Dawladda Farmaajo oo Eriday Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabbilsanaa Soomaaliya...

0
Wednesday January 02, 2019 - 02:53:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Farmaajo oo Eriday Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabbilsanaa Soomaaliya...

    Dawladda Farmaajo oo Eriday Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabbilsanaa Soomaaliya...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Farmaajo oo Eriday Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabbilsanaa Soomaaliya...

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya.

Nicholas Haysom Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabbilsan SOOMAALIYA 2019

Nicholas Haysom Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabbilsan SOOMAALIYA 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dowladda ayaa ku eedeysay inuu jabiyay hab maamuuskii ku habboonaa xafiiska QM ee Soomaaliya isla markaana uu farageliyay arrimaha madaxbanaanida Soomaaliya.

Nicholas Hayom ayaa shalay soo saaray warqad haddalo kulul ay ku qoran yihiin oo u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda, taasi oo uu kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan Diisambar, iyo dhimashada 15 rayid ah oo ku dhintay rabshadihii ka dhacay Baydhaba.

Haysom waxa uu ka dalabaday wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmamed Abuukar Islow inuu sharraxaad ka bixiyo sharciga loo cuskadaay qabashada Roobow; ciidanka Soomaaliyeed ee hawsha fuliyey, iyo haddii ay taageero ka codsadeen ciidamada Itoobiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured