Tilmaamay Guul Wade.

0
Sunday January 20, 2019 - 23:22:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Guray Oo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Ku Tilmaamay Guul Wade.

    Siyaasi Cali Guray Oo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Ku Tilmaamay Guul Wade.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cali Guray Oo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Ku Tilmaamay Guul Wade.
Hargaysa-(Xogreebnews)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay talaabooyinka xadhiga ah ee ay xukuumadu qaadayso.
Siyaasi Cali Guray oo fariin ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay in haddii la xalaashado wixii Siyaad Bare samayn jiray ay dembiilayaal qaran lagu sheegi doono jabhadii SNM, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-
SNM DEMBIILAYAAL QARAN BAY AHAAYEEN BAA LAGU SOCDAA HADII INTII SIYAAD BARRE SAMAYN JIRAYBA AY XALAAL TAHAY MAANTA OO LAGU FAANAYO
Hee daacad shalay markii la i xidhayayna cadaalad bay ahayd ayaa ka dhiman xuuto warkiisa. Muxuu ka hadlayaa dalku sharci buu leeyahay cidda sharciga ku xadgudubtay ma bilayskaa mise waa Cali Seenyo?. Dawladnimadu waa in sharcigu shaqeeyo oo xukunku uu noqdo qaynuunka ee aanu noqonin qofka. Yaa yidhi Ina Fadal adiga ayaa qaynuunka ka sareeya. Ina Fadal waa u caado ee ceeb kuma aha inu sharciga ka hiilayo sharci darradana u hiilyo.
Waryaada dhegaysta Siyaad Barre sax buu ahaa ee SNM baa gardarnayd oo dawlad dhan iyo dal dhan burburisay anigu qaadan kari maayo marka wixii Siyaad Barre aan ku diiday oo dhan maanta la igu yidhaa sax bay ahaayeen ee la xalaashado. Hadii wixii Siyaad Barre lagu diiday ee dalka dhan loo burburiyay sax ahaayeen aynu qirano in SNM dembiilayaal qaran ahayd waa taa ta lagu socdaaye ee la isu qurxinayo sacabkana la isugu tumayaaye.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured