"Haddii uu u Qaato inuu Itoobiya intuu u tago oo uu Rayigiisa ka dhaadhiciyo oo somaliland dusha kaga keenayo waxay ila tahay waa siyaasad aanu wax badan kala socon".Wasiirkii hore ee hawlaha guud Md. Cali Mareexaan

0
Sunday December 23, 2018 - 00:10:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Haddii uu u Qaato inuu Itoobiya intuu u tago oo uu Rayigiisa ka dhaadhiciyo oo somaliland dusha kaga keenayo waxay ila tahay waa siyaasad aanu wax badan kala socon".Wasiirkii hore ee hawlaha guud Md. Cali Mareexaan

    "Haddii uu u Qaato inuu Itoobiya intuu u tago oo uu Rayigiisa ka dhaadhiciyo oo somaliland dusha kaga keenayo waxay ila tahay waa siyaasad aanu wax badan kala socon".Wasiirkii hore ee hawlaha guud Md. Cali Mareexaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii uu u Qaato inuu Itoobiya intuu u tago oo uu Rayigiisa ka dhaadhiciyo oo somaliland dusha kaga keenayo waxay ila tahay waa siyaasad aanu wax badan kala socon".Wasiirkii hore ee hawlaha guud Md. Cali Mareexaan
Hargeysa(Xogreebnews)-Wasiirkii hore ee hawlaha guud Md Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa eedaymo culus u jeediyey madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Siyaasi Cali Mareexaan ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu gabi ahaanba ka baxay heshiisyo ay hore u wada gaadheen somaliland iyo soomaaliya wakhtigii ay u socdeen wada hadaladu.
Siyaasi Cali Mareexaan ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Waxa ii muuqanaysay baryahan in xaga soomaaliya intii uu yimid Farmaajo uu kala fogeeyey somaliland iyo soomaaliya, sanadkii 2012 wada hadal ayaa bilaabmay kaas oo dhacay shan ilaa lix jeer, waxyaabihii lagu heshiinayey ee hawada, ganacsiga, inaan lays fara galin ama ha ahaato
in deeqaha si wanaagsan looga shaqeeyo, waxaas oo dhana intii uu meesha yimid ayuu qasay marka runta laga hadlo, labadaas sanadood ee uu joogayna aad ayey u kala fogaadeen somaliland iyo soomaaliya, waxaanan leeyahay wax dani uguma jirto in wasiirada iyo madaxweyneyaasha uu la shirayaa inay wax ka badalayaan somaliland.” Sidoo kale siyaasi Cali Mareexaan ayaa intaas raaciyey "Haddii uu u qaato inuu Itoobiya intuu u tago oo uu rayigiisa ka dhaadhiciyo oo somaliland dusha kaga keenayo waxay ila tahay waa siyaasad aanu wax badan kala socon, Itoobiya waa dal cariiq ah oo fog oo siyaasadeedu qorshe leedahay, bal isagana yaan laga marsan inta uu is leeyahay Itoobiya wax ka soo dhaadhacso oo yaanu is arkin isaga oo bad ku jira.”
Dhinaca kale waxa uu soo bandhigay hamiga siyaasadeed ee uu ka leeyahay hogaaminta xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi "Xisbiga Kulmiye isaga oo urur ah dadkii aas aasay ayaan ka mid ahaa 2002, guddii fulinta ayaanan ka tirsanaa, doorashadii 2003-dii gudoomiyihii ololaha gobolka Togdheer ayaan ahaa oo xisbinimo ayuu ku guulaystay, doorashadii dambe ee baarlamaanka aniga ayaa ka sharaxnaa oo ka soo baxay, doorashadii 2010 ilaa imikana madaxda xisbiga iyo lafdhabartiisa ayaan ka mid ahaa, dawlada hadana ragii soo saaray ayaan ka mid ahaa, siyaasada waxa loogu jiraa damac ee maaha sheeko, waxaanay ila tahay in xiligeeda iyo wakhtigeeda laysla sugayo balse damac ma leedahay hadal afka ka weyn weeyaan oo hadal qof la waydiiyaba maaha.” ayuu yidhi siyaasi Cali Mareexaan oo u waramay eryal.
Siyaasi Cali Mareexaan ayaa sidoo kale soo dhaweeyey kulankii uu madaxweynaha somaliland shalay la qaatay madaxweynaha deegaanka soomaalida Itoobiya, isaga oo xusay in soomaalida ay dani ugu jirto inay iskaashadaan iyaga oo dawladahoodu kala duwan yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured