Goorta ay Al Shabaab ku biireen raggii weeraray Hotelka Magaalada Nairobi oo la shaaciyay

0
Friday January 18, 2019 - 19:25:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goorta ay Al Shabaab ku biireen raggii weeraray Hotelka Magaalada Nairobi oo la shaaciyay

    Goorta ay Al Shabaab ku biireen raggii weeraray Hotelka Magaalada Nairobi oo la shaaciyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goorta ay Al Shabaab ku biireen raggii weeraray Hotelka Magaalada Nairobi oo la shaaciyay

Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay xog cusub oo ku saabsan goorta ay Al Shabaab ku biireen raggii weeraray Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Booliska oo soo bandhigay magacyada labo kamid ah Al Shabaabkii weeraray hotelka ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan macluumaad kale oo la xiriira goorta dhalinyarada qaar ay ku biireen Al Shabaab.

Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay in Ali Salim Gichunge oo uu dhalay Sarkaal ka tirsan ciidanka Difaaca dowladda uu ku biiray Al Shabaab sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya gudaha ay u galeen Soomaaliya.

Sidoo kale booliska oo wali baaritaan wada ayaa sheegay in Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo kasoo jeedda Ngecha ee Limuru iyo Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo  ay kamid ahaayeen dadkii weeraray hotelka DUsit.

Walow aan lasoo gabo gabeyn baaritaanka ciidamada booliska ay wadaan, saraakiisha ayaa haddana sheegay in rag kamid ah kuwa weeraray hotelka Xaafadda Westland inay ku biiraan Al Shabaab sanadkii 2015.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in hadda kadib ay baarayaan sida ragan ay dib ugu soo laabteen dalka Kenya iyo sida ay ugu suuro gashay inay weerar kusoo qaadaan dhismaha hotelka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured