Shikadda Telesom oo Qayb Wayn ka Qaadatay Carwadda ganacsiga Somaliland

0
Monday December 10, 2018 - 02:59:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shikadda Telesom oo Qayb Wayn ka Qaadatay Carwadda ganacsiga Somaliland

    Shikadda Telesom oo Qayb Wayn ka Qaadatay Carwadda ganacsiga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shikadda Telesom oo Qayb Wayn ka Qaadatay Carwadda ganacsiga Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xadhigga ka jaray bandhigga Carwadii siddeedaad ee Somaliland oo laga daah-furay magaalada Hargeysa.

Carwadan oo ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa sannadkiiba hal mar laqabta, isla markaana ay kasoo qayb-galaan ganacsatada badeecadaha kala duwan dibadda ka keentay iyo kuwa wershadaha wax soo saar dalka ku leh, waxaana madaxweynaha kala qaybgalay hoggaanka rugta Ganacsiga, wershadaha iyo Beeraha, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo hoggaanka shirkadaha waaweyn ee dalka ka shaqeeya, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku hayey horumarka ay ganacsatada dalku ku tallaabsadeen iyo baahida loo qabo in mar walba la diyaariyo madal ay ku kulmi karaan ganacsatada iyo macaashoodu.

Haddaba Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta si weyn ugu soo bandhigtay waxqabadkeed madasha bandhigga Carwadii siddeedaad ee Somaliland oo laga daah-furay magaalada Hargeysa.

Telesom oo ah shirkad looga bartay adeegg hufan oo tayo  leh isla markaan ah shirkadda ugu balaadhan ee xagga adeegga telefonnada waxay qayb wayn ka qaadatay madasha bandhiggaasi iyada oo la arkayey boodhan waaweyn oo qariyiyey wixii dhamaan calaamadihii madasha yiilay ee shirkadaha Ganacasigu soo dhigteen.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAAL




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured