Xeeladaha Maldahan ee Xamar iyo Shirkii Jabuuti.Bye Xuseen Xasan Badmaax

0
Monday December 24, 2018 - 03:44:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xeeladaha Maldahan ee Xamar iyo Shirkii Jabuuti.Bye Xuseen Xasan Badmaax

    Mar haday Xamar maantana keentay xeelad ay xabaal ugu qodayso dalkan JSL saw maaha inaynu u quus goyno wada hadalada ceer yaanta ah ee reer galbeedku sidii dhallaanka innagu maaweeliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar haday Xamar maantana keentay xeelad ay xabaal ugu qodayso dalkan JSL saw maaha inaynu u quus goyno wada hadalada ceer yaanta ah ee reer galbeedku sidii dhallaanka innagu maaweeliyo.
Siyaasada aan weli sal dhigin ee Abiy Axmed uu ka wado itoobiya  iyo geeska, laguna magacaabay isbedelka cusub ee geeska ayay federal ku sheegga Somaliya ku kacday xeelad kale ooy ugu muujinayaan itoobiya inay Jamhuuriyada Somaliland tahay gobol ka mid ah Somaliya.Markhaatina uga dhigtay Geelle-ha Jabuuti ee hore ba ilaa Carta ugu guul daraystay dib u midaynta labadaa dal.
Ninbaa laga hayay(Maanaa waallan mise cadan ayaa laga heesayaa)Bal daya dadkan Xamar ee kii madax u noqdaaba ku salalayo inuu hadba keeno xeelad uu ku dulmiyaayo dalkan  ay jaarka yihiin ee Jamhuuriyada Somaliland.Bal eega caqliga Farmaajo iyo shaxda dhabarku muuqdo ee uu ku xaqirayo jiritaanka iyo madaxbanaanida JSL. Ururka Farmaajo samaystay ulana baxay heritage ayuu u soo xambaariyay shir loogu talo galay in lagu aaso jiritaanka dalkan JSL,kuna wada socdeen dalka jabuuti oo marti geliyay.Hadaan iftiimiyo shax caruureedka Farmaajo ee shirkaa jabuuti lagu qabtay aan ku horeeyo sawirka guud ee ergooyinkii shirka uu u dhigay:

1.Tiro xad dhaaf ah oo ka kooban kuxigeenka ra'isal 
   wasaarihiisa, xukuumadiisa iyo xildhibaano ka tirsan
   baarlamankiisa asal ahaana ka soo jeeda dalkan JSL.
2.Dhawr Xildhibaan oo ka soo jeeda Somalida Kenya.
3.Dhawr aqoon yahan oo ka soo jeeda JSL.
4.Madaxweynaha Jabuuti,xildhibaano iyo Xukuumada. 
Hadaba habkan waxa sida cadceeda ugu cad Farmaajo
inuu xaqiray madaxbanaanida JSL markuu u dhigay,doodiina ku muujiyeen xildhibaanadiisa asal ahaan ka soo jeeda dalkan JSL inay gobol ahaan ku metalaan JSL,kana mid tahay Somaliyada uu xuurtada ku haysto. Hadii aanay sidaa ahayn Farmaajo casuumad ayuu u fidin lahaa dalkan JSL si ay ugu diraan ergo shirka ka qayb gasha.Caddaynta labaad waxa weeye dhawrka aqoon yahan ee ka soo jeeday JSL waxa loo casuumay inay ka mid yihiin aqoon yahanada ka socda Somaliya,iyana mabay dareemin walow qaar kood ka tirsan yahiin xisbiga Waddani,xataa ismay waydiin maxaa looga dan lahaa casuumada shaqsinimo ee marti qaadka looga reebay dalkiina iyo xisbiyadiina.Markaa kuwan iyaga halkaa ayaan ku dhaafayaa,waxna odhan maayo mar hadaanay garanba danta iyo xeelada laga lahaa shirka ay ku bah dilmeen.   
Markay sidaa tahay hab dhismeedka cidda ka qayb gashay waxay ahayd:
Somaliya,Somalida kenya,Somalida Itoobiya iyo Jabuuti,lagana dooday aayaha saamaynta uu guud ahaan Somalida ku yeelan
karo isbedelka Abiy Axmed ka wado geeska.Mar haday Xamar maantana keentay xeelad ay xabaal ugu qodayso dalkan JSL saw maaha inaynu u quus goyno wada hadalada ceer yaanta ah ee reer galbeedku sidii dhallaanka innagu maaweeliyo.
Waxba yaan ku sii fogaane horta shirka jabuuti lagu qabtay waxuu ahaa xeelad cusub oo ay Xamar ku muujinaysay inay JSL tahay gobol ka mida Somaliya.Hadaba Somaliya mid baan leeyahay,Jabuutina mid baan leeyahay.Somaliya waxaan leeyahay waar indha iska tuurka,dhega furaynta waad ogtihiin dalkan JSL shacab kiisu ka tashaday masayrkooda,afti ku go'aamiyay jiritaanka iyo madaxbanaanida qarankan JSL ka hor 27 sanno,maantana yahay dal jira 27 sanno oo aad jaar tahiin.Waxa la yidhi(Nin kaan quusani isagaa quus ah) markaa quusta ilayn xasad iyo xumaan kasta isku dayde e',waxa idinla haboon inaad xaaladaha aayaha dalkiina ku ekaataan,kana saartaan siyaasada ma dhalayska ah ee hore iyo haatanba idin curyaamisay.
Jabuutina waxaan leeyahay Madaxweyne Ismaaciilow ku xiiqday qoladan Somaliya ee rumaysan Somaliweyn inay tahay iyaga iyo Jamhuuriyada Somaliland una aragta jabuuti inay tahay dal ka gaar ah Somaliweyn ugu dhaaro waxii la odhan jiray Somaliweyn kana koobnaa 5ta Somaliyeed inay iyagu gacantooda ku gawraceen,jabuuti-na aragtay isha Cali ka laalaada,maantana 5tii ay mid waliba isku tashatay.Madaxweyne Ismail ku soo laabo xaqiiqada oo faraha ka qaad dib u midaynta Somaliya iyo JSL,waa arrin noqday ma dhacdo,maalinta jabuuti ogolaato inay la midowdo Somaliya ayay JSL ka tashan doontaa,markaa ma kula tahay inaad JSL wax la qabsato oo aad siyaasada dhinaca kalena ka eegto. 
Waxaan ku soo afmeerayaa aragtidan ii gaarka ah(Maxaa dacar lay walaaqay waabeeyo ku caafimaaday).
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured