Somaliland itoobiya Waxa Kaliya Ee ay Uga Baahan Tahay Waa Aqoonsi.

0
Wednesday June 12, 2013 - 12:52:33 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland itoobiya Waxa Kaliya Ee ay Uga Baahan Tahay Waa Aqoonsi.

    todobaadadii la soo dhaafay waxa soo ifbaxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

todobaadadii la soo dhaafay waxa soo ifbaxay

Somaliland itoobiya Waxa Kaliya Ee ay Uga Baahan Tahay Waa Aqoonsi.

todobaadadii la soo dhaafay waxa soo ifbaxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya dawladaha Masar iyo itoobiya khilaafkaasi oo ka dhashay ka dib markii dawlada itoobiya isku dayday inay xidho webiga Nile kaasi oo ay dawlada Masarna ka cadhootay,iyada oo ay jirto in madaxweyna masar uu ku hanjabay in uu qaadi doono talaabo kasta oo lagu joojinayo isku dayga itoobiya, intaa ka dib waxaa soo baxay warar sheegayaa inay dawlada masar doonayso inay hubayso somaliya si ay carqalad ugu noqoto biyaha wabiga nile-ka ee itoobiyaha ay xidhayso inta kadibna itoobiya ayaa isku dayasay inay iskaashi milateri oo cusub la samasyo somaliland.

hadaba marka la eego baahida itoobiya u qabto iskaashi milateri oo ay la yeelato somaliland waxaa cad inay hada itoobiyaha somaliland aad ugu baahan tahay isla markaana waa inay dawlada somaliland itoobiyaha ku cadaadisaa sidii ay horseed uga noqon lahayd aqoonsiga somaliland madaama oo ay itoobiya saamayn ku leedahay dalalka waaweyn ee caalamka, waayo maanta baahida ugu weyn ee ay somaliland qabtaa waa aqoonsi caalami ah sidii ay uga heli lahayd beesha caalamka.

marka somaliland ha ka faa'iidaysato baahida itoobiya ee ah sidii difaac dhinaca milateriga ah itoobiya iyo somaliland si wada jir ah ugu sameysan lahaayeen iyaga oo iska kaashanaya dawlada masar hadii se itoobiya diidana in ay aqoonsato somaliland ,waa muhiim inay somalilandna gacan siiso dawlada masar oo ay ka dhaadhiso danaheeda gaar ka ah.

Qalinkii:C/risaaq Xasan Ibraahim

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured