Wiil Dhalinyaro ah oo Caawa Isku Gubay Magaalada Hargeysa iyo Maydkiisi...

0
Thursday December 13, 2018 - 02:40:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Dhalinyaro ah oo Caawa Isku Gubay Magaalada Hargeysa iyo Maydkiisi...

    Wiil Dhalinyaro ah oo Caawa Isku Gubay Magaalada Hargeysa iyo Maydkiisi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil Dhalinyaro ah oo Caawa Isku Gubay Magaalada Hargeysa iyo Maydkiisi...
Hargeysa(Xogreebnews)-Wiil dhalinyar ah oo aaney da.adiisu ka badneyn Labaatan Sano ayaa isku Gubay Guri aan Ka Dheerayn Cusbitaalka Caasimada Hargeysa Kaas oo Lagu ogaadey Kadib Markii Dabkii usoo Gudbey Guriyihii Dariska la ahaa Xaafada Goljano ee Magaalada Hargeysa,iyaddoo Goor Dambe lagu Warhelay Dabka Xoogan ee Ka kacey Gurigaasi oo Galaafan Gaadhey Kaalmaha Shidaalka laga Qaato Ee Ka DambeeyaCusbitaalka Hargeysa.
Meydka Marxuumka Is Gubay,ayaa qaybo kamid ahi jidhkiisa  laga helay Guri Shiraac ka Sameysnaa ee uuisku gubay
Gurigan ayaa ku yaala halka  u Dhaxaysa Xarunt Wargeyska Jamhuuriya iyo Kaalmaha Waaweyn ee Ka Dambeeya Cusbitaalka Hargeysa Khusuusan Kulmiye Fuel-Station inkastoo La Bakhtiiyay dabkaasi Islamarkaana, ay Goor Aqalkaasi Shiraaca ahaa Shufbeelay ay Yimaadeen Kooxaha Dabdamisku BakhtiiyeenGuryihii u Dhawaa ilaa iyo hada lama garanayo Sababta dhabta ah ee Marxuumkaasi Isku Gubay.
Boqolaal kamid ah Dhalinyaradda Xaafada Goljano ayaa iskugu Soo Xoomay Agagaarka Guriga Shoraaca ahaa ee Marxuumkani Isku Gubay inkastoo Ciidamada Boolisku kala dareeriyeen Dadkii halkaa isugu Soo baxey Waxa uu Dabkani khasaare gaadhsiin gaadhey Xaafada Goljano taas oo Sas qaadsiisey Xaafadihii u Dhawaa Guriga uu Marxuumku Isku Gubey.
Maaha Markii ugu horeysay ee Qof dhalinyaro ahi Isku Gubo Caasimada Hargeysa haseyeeshee, Sanadihii u Dambeeyay Waxey dhacdada Noocani Noqotey mid ay Isku Halaagaan Dhalinyarada oo u Badan Ardeydu kadib marka ay Qaarkood Dhacaan Imtixaanaadka Shahaadiga ah iyo Waliba Duruufaha Kasoo Kordha Ee Dhinacyada Nolosha iyo shaqo la,aanta baahsan ee dalka ka jirta
WIXIIFAAH FAAHIN AH EE KASOO KORDHA DHACDADA UU ISKU GUBAY WIILKANI KALA SOCO WARARKEENA DANBE.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured