Buugga Xildhibaan Dheeg Wuxuu La Mid Yahay Kii Guri-Barwaaqo

0
Saturday January 05, 2019 - 23:08:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buugga Xildhibaan Dheeg Wuxuu La Mid Yahay Kii Guri-Barwaaqo

    Buugga Xildhibaan Dheeg Wuxuu La Mid Yahay Kii Guri-Barwaaqo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buugga Xildhibaan Dheeg Wuxuu La Mid Yahay Kii Guri-Barwaaqo

Buug la magac baxay DHAXAL ABWAAN oo laga qoray xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin oo Ku magac dheer (DHEEG)  ayaa lagu soo bandhigay magaalada Hargaysa gaar ahaan hoolka xafladaha ee AMBASSADOR, habeenimadii sabtida oo ay taariikhdu ahayd 5/01/2019.

Buuggan oo lagu soo ururiyey  suugaantii uu tiriyey xildhibaan Dheeg waxa ku qoran gabayo cay ah oo uu tiriyey isagu, gabayadaas oo uu si xun ugu aflagaadeeyey qabiillo iyo shakhsiyaad magac weyn leh oo ka mid ah bulshada reer Somaliland.

Buuggaas oo loo bixiyey DHAXAL ABWAAN oo laga qoray xildhibaan DHEEG laga bilaabo bogga 130 aad  ilaa bogga 138 aad  ee buuggiisa wax Ku qoran cutub hal-ku-dheggiisu yahay SILSILADDII GUUYOOBE IYO BAHO-DUKHSI, cutubkaas hoos marka aad ugu daadegto isla markaba waxa ay indhahaagu qabanayaan labo gabay oo uu tiriyey xildhibaan DHEEG oo uu si fool xun ugu caayey beelo ka mid ah bulshada reer Somaliland, beelahaas oo waliba ka soo jeeda deegaanka uu wakiilka ugu yahay jagada xildhibaanimada ee goloha guurtida Somaliland.

Gabayadaasi may ahayn silsilad dhex martay labada ardaa ee walaalaha ah ee GUUYOOBE iyo BAHA-DUKHSI mana jirto horrayso iyo dambayso wax colaad ah oo dhex Martay labadaa beelood, markaas waa gef iyo isku dir in la yidhaahdo SILSILADDA GUUYOOBE IYO BAHO-DUKHSI.

Sideedaba haddii aad maqsho gabayo  Silsilad ah macnaheedu waa gabayo xaraf isku mid ah ku socda sida: xarafka ‘S’ iyo ‘Sh’ arrintaasina ma jirto oo waxay ahaayeen gabayo ay isu tiriyeen niman biyo hoostood iska arkaayey oo mid waliba xaraf gooniya gabay ka soo tiriyey, mana aha gabayo tisqaaday oo ay bulshadu raali ka ahayd in la faafiyo. Haddaba xildhibaan Dheeg oo ka mid ah xildhibaanada goloha guurtidda Somaliland buugiisu wuxuu aabuurayaa colaad iyo isku dhac bulsho, lagumana kalsoonaan karo xilka culus ee uu qaranka u hayo. Sababta oo ah waxa uu dib u soo nooleeyey naxligii qabyaaladda ee laga soo gudbay, waxaanu da’yarta dib ugu xusuusinyaa boqolaal sannadood ka hor xilligii qabyaaladdu ay ahayd waxa keliya ee lagu  faano. Xildhibaan Dheeg waxa buuggiisa ku qoran ereyo nasab cay ah iyo aflagaaddo qaawan oo in la faafiyo in iyo in buug lagu qoro aanay faa’iido ahi ugu jirin qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Gabayadan reeraha lagu caayey  ma aha gabayo murti iyo nuxur leh ama hal muceed leh oo goleyaasha laga odhan karo, mana jirto wax baahiya oo loo qabaa gabyadii la isku caayey in bulshada buugaag loogu qoraa. Gabayadaasi waxa keliya ee ay faafinyaan waa naxli iyo xumaan, taas oo dhaxalkeedu yahay in ay isku caayaan jiilasha dambe iyo kuwa hadda nooliba.

 Buuggan la magac baxay DHAXAL ABWAAN waxa kale oo ku qoran bogga 246 ilaa bogga 256 gabayo uu  tiriyey xildhibaan Dheeg oo uu Ku caayeyey kuna aflagaadeeyey Suldaaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir iyo Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-yare).

 Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waa Suldaanka guud ee Somaliland ilaa xilliganna waxa uu hayaa xil iyo xasaanad ummadeed in caydiisa buug lagu daabacaana waxa ay laf jab weyn ku tahay ummadda duubka u xidhay ee uu suldaanka u yahay, sidaa awgeed buuggani waxa uu meeqaan jab weyn ku yahay gaar ahaan qabiilka uu ka soo jeedo suldaanku, guud ahaanna qaranka jamhuuriyadda Somaliland (Bogga 246 ilaa bogga 250).

Waxaynu ognahay golaha guurtida jamhuuriyadda Somaliland in ay u dhaarteeni in ay dhex u yihiin buulshada reer Somaliland, kana hortagayaan wax kasta oo wax u dhimaya qarannimada jamhuuriyadda Somaliland,   waxa kale oo aynu ognahay in ay dhawaan soo saareen go’aan ay ku sheegeen in aan buugaagta lagu qori karin gabayadii qabyaaladda ahaa ee la isu tiriyey xilliggii jahliga lagu noolaa. Sidaa darteed xildhibaan Dheeg waxa uu ku kacay qabyaalad iyo beelaysi qaawan oo keenaya cadaawad iyo colaad hor leh, waxaanu bulshada soo dhex dhigay buugga waxaasi ku qoran yihiin, isaga oo ummadda u haya xilka miisaanka weyn leh. Sidaa awgeed waa in laga xayuubiyaa xilka uu qaranka u hayo. Haddii kale geela duqdiisu durdurisay aarankiisana maxaad u malayn.

Gebogedii buuggaas ay ku qoran yihiin qabyaladaas iyo qudhunkaasi, haddana hordhaciisa waxa ku qoran aayado Quraan ah iyo hal xadiis oo rasuulka laga weriyey N.N.K.H. oo macnihiisu yahay:

Naga mid ma aha qofkii ku  baaqa tollaayeey, naga mid ma aha qofkii u dagaalama tollaayey, naga mid ma aha qofkii u dhinta tollaayeey.

Yuusuf Jaamac

Hargeysa, Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured