"Hagardaamadiisa (Farmaajo) waxay gaadhay NFD & Djabouti, Masuuliyada uu hayaaba waxay la tahay jeesjees iyo inuu maaweelinaayo caruur oo kale, Damiirkiisu waa ninka 4 saacadood afar dekedood ku saxeexay". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Tuesday December 11, 2018 - 00:32:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hagardaamadiisa (Farmaajo) waxay gaadhay NFD & Djabouti, Masuuliyada uu hayaaba waxay la tahay jeesjees iyo inuu maaweelinaayo caruur oo kale, Damiirkiisu waa ninka 4 saacadood afar dekedood ku saxeexay". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    "Hagardaamadiisa (Farmaajo) waxay gaadhay NFD & Djabouti, Masuuliyada uu hayaaba waxay la tahay jeesjees iyo inuu maaweelinaayo caruur oo kale, Damiirkiisu waa ninka 4 saacadood afar dekedood ku saxeexay". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hagardaamadiisa (Farmaajo) waxay gaadhay NFD & Djabouti, Masuuliyada uu hayaaba waxay la tahay jeesjees iyo inuu maaweelinaayo caruur oo kale, Damiirkiisu waa ninka 4 saacadood afar dekedood ku saxeexay". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
"Waxaa aad loo eegaayey Maalmahan mooshin laga gudbiyey Maamuus ka xayuubinta M/weynaha Somalia farmaajo, arrintaasoo aad looga doodaayey Sax iyo khaladnimadiisa, Haddaba waxaan jeclaystay inaan aragtidayda cabiro aniga oo aan ku binaynayn nebcaasho, &  diidani toona. Sidaynu ogsoonahay somaliya waxaa ka dhacay dhibaatooyin aduunka intiisa badan ugub ku ah, oo dhan walba waxan ku cabirayaa waa lakala xabaalo seegay waxay ahayd dhaxalkii xumaa ee uu xukunkii keli taliska ahaa ku reebay bulshada iyo dalkaba, aduunku wuxuu sanado awoodkasta isugu geeyey sidii laysugu qayd & qoor toli lahaa dildilaaca bulsheed ee dhacay, waxaana laga joogaa ilaa hadda farro madhan ,haddaba dalka sidaas ah, dadkiisina goosanba meel go doon ku yahay, intaynaan mooshin u gelin ma yahay farmaajo oo inan yaroo iminka ka soo feedhay Maraykan, ku koray xukunkaas aaffada laga dhaxlay dhexdiisa wax jira moog ka ah wixii hore ee jiray & waxa dhacayba kii loo dooran lahaa inuu dalkaas iyo dadkaas sabato bixiyo ? Jawaabtu waa maya doorashadiisu waxay ahayd dhagar weyn oo umada laga galay, labada Sano ee uu madaxweynaha ka ahaana waxay ahayd dhiig bax & halbowle goy guud ahaan isirka somali ku abtirsada, markay sidaa tahay waxay ila tahay in hambada la qabtaa inay haboon tahay, wuxuu saxo daaye hagardaamadiisii waxay gaadhay NFD & Djabouti, Masuuliyada uu hayaaba waxay la tahay jeesjees iyo inuu maaweelinaayo caruur oo kale, Damiirkiisu waa ninka 4 saacadood afar dekedood ku saxeexay, waa ninka isagoo og dhulka somalidu leedahay ee areteria haysato isagoon dareensanayn eraterai taageeray, waa ninka Turki oo nafta uu somalia dul dhigay la ogyahay ninkii la dilay yidhi Sucuudiga ayaanu taageersanahay, isagoo hortaagan la yidhi ethopia eraterai iyo somali waa laysku daraayaa hal madaxweyne ayey yeelanaysaa, xitaa waxaad arkaysaa inaanu xitaa qof caqli badan u dhalan, waxaas wax kun jeer ka badan miyaa lagu sii aamini karaa umada Somaliyeed Anigoo maanta ka madax banaan ayaan ogolayn in si dhayal ah lagula wareego wadan ay somaliyi leedahay.
Waxan qabaa marka horena khalad buu ahaa la doortaa noocan , iminkana in lagu sii eegaa wadanka iyo dalkaba waa mustaxiil, waxan ku talin lahaa talo nasteex ah inay xildhibaanada inta kalena raacaa qolada mooshinka wada, si wadanka loogu Madaxweyne xaas walwaal ah oo odaytinimo &, guurtinimo , weheshanaaya oo aan sii kala kaxayne Ururiya ah.
Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured