Wasiirka Qorsheynta Cawaale Ibraahin Shirwac, Masuul Dardar-geliyey Hawlaha Qorshe ee qaranka Somaliland!!! W/Q Saki Xasan Saleeban.

0
Wednesday January 02, 2019 - 18:44:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Qorsheynta Cawaale Ibraahin Shirwac, Masuul Dardar-geliyey Hawlaha Qorshe ee qaranka Somaliland!!! W/Q Saki Xasan Saleeban.

    Wasiirka Qorsheynta Cawaale Ibraahin Shirwac, Masuul Dardar-geliyey Hawlaha Qorshe ee qaranka Somaliland!!! W/Q Saki Xasan Saleeban.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Qorsheynta Cawaale Ibraahin Shirwac, Masuul Dardar-geliyey Hawlaha Qorshe ee qaranka Somaliland!!! W/Q Saki Xasan Saleeban.
Masuul kasta oo xil umadeed loo dhiibo waxaa diwaanada taariikhda u gala hadba waxa uu tacab galiyo xilkii loo doortay iyo dabcan waxtar ama waxyeelo midkuu qaranka kusoo kordhiyo.
Waa qorma kooban oo aan u hibayey Wasiir habeen iyo Dharaarba u heelan, heegana ugu jira inuu ka midho dhaliyo hadafkii uu higsanayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ee ahaa Waxqabadka iyo Horomarinta Dalkiisa Hooyo,waa weedho aan u hibeeyay Wasiir u hagar baxay siduu u Horomarin laha, Qorshe maangal ah oo la mahadiyana ugu samayn lahaa Bulshada S/land , waa Wasiir Hormood u noqday inuu qayb wayn ka qaadato Horumarinta Hayad kastoo Somaliland leedahay, Gaar ahaan wuxuu ahmiyad gaara siiyey qorshe u samaynta adeegyada Caafimaadka,waxrabashada iyo Biyaha oo Bulshada S/land baahida wayn u qabto balse aan dul joogsanno,Shaqsiyada Dhabta Ah Ee Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Md. Cawaale Shirwac.
Wasiir Cawaale Shirwac, waxa uu muujiyey karti iyo dedaal uu qorshe cad ugu sameeyey dalkiisa hooyo, isla markaana uu ku gutay waajibaadkiisa shaqo ee u igmanaa. Wasiir cawaale waxa uu dhexda u xidhay isku duba ridka horumarinta qaranka.
Sidaas daraadeed Akhriste Tani maha amaan iyo boggaadin dhalanteed ah, balse waa mid jirta oo ay ka markhaati yihiin shaqsi kastoo xog-ogaal u ah dhaqdhaqaaqyada dawladda sanaadka jirtay ee u gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi.
Waxqabadka waxa lagu tusaaleeya dhalinyarada madaxda ah, sida cagaf-cagafka oo kale, waa qalabka loo isticmaalo tacbashada beeraha, dhismaha qaranimo, nidaam shaqeeya oo dawladeed, mid qorsheyneed iyo weliba horumar kastaa oo bulsho gaadho. Sido kale dhalinyaranimaddu way dhici kartaa ama dhacdaa in loo isticmaali karaa duminta dhismo ama guri, ama qaranba. La soco qaybaha dambe.
W/Q
Saki Xasan Saleeban 
Saakisu122@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured