Wasaaradda Warfaafinta iyo Warbaahinta Madaxabanaan oo Shirweyne Fooda isku daray+ Cabashadii Cashuuraha ee Saxaafada iyo Jawaabihii Xukuumada

0
Saturday December 29, 2018 - 21:11:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Warfaafinta iyo Warbaahinta Madaxabanaan oo Shirweyne Fooda isku daray+ Cabashadii Cashuuraha ee Saxaafada iyo Jawaabihii Xukuumada

    Wasaaradda Warfaafinta iyo Warbaahinta Madaxabanaan oo Shirweyne Fooda isku daray+ Cabashadii Cashuuraha ee Saxaafada iyo Jawaabihii Xukuumada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Warfaafinta iyo Warbaahinta Madaxabanaan oo Shirweyne Fooda isku daray+ Cabashadii Cashuuraha ee Saxaafada iyo Jawaabihii Xukuumada
Hargeysa(Xogreebnews)- Shirweyne kulmiyey qaybaha Saxaafada ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa saaka ka qabsoomay Huteel Mansoor ee Magaalada Hargeysa, waxanu shirweynahani socon doona laba maalmood.
Shirweynahan loo qabtay Saxaafada Madaxabanaan iyo ta dawliga ah ee ka hawlgasha Dalka Jamhuuriyada Somaliland, waxa kasoo qaybgalay, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, ururka Haweenka Saxafiyiinta Wiija, Wasiirada ugu tunka weyn Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, sida Wasiirka Warfaafinta Md. Candiraxmaan Guri-barwaaqo, Wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Qorsheynta Somaliland Md Cawaale Ibraahin Shirwac, Wasiirka shaqogelinta Marwo Hinda Gaani,wasiirka isgaadhsiinta iyo Wasiirku xigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha, Drs. Adna Aadan, Qorayaal Madaxbanaan iyo Wariyaasha Madaxabanaan iyo kuwa dawliga ahba.
Shirweynahan waxa si saraaxa ah looga dooday waxtarka Warbaahinta Madaxabanaan iyo waxyeelada ama gefefka ka dhaca, sidoo kale waxa uu halkaa kusoo bandhigay Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Solja cabasho ka dhan ah cashuurtii warbaahinta madaxabanaan ay kusoo rogtay Saxaafada Madaxabanaan. 
Waxa kaloo halkaa dardaaran culus Saxaafada usoo jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha oo ku booriyey inadeet Wariyaashu bedelaan dhaqanka xun ee anshaxa Saxaafada lidka ku ah, sidoo kale waxa uu Wasiir Maxamed Kaahin ku dheeraday garnaqsi uu qaybaha Warbaahintii madasha ku sugnayn ugu hogo tusaalaynaya dhinaca wanaagsan ee qaranimada inay kula midooban Xukuumada.
Sidoo kale waxa halkaa hadalada iskaga daba maray Wasiirada Diinta iyo awqaafta, Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka isgaadhsiinta, Wasiirka Wasiirka arrimaha bulshada iyo shaqsiyaad kaloo ay Kamid tahay Drs. Adna aadan,  waxana shirweynaha oo soconaya laba cisho furniinkiisa hadal dheer kasoo jeediyey Wasiirka Warfaafinta Md. Guri barwaaqo, kaasoo halkaa kula garnaqsaday Warbaahinta madaxabanaan oo iyaggu si weyn uga cawday cashuurta la dul dhigay Saxaafada madaxabanan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured