"Qolada Somaliland ee Muqdisho jooga Xiniinyo laysma dhibaadshee, ka go'i-mayso waxad tahaye adigoon sharaf iyo karaamo ku joogin muqdisho dadkaaga karaamo la'aan Hangool Hawgu Noqon". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

"...Waxan is yara dul taagayaa doodii aqoon yahanka Somalida ee ka dhacday wadanka Djabouti, Marka hore qodobku wuxuu ahaa dabaylaha Siyaasadeed Ethopia ka Curtay Sidee bay Somalidu uga faa,iidaysan kartaa? Waxayse arrintu isu bedeshay garnaqsi ku Saabsan Somalia iyo Somaliland? Marka hore waxan hambayeynayaa Kooxda Magaca Somaliland ku hadlayey gaar ahaan Sucaad Carmiye , Bulxan oo ay ka muuqanaysay ku faanka Somalilandnimadu inuu ka dhab ahaa, Waxanse aan doonaya si ay afkaartu midho dhal u noqoto oo aanay noqon wixii ay Somalia samayn jirtay uun inanay doodu u dhaxaynin Somaliland iyo nin Somalilands oo shaqo tagay, doodu ka dhaxayso dadka reer somaliland waanu is qancin karnaa ee halkeeda, haddiise ay Somalia iyo Somaliland ka dhaxayso waa inaanay soo dhex gelin kuwa iminkaba farmaajo la joogaa, bal waxay ku leeyihiin Somaliland baan metelaa farmaajona way u hadlayaan, arrintani waxay misslead garaynaysaa ujeedadii iyo wixii laga hadlaayeyba ujeedo sax ahina kama soo baxayso, qolada dooda qabatay waxay ahayd inay xaddidaan dooda Waa arrin khaladan oo ay qolada dooda qabatay sameeyeen? Waana arrin ay ka ilduufeen qolada reer somaliland u hadlaysay ? Waana nidaam ay had iyo jeer qolada koonfureed ay ku carqaladeeyaan wada hadalada dhex mari lahaa Somaliland iyo Somalia? Waa ujeedo mar walba xaqiiqada lagu gees maraayo? .
Mid waxaan odhanayaa qolada reer Somaliland ee Muqdisho jooga Xiniinyo laysma dhibaadshee, ka go i mayso waxad tahaye adigoon sharaf iyo karaamo ku joogin muqdisho dadkaaga karaamo la aan hangool hawgu noqon yaan lagu odhanin dadkaaga la dood mar walba oo hays ku gudbin kii godobta lahaa? Hadaad adigu doonayso fikirkaaga in lagaala doodo meel isasoo taag qaar kula mid ah ayaanu kuu soo diriye, laakiin gaani naanida ka bax?
Midna Koonfur baan leeyahay Marka la rabo in wax dhamaadaan darafyada arrinta leh baa iska arka kana wada hadla, waa haddii aad doonaysaan in wax uun baaqi inooga noqdaan Somalinimada iyo ehelnimada ka baxa geed is marmarinta oo aan sidii aynu awel isugu nimi u wada hadalo?
Midna reer Somaliland baan odhanayaa kulanka aynu kulmayno koonfur waa inay cadaataa dhinacyada wada hadlaya, waxa laga wada hadlayo, iyo cida gogosha dhexdhexaadnimada wadaaba?
Wa bilaahi tawfiiq.
Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
Leave a comment |
|