AQOON YAHAN JIIR AYAA KA DAYRIYEY XAALADA CAAFIMAAD EE CUSBITAALKA GUUD IYO DARYEEL LA’AANTA CAAFIMAAD EE SALDHIGYADA SOMALILAND

0
Tuesday June 11, 2013 - 20:16:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AQOON YAHAN JIIR AYAA KA DAYRIYEY XAALADA CAAFIMAAD EE CUSBITAALKA GUUD IYO DARYEEL LA’AANTA CAAFIMAAD EE SALDHIGYADA SOMALILAND

    marka aad tagto cusbitaalka guud ee hargeysa waxay markiiba indhahaadu ku dhacayaan daryeel la’aanta baahsan ee bukaan jiifka cusbitaalka guud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

marka aad tagto cusbitaalka guud ee hargeysa waxay markiiba indhahaadu ku dhacayaan daryeel la’aanta baahsan ee bukaan jiifka cusbitaalka guud

marka aad tagto cusbitaalka guud ee hargeysa waxay markiiba indhahaadu ku dhacayaan daryeel la’aanta baahsan ee bukaan jiifka cusbitaalka guud ee hargeysa iyo weliba qashinka badan ee dhex daadsan cusbitaalka guud ee hargeysa,akhriste goobaha danta guud sida cusbitaalada oo kale waa meel ka dhexaysa umada somaliland oo dhan isla markaana meel u baahan in aad looga war hayo madaama oo inta badan dadweynaha reer somaliland ay isticmaalaan cusbitaalka guud ee hargeysa ayaan hadana aysan jirin adeego ku filan oo ay kala kulmaan cusbitaalka guud ,iyada oo inta badan aysan jirin kalkaaliyayaal si wanaagsan dadka ugu adeega ,iyada oo ay qaarkoodna dadka weydiistaan lacago hadii aan la siina aysan waxba u qabanayn dadkii la soo dhigay cusbitaalka guud ,waxa iyana jirta dhakhaatiirka cusbitaalka guud fadhiisata oo mid kastaa furtay cusbitaal u gaar ah oo ay dadka lacag adag kaga qaadaan ,iyada oo la odhan karo wasaarada caafimaadka somaliland wey ku fashilantay inay si dhab ah ula xisaabtanto kalkaaliyaasha iyo dhakhaatiirta dadka u furtay cusbitaalada ay ku baadhanayaan.

waxa kale oo aad ka naxaysaa markaad aragto cusbitaalkii guud ee hargeysa oo qashin aad u fara badani buux dhaafiyay ,akhriste maalin dhaweyd ayaan tegay cusbitaalka guud oo aan soo indha indheeyey waxaan soo arkay meel wax yar u jirta cusbitaalka caruurta oo qashin aad u badani buux dhaafiyay kaasi oo uga sii dari kara xaalada caafimaad ee caruurta badan ee lagu daweynayo halkaasi .

waxa kale oo aan tegay cusbitaalka dhimirka oo isaguna ka sii daran oo aad arkayso xaalada dadka dhimirka wax ka qaba oo aan haysan daryeel wanaagsan oo ku filan , iyada oo dadkaasi si weyn ay u dayacanyihiin ,hadaba akhristayaal bal ila soo arka xaalada qalafsan ee aan ku soo arkay goobahaasi aan ka soo hadlay xitaa waxaad arkaysaa cusbitaalka tiibayda oo isaguna kala mid ah dhinaca nadaafad xumida cusbitaalka guud.

geesta kale saldhigyada booliska ee somaliland ayaan maxaabiistu ku haysan wax daryeel ah oo ku saabsan dhinaca caafimaadka iyo nadaafada oo waxaad arkaysaa isla marka aad gasho xashiyada somaliland inay yihiin goobo aad uga liita dhinaca nadaafada oo waxaa markaaba ku qabsanaya hawo aad aad u dhibsanayso.

gabagabadii waxaan leeyahay guud ahaan shacabka reer somaliland dibeda iyo gudaba hoos ha loo eego cusbitaalada somaliland iyo xaalada saldhigyada.

Qalinkii:Aqoon yahan Jaamac Cilmi Jiir

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured