Weerar culus oo ciidamo Itoobiyaan ah saaka ku qabsaday duleedka Buur-hakaba

0
Friday January 18, 2019 - 19:24:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar culus oo ciidamo Itoobiyaan ah saaka ku qabsaday duleedka Buur-hakaba

    Weerar culus oo ciidamo Itoobiyaan ah saaka ku qabsaday duleedka Buur-hakaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar culus oo ciidamo Itoobiyaan ah saaka ku qabsaday duleedka Buur-hakaba
Baydhaba (Xogreebnews)- kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey duleedka degmada Buur hakaba ee Gobalka Bay sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya.
Weerarka ayaa ku bilowday laba qarax oo miinooyin ah, laguna qarxiyey kolonyada, iyadoo markaas kadib uu dhacay dagaal culus oo labada dhinac dhexmaray kaasoo la isku adeegsaday hub kala duwan.
Kolonyada ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in xiliga weerarkan uu qabsanayey ay ka tageen degmada Buur-hakaba, kuna sii jeedeen magaalada Baydhabo.
Dadka degaanka ayaa sheegay in weerarka kadib ay ciidamada Itoobiya ay rasaas ku fureen shacab ku dhaqan duleedka degmada Buur hakaba, Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaana ka dhashay inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.
Al-Shabaab ayaa sheegatay inay burburisay kolonyadii ciidamada Itoobiya, khasaare baaxad lehna gaarsiiyeen, waxaana war qoraal ah oo ay soo dhigeen baraha internetka qaarkood ay ku sheegeen iney weerarkaas ku dileen 38 askari 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured