"Sheekada Abwaan Abees Iyo Odayaasha Reerka".Qalinkii; Maxamed Haruun.

0
Tuesday January 15, 2019 - 01:02:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Sheekada Abwaan Abees Iyo Odayaasha Reerka".Qalinkii; Maxamed Haruun.

    "Sheekada Abwaan Abees Iyo Odayaasha Reerka".Qalinkii; Maxamed Haruun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sheekada Abwaan Abees Iyo Odayaasha Reerka".Qalinkii; Maxamed Haruun.

Ha, waa maqlay in Abwaan Abees la iska xidhay, in la iska soo daynaayo si dhakhso ah na waa ogahay. Al muhim, waxa ii muuqata iyada oo la soo daayay, oo gurigiisa uu tegay ninkan geesiga ahi. Waa kuwan odayaashii iyo culimadii reerka oo aan cid micno lehi ba ka maqnayn ay gurigii isku soo shubeen, muhiimad culus na waa ay u socdaan. Waa odayaal ay hor kacayaan Go-shaalle, Cumaamad wayne, iyo Bakoorad dheere, oo had iyo jeer safka hore ee masjidka ku jira. Odayaasha waxa weheliya sheekhii yaabka lahaa ee shirarka beesha ee xisbiga beesha lagu taageeraayo gudoomin jiray, iyo qaar kale oo badan. Odaygii Koofiyad-dheere ayaa hadalka qaatay, waxa uuna ku odhan, (waa hubaa in ay ku odhanayaan), "Adeer, C/raxmaan, anigu in aad wadanka joogto ba ma ogayn. Adeer aniga awawgaa ayaanu isku cimri ahayn, waliba aad na waa ugu egtahay. Waxa aan u haystaa in aan isagii uun eegaayo. Alla dunida maxaa rag ka tegay. Maxay xabaali nin haysaa. Adeer, waa maqalnay in lagu xidhay, waanan ka xunnahay. Adeer xaal gole-joog ah baanu ku siinaynaa, intayadaasi na waxa aanu kuugu nimid in aanu ku xaal marino. Adeer, geesinimada iyo aftahamada qoyskiina ayaa lahaan jiray, adiguna gees ma aad ka marin…” Intii kale na waa u jiibinayaan Xaajiga, waxaasi se ma ahayn midhkii u muhiimsanaa ee ay ula socdeen. Xaaji Bakoorad baa midhkii runta ahaa abaaray, waxa uuna yidhi – adeer , xadhigaaga waanu ka xunnahay sida odayaasha iga horeeyay ba sheegeen. Midhkaasi waa naga dhab. Sidoo kale, waxa aanu iyadana ka xunnahay, oo waliba aad uga xunnahay, in aad adigu dawladdii ba dadka kale uga soo horaysay. Runtii waanu ka xunnahay in ay taasi dhacday. Adeer suuqii baanu ceeb u mari waynay, oo umaddii ayaa na haaraantay, oo wax aanu ku hadalno, iyo wax aanu ku aamusno ba waa garan waynay. Maradaadu kugu gubatay bay nagu noqotay. Adeer, meeshan dawladnimo ta aad moodayso ee meelahaas qurbaha ka jirta oo kale ahi ma taalo, waxoogay feedh iyo haraati lagu wado ayaanu haynaa, ninkani na cadaw badan buu leeyahay adigu nin yar baa tahay oo malaha sidaa ma u ogide. Looma baahnayn, oo marnaba gar iyo daw toona ma ahayn, mana noqon doonto in aynu inaku durbaanka tuno, oo dadka uga soo horayno. Adeer sidaas waa ceeb, mana jirto wax ceebtaas inaga maydhayaa. Gabdhaheena ayaa guur beelayaa. Adeer nin yar baa tahay, nin yari na inta uu geed ka boodo, in leeg buu talo ka boodaa. Hadii aanu ogaan lahayn in aad waxaas ku hadlayso, oo fagaare isla so tagayso, waanu ku qaban lahayn, oo geed qudhaanjo leh kugu xidhi lahayn. Ragga runtu wax ma yeesho ee sidaas baa run naga ah. Adeer, imika iyo haatan na, laba uun mid yeel – in meelihii aad ka timid aad ku noqotid, ama yeeli waa oo, si wanagsan, oo shara fiyo asluub leh whadanka u joog oo noola joog waanu ku jecelnahaye. Adeer, waanu ka naxnay wixii aad ku kacday. Dawladdii dhamayd iyo ictirafkii soo dhawaaday ee hadda uun loo fadhiyay ba halis baa aad gelisay run ahaan. Ilaahay naxdintayada iyo ta muslinka ba ha ku hareer mariyo. Adeer dib isugu noqo, oo naftaada wax u sheeg ninna afkiisa lagama xaal siiyee.

 

Intaas waxa loogu darayaa kalmad wacdi ah, oo aayado iyo xadiisyo la kufsaday ay ka buuxaan. Sheekhii fariidka ahaa, oo sheekhii tolka ah, odayaashu na ay aad u majeertaan, ayaa hadalkii qaatay, waxa uuna yidhi, mahad Ilaahay iyo saliga Nebiga (SCW) ka dib, Abwaan Abeesoow, ikhwaan xadhiga waanu ka xunahay, samir baanan inaadeer ku farayaa. Nin khayr badani wajigiisa ka muuqdo ayaa tahay, waxa aanan ku xasuusinayaa sida ay muhiim u tahay in diinta lagu dhaqmo. Diintani waa manhaj kaamil ah, runtiina qofka si buuxda ugu dhaqmaa wax dhib ah ma la kulmaayo aduun iyo aakhiro toona. Haa, walaahi thuma walaahi, midhkaasi waa dhab. Quraanku waxa uu leeyahay, "Inna haadal qur’aana yahdii lilatii hiya aqwam.” Micnaheedu waxa weeye, quranka iyo guud ahaan diintu, had iyo jeer waxa ay kugu hagaysaa jidka ugu toosnida badan. Diintu waxa ay leedahay waa in madaxda loo nasteexeeyo, oo si sir ah wax loogu sheego, oo dhegta loo saaro, oo waxa aad u sheegayso aanay cidina maqlin, xataa dhegahaagu aanay maqlin. Haa, sidaas weeye. Hadii aad taas ogaan lahayd, oo sidaas u garan lahayd, dee xabsi ba ma gasheen, dhib kale na ma dhaceen. Hadii diinta sida ay tahay loogu dhaqmaayo, xaqiiqatan qofna lama xidheen, oo qofna ma bukoodeen, oo qofna jahli ma ku sugnaadeen, oo xataa laba qof isma qabateen, maxkamadahan la hor tubanyahay na waa wada xidhmi lahaayeen, oo camal la’aan baa ku dhici lahayd. Xataa warabaha ama yeygu xoolaha duurka jooga ma taabteen hadii diinta Alle sideeda loogu dhaqmo. Haa, sidas weeye. Nabiga (SCW) ayaa sidaas inoo sheegay, war baan se loo haynin. Alla maxaa cilmi ka daahan dadka caamada ah. Alla maxaa diinta la garab marsanyahay, oo kolba jahli lala kufayaa. Ilaahay xaqqa ha ina garansiiyo dhamaanteen… ayuu sheekhii fariidka ahaa ku xidhay hadalkii.

 

– Alla maxaa wacdi iyo wax sheeg sugaaya kolka uu soo baxo.

 

Hands off Abees.

QALINKII; MAXAMED HAARUUN BIIXI.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured