Wafti Ka Socda Dalka Imaaraadka oo u Waday Safiir Hirad oo Xukuumadu laba Maalmood ku Xayirtay Deegaanka Biyo-guure Iyo Khilaaf Ka dhex-qarxay Wasiirrada Dibada, Maaliyada iyo Deeganka....

0
Tuesday January 15, 2019 - 02:23:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafti Ka Socda Dalka Imaaraadka oo u Waday Safiir Hirad oo Xukuumadu laba Maalmood ku Xayirtay Deegaanka Biyo-guure Iyo Khilaaf Ka dhex-qarxay Wasiirrada Dibada, Maaliyada iyo Deeganka....

    Wafti Ka Socda Dalka Imaaraadka oo u Waday Safiir Hirad oo Xukuumadu laba Maalmood ku Xayirtay Deegaanka Biyo-guure Iyo Khilaaf Ka dhex-qarxay Wasiirrada Dibada, Maaliyada iyo Deeganka....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti Ka Socda Dalka Imaaraadka oo u Waday Safiir Hirad oo Xukuumadu laba Maalmood ku Xayirtay Deegaanka Biyo-guure Iyo Khilaaf Ka dhex-qarxay Wasiirrada Dibada, Maaliyada iyo Deeganka....
Berbera(Xogreebnews)-Wafti ka Socda Dawlada Emaraadka Carabka Ayaa Maalintii Sabtida Ahayd Waxay socdaal ku yimaadeen Somaliland Iyagoo isla maalintiiba ugu sii gudbay dhinaca Gobolka Saaxil.
Wararka Aanu ka helayso Xubnaha Waftigan oo uu Horkacayo La taliyaha Boqorka Emaaraadka ayaa la sheegay in ay kooban yihiin 18 xubnood oo iskugu jira Saraakiil ciidan Iyo Caylada Qoyska la-taliyaha Boqorka.
Waftigan ayaa waxa la socday safiirka somaliland u fadhiya Emaraadka Amb. Xasan Hirad kaasi sida xoguhu tibaaxeen socdaalka Waftigan ujeedada ay usocdaan ku wargaliyay Xoghayaha madaxwaynaha Mubaarig Taani iyo wasiirka gadiidka kaasi oo ay ka wada socdeen arimaha ay usocdaan, iyadoo ujeedada socdaalkoodana lagu   sheegay in ay yihiin dalxiisayaal, balse waji kale yeeshay markii ay gaadheen deegaanka Biyo Guure oo 20kilomitir dhinaca bari ka xigta Magaalada Berbera.
Sidoo kale xogaha laga helayo waftigan ayaa tibaaxay in marki ay gaadheen deegaanka Biyo Guure  bulshada ku dhaqani ay ka bixiyeen dareeno shaki Abuuray isagoo xukuumada kusoow wargliyay arimaha ay waftigan ku hawlan yihiin.
socdaalka xubnahan ka socday dawlada Imaraadka ayaa lagu sheegay in yihiin dalxiisayaal balse markii ay deeganka gaadheen waxay bilabeen sidii ay ugaadh uga qaadan lahaayeen somaliland gaar ahaan shinbirka galaydhka.
Hadaba arinka waftigan ayaa abuurtay dareeno kala duwan kuwaasi oo markii danbe keentay in xukuumada ka dabada dirto ciidan iyo maamulka gobolka saaxil oo lagu amray in talaabo ka qadaan xubnahan dawlada Imaaradka ka socday, islamarkaana halka ay ku sugan yihiin lagu horjooga ilaa inta war danbe kasoo baxay dhinaca xukuumada dhexe , wallow aan xaga xukuumada iyo maamulka gobolka midna wali war rasmi ah laga helin oo khuseeya socdaalka waftigan.
Wararka aanu ka helayno waftigan ayaa intaa ku daray in deeganka biyo guure xubnaha waftigan uu hlkaasi ciidan ku horjooga in mudo ah, isla Mar ahaantana loo diiday inay wax dhaq dhaqaaqa sameeyan halka wararka qaarna tibaaxeen in xubnahi 24 saacadood ku jireen go,doon.
Dhanka kale socdaalka waftiga dawlada Imaaradka ka socday ayaa la sheegay inuu khilaaf ka dhex abuuray wasiirka arimaha dibada iyo wasiirka maaliyada oo isagu si hoose ula socday socdaalka xubahan dawlada Imaraadka .
Waftiga Imaaraadka ka socday ayaa Caawa saqbadhkii kusoo Hoyda Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil. Walow aanay Wararka aanu ka helay sheegeen waxa uu ku dhamaaday Khilaafkii Ugaadhsiga ahaa ee Waftigu sameeyen iyo in laga reebay Galaydhkii.
Si kastaba ha ahaatee talaabadan uu hormuudka ka yahay safiirka socod baradka ah ee dhowaan xukuumada madaxwayne muuse biixi u magacaabay safiirka Imaraadka
Halka talaabadii u horaysay ee uu qaaday ay keentay arintan  isla markaana sida khaldan loola dhaqmay waftigan ka socday dawlada Imaraadka oo  la odhan karo waxaa sabab u ah khibrad la,aanta safiirka iyo Xoghayaha awooda is biday ee Madaxweynaha oo iyaggu isla oggaa, hawshana wada watay, kuwasoo aan Wax wargelin ah oo ku saabsan ugaadhsiga Galaydhka  wasaarada ay khusayso iyo maamulka gobolka Saaxil.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured