Aqoonyahan Jamaal Oo Saluugay Doodaha Ay baryahan Fagaarayaasha la tagan Siyaasiyiinta Somaliland"Marnaba Maan Filaneynin In Aynu Nidhaahno Farmaajo Ayaa Waraaqo Diray, Iyo Weynu Heshiin Karnaaye Ma Noqonayso Sidii Hore".

Hargeysa(Xogreebnews) – Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Ka mid ah Aqoonyahanka dalkani Somaliland leeyahay ee mar walba heeganka ugu jira difaacida iyo ilaalinta masayrka Umadda Reer Somaliland iyo Gooni iskutaageeda ayaa saluug wayn ka muujiyay hanaanka Doodaha ay Fagaarayaasha la tagaan Baryahan dambe Qaar ka mid ah Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Reer Somaliland, gaar ahaan waxa uu aqoonyahanku carabka ku adkeeyay oo uu saluugay doodii dhawaan ka dhacday Dalka jabuuti ee uu soo agaasimay Machadka daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee Soomaaliya kaasi oo ay fooda isdareen kooxo aqoonyahano ah oo kasoo kala jeeda labada dal. Qoraal dheer oo uu Aqoonyahan Jamaal Kaga hadlayo arintaasi oo soo gaadhsiiyay Wargeyska Foore ayaa waxa uu ku yidhi sidan "Bilihii u danbeeyey waxaan arkaayey iyadoo Aqoonyahanadda iyo Siyaasiyiinta Somaliland ay u hadlayeen sidii oo ay ka cabanayaan dawladda Soomaaliya oo aad moodid in aynu kaba mid nahay. Somaliland weligeed may istaagin meel ay kaga cabato dawladda taagta daran ee Muqdisho ka dhisan. Shicibka iyo dawladda Somaliland waxay yihiin qaar ku qab weyn qadiyadda iyo gooni istutaaga Somaliland iyo wixii ay soo qabsadeen. Inkastoo Aqoonyahanadda iyo siyaasiyiintuba ay mar walba difaacan Somaliland qadiyadeeda haddana intii danbe waxaan ka dhex dhadhansanaayey inay sii daciifayso kalsooniddii ay berigii hore ku hadli jireen ilaa iyo intii ay yimaadeen isbadeladda geeska Africa ee ay dawladda Itoobiya hogaaminayso”. Leave a comment |
|