"Waxa la leeyahay kuwii Aqoonta badnaa, Kartida badnaa ee lacagta kugu bixiyey waxba ma waydiinaysid,oo Albaabka kama furaysid ee Madaxweyne Dadka la Tasho". Sheekh Aadan Siiro.

0
Saturday December 15, 2018 - 03:37:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa la leeyahay kuwii Aqoonta badnaa, Kartida badnaa ee lacagta kugu bixiyey waxba ma waydiinaysid,oo Albaabka kama furaysid ee Madaxweyne Dadka la Tasho". Sheekh Aadan Siiro.

    "Waxa la leeyahay kuwii Aqoonta badnaa, Kartida badnaa ee lacagta kugu bixiyey waxba ma waydiinaysid,oo Albaabka kama furaysid ee Madaxweyne Dadka la Tasho". Sheekh Aadan Siiro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa la leeyahay kuwii Aqoonta badnaa, Kartida badnaa ee lacagta kugu bixiyey waxba ma waydiinaysid,oo Albaabka kama furaysid ee Madaxweyne Dadka la Tasho". Sheekh Aadan Siiro.

Hargeysa (Xogreebnews.com) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Ahmiyadda Islaamku siiyey Akhlaaqda Wanaagsan iyo Wada-tashiga. Sheekh Aadan-Siiro wuxuu khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay labada Sifo ee kala ah ‘Akhlaaqda wanaagsan iyo Wada-tashiga’ kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwii uu ku guulaystay Rasuulkeena Muxamed (CSW), Hoggaamiye kasta oo Muslim ah oo labadaa Sifo yeeshaana uu guulaysanayo.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Waxaan ka hadlayaa laba Sifo oo ay tahay inay la yimaaddaan Dadka Ummadda hoggaamiyaa, kuwaas oo kala ah ‘Xusnul khuluq iyo Wada-tashiga’ taas oo guul badan gaadhsiinaysa (Dadka Dadka Hoggaamiya). In Ninka Amiirka ahi yahay Nin Dhibirsan oo Dadka Ururriya oo dulqaad badan oo Dadkiisa hadalladooda aan Tix-raacin, laakiin muhiimadda hoggaankiisa ilaashada iyo mid la tashada Dadkiisa wanaagsan ee Aqoonta iyo Kartida leh ee u ilo-bixiya wuxuu markaa doonayo. Labadan sifo waxaan doonayaa inaan u diro Hoggaanka Dalka oo aan dardaaran uga dhigo Naftayda iyo kuwa meesha hoggaaminaya..”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu tilmaamay in Hoggaamiyaha doonaya inuu guulaystaa tahay inuu ku daydo Rasuullulaahi Muxamed CSW "Haddii Hoggaamiye la doonayo Qofku waa inuu Rasuulka CSW ku daydo, si uu u guulaysto if iyo Aakhiro. Innagu Guusha waxaynu u aragnaa Guusha uu Qur’aanku tilmaamay, waxaynu u aragnaa guusha uu Sunaha Rasuulku lagu tilmaamay, waxaynu guusha u aragnaa kuwa Illaahay leeyahay darajadii Sidiiqiinta ayay gaadheen, kuwa illaahay Qur’aanka ku tilmaamayo ee uu leeyahay Illaahay baa ka raalli noqday oo Adduun iyo Aakhiraba way guuleysteen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Guushu waxay ku xidhan tahay, Qofku markuu hoggaamiye yahay inuu raaco Dariiqii Rasuulka CSW, Rasuulku wuu guulaystay isagoo Agoon ah, isagoon Hanti badan haysan, wuu guulaystay isagoon Inamo lahayn, wuxuu ku guulaystay inuu sameeyo Bulsho Dunida hoggaamisa, 25 sannadood ayuu oodda ugu rogay boqortooyooyinkii shan kun oo sannadood soo taxnaa. Rasuulku wuxuu ku guulaystay Akhlaaq wanaag iyo Wada-tashi, guusha Rasuulka waxa ka mid ahayd Akhlaaq wanaag, Rasuulku wuxuu ahaa Mid Saxaabadiisu ku dul socdaan (oo u dul-qaata). Salaaddii oo la gelayo ayuu Nin Reer Miyi ahi Rasuulka Gu’iisa soo qabtay, markaasuu ku yidhi ‘Nebi Alloow waan baahanahay ee ha gelin Salaadda illaa aad wax ii dhiibto’, markaas ayuu Rasuulku Saxaabi ku yidhi ‘u dhiib’, markaas ayuu Ninkii yidhi ‘Nebi Alloow Alle hakaa abaal-mariyo Adigoo Salaadda gelaya ayaan ku idhi ha gelin, markaas ayaad ii dhiibtay..’ waa sifaadkii Rasuulka CSW, Illaahayna wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi ‘Rasuulkii Alloow dhaqan wanaagsan baad leedahay’ Ilaahay wuxuu yidhi ‘Muuminiintu waa kuwa Cadhada Qarsada marka lagu gefo, waa kuwa Dadka Cafiya marka lagu gefo’ taasina waa sifada Rasuullulaahi Muxamed CSW.”

Sheekhu waxa kale oo uu tilmaamay "Rasuulku weligii kama aar-goosan wax isaga gaar loogu sameeyay, laakiin marka dulmi yimaaddo wuu ka dhiidhiyi jiray oo xaqa wuu u gargaari jiray..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Rasuulku wuxuu ahaa mid aan Saxaabadiisa laga dhex garan oo is dhul-dhiga, halka Maanta Innaga oo Cidlo fadhina lagu odhanayo kuwii la shaqaynayey ayaa Madaxweynihii raadinaya 15 cisho, hadda waa kuwii uu dirtay.”

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddiisa sii wada ayaa yidhi "Waxyaabihii uu Rasuulku wuu Saxaabadiisa ku ururriyey waxa ka mid ahaa Akhlaaq wanaag iyo Wada-tashi. 124 Kun oo Saxaabi ayuu Rasuulku la hadlay, Saxaabi walba markii la waydiiyey ka warran xidhiidhkiina ? Saxaabi walba wuxuu yidhi ‘Aniga ayuu Rasuulku CSW iigu jecel yahay’..”
Sheekhu waxa kale oo uu sheegay "Faadumo Bintu Rasuullulaahi ayaa Masaajidka ugu timid Rasuulka, waxay ku tidhi ‘Cali-na waxba ma hayo, Anigana waad ogeyd wixii aad i raacisay, markaa Farihii baa i baxay ee waxaan u baahanahay inaad Qof shaqaale ah ii dabbarto’, Nebigu wuxuu ku yidhi ‘Halkan waxa ii jooga 83 Saxaabi, illaa kuwaa aan meel dhigayo Faadumooy Samir, ducaan ku raaciyey Illaahayna dambi-dhaaf waydiiso, waxaan kaa horreysiinayaa Saxaabadaa Masaajidka jooga, waxaan doonayaa intaan kuwaa meel dhigayo inaynu Innagu dambayno, bal Tusaalahaa ag dhiga kuwa Maanta u taliya Dadka Muslimiinta ah ee soo wada ootay ee Salladdooda gaadiidka lagu doono.”

Sheekhu waxa uu ka hadlay Wada-tashiga "Waxyaabaha uu Rasuulku CSW ku guulaystay waxa ka mid ahaa inuu la tashado Saxaabadiisa waaweyn. Waddamada Muslimiinta ah Maanta halkaa maxaa dhigay, Nin isagu wax is mooday, Taladii isku ururriyey, markaa Xukuumadda waxaynu kula talinaynaa laba Arrimood, Madaxweynaha waxaannu leenahay Dadkaaga la tasho, waxa la leeyahay kuwii Aqoonta badnaa, Kartida badnaa ee lacagta kugu bixiyey waxba ma waydiinaysid, Albaabka kama furaysid, waar Dadkaaga la tasho, Xukuumadda waxaanu leenahay wax badan baa innagu xeeran ee Dadkaaga ururri, Dadkaaga wanaagsan la tashada oo Talada badsada…”ayuu yidhi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured