"Xeer Saxaafadeed oo Aan Taladiisa loo dhamayn Xukunkiisu Cidna ma Khuseeyo". Wariyaha Ruug-cadaaga ah Maxamed Cabdi Curad

0
Tuesday January 15, 2019 - 03:27:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xeer Saxaafadeed oo Aan Taladiisa loo dhamayn Xukunkiisu Cidna ma Khuseeyo". Wariyaha Ruug-cadaaga ah Maxamed Cabdi Curad

    "Xeer Saxaafadeed oo Aan Taladiisa loo dhamayn Xukunkiisu Cidna ma Khuseeyo". Wariyaha Ruug-cadaaga ah Maxamed Cabdi Curad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xeer Saxaafadeed oo Aan Taladiisa loo dhamayn Xukunkiisu Cidna ma Khuseeyo". Wariyaha Ruug-cadaaga ah Maxamed Cabdi Curad

Hargeysa(Xogreebnews)-Wariyaha Ruug-cadaaga ah Maxamed Cabdi Guuleed "Curad” oo ku sugan qaaradda Yurub, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuuse Biixi uga digay Xeer Saxaafada madaxabanaan lagu dabar-goynaayo oo ay dabada ka wado Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta.

Wariye Curad waxa kaloo uu sheegay in hadalkii Wasiirka Warfaafintu dhowaan ka sheegay Warbaahinta uu ahaa mid lala yaabo, isla markaana waxa uu Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku tilmaamay inay caadeysato cid kastoo dhaliisha inay ku eedeyso waxa dambaysaa Xukuumadda Xamar, isagoo sidoo kalena daaha-ka fayday shaqsiyaad Xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye saameyn ku dhex leh oo habeen iyo maalin ku foogan arrimaha Somaliya, kana qaata mashaarico iyo arrimo kale. Wariye Maxamed Cabdi Guuleed "Curad” oo lasoo xidhiidhay Shabakadda Warar ee Xogreebnews, ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan:

"Wasiirka Warfaafintu wuxuu ku hawlan yahay sidii loo daba-jari lahaa Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Somaliland, kuwasoo la dalaadhacaya Durufaha adag ee ku Geddaaman shaqadooda. Waxa kaloo bulshada inteeda badani ka war-qabtaa Xeer loogu talo-galay Hayaddaha Warbaahinta Madaxabanaan in lagu baabiyo, Xeerkaasoo ah mid gacanku rimis ah, taladiisana aan loo dhamayn, balse koox gaar ahi la jiibineyso Wasiirka Warfaafinta iyo Xukuumadda.

Xeerkaas qabyo-qoraalka ah, waxa ku qoran sida dad-badani cadeeyeen anna aan ku arkay qodobo loogu talo galay in lagula dagaalamo Hayad kastoo Warbaahineed, oo ay Xukuumadda jirtaa u aragto in aanay u guul-wadeynayn, waxa kamid ah qodobadaas ruqsadaha Hayaddaha Warbaahinta oo sannaad-le laha dhigay, iyo furashada Hayaddaha Warbaahinta oo qodobada ka hadlaya markhaati cad u yihiin, hadaan cida maamulka joogta raali kaa ahayn aan lagu siinayn.

Waxa kaloo, arrimaha ka yaab-badan guddida anshaxa ee ay qorsheysteen in Warbaahinta loo dhiso, waxay ka koobnaan doonan shan xubnood, saddex kamid ahi waxay ka imanayaan Wasaaradda Warfaafinta ama Warbaahinta Dawlada, labada kalena saxaafadda Madaxabanaan, taa micnaheedu waxa weeye Go’aanada guddidaas waxa iska leh Xukuumadda, maadaama aqlabiyadii ay haystaan.

Dhacdada kale ee aadka iyanna u xiisaha badani waxa ay tahay Xeer aan Hayaddaha Garsoorku ku shaqeyn oo aan la tijaabin sababta lagu ogaaday inuu yahay Xeer aan dhamaystirnayn, waxay iyanna ku tusaysaa caadifada iyo garashada dadka tallada ehelka u ah Maanta, iyo gacan-yarayaashooda ay ka xoog-badan tahay ralin-gelintooda cida talada haysa.

Haddaba, hadii arrinkaa Xeerka Saxaafada Xeer mahee waa Xayiraada Saxaafadda Somaliland’eh, hadii Xukuumadda tallada haysa faraha kala bixin, arrinkaa aan talladiisa loo dhamayn xukunkiisuna waxa uu ku ekaan doonaa cid gaar ah, waxa kaloo, aan baaq u dirayaa Hayaddaha xuquuqal-insaanka ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah inay il-gaar ah ku eegaan si joogta ahna ula socdaan Xoriyatul-qawlka iyo xuquuqda madaxbanaanida hadalka, kuwasoo labada Dastuurka Somaliland u damaanad qaaday Bulshada, hase-yeeshee Xukuumadda tallada haysaa hada ku hawlan tahay, sidii loo dabar-goyn lahaa madaxbanaanidooda.

Waxana arrimahaas dadiil u ah weedhihii Wasiirka Warfaafintu dhowaan ka sheegay Warbaahinta, oo u lahaa sannaadka cusub, waxa loo kala baxayaa laba, Somalilander iyo Somaliland-diid, ereyadaas oo aan la garanayn meesha uu Wasiirku ka keenay, balse marka la eeggo dhaqamada Xukuumada Muuse Biixi oo dhufays ka dhigata, hebel waa Somali-weyn iyo Muqdishaa laga Masruufaa, iyadoo la wada-ogyahay Rag Kulmiye ka Tirsan iyo kuwo Xukuumadda ku jira oo Xamar iyo dawlada Somaliye mooyee Shiling kaleba aan cunin, hadday noqoto Basboor Somaliya oo Hargeysa lagu sameeyo, iyo hadday noqoto Deeqihii Waxbarasho ee Somaliya lasoo mariyey oo suuqa Hargeysa lagu kala Iibsado, iyo arrimo kale oo badan oo aanu og nahay Ragga ku hawlan hadh iyo habeen”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured