Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee Dekedda Berbera + Doorka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo Noqday shaqsi Nasiib u helay Waxqabad mug iyo Miisaan badna oo ka Fulay Sannaadka 218-ka!

0
Sunday December 09, 2018 - 20:48:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee Dekedda Berbera + Doorka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo Noqday shaqsi Nasiib u helay Waxqabad mug iyo Miisaan badna oo ka Fulay Sannaadka 218-ka!

    "Xukuumaddu waxay Dekedda Usoo Iibisay Taaga Maraakibta soo xidha oo Casriya, Dab-demiska Badda (Syma boats), PILOT BOAT iyo dhisme Dabaq-dabahiya ah oo Hayadda Dekeddu dhisatay oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba hool oo waaweyn iyo goob ay fadhiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumaddu waxay Dekedda Usoo Iibisay Taaga Maraakibta soo xidha oo Casriya, Dab-demiska Badda (Syma boats), PILOT BOAT iyo dhisme Dabaq-dabahiya ah oo Hayadda Dekeddu dhisatay oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba hool oo waaweyn iyo goob ay fadhiistaan Kastamka…"
Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sannaad-2018-kan, ka fulisay Mashaaric horumarineed Dekedda weyn ee Magaaladda Berbera, isla markaana kusoo kordhisay qalabyo baahi-weyn loo qabay, sidoo kalena dhismayaal iyo hanaanka shaqadda oo laga dhigay mid la jaan-qaadaya dekeddaha horumaray ee dunida, iyadoo isbedel la mahadiyey uu ku sameeyey Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.
Waxqabadka mugga iyo miisaanka leh, ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka fulisay Dekedda Berbera sanaadkan sii dhamaanaya 2018-ka, waxaynu qodob-qodob u dul istaagi doonaa adeegga sannaadka sii dhamaanaya ay ka fulisay, iyaddoo aynu ku koobnaan doono waxqabadka u gaarka ah Xukuumadda Somaliland ee sannadkan la fuliyey, maadaama oo ay dekedda hadda wada-maamulaan Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Somaliland. Ugu horeyn waxaynu Barnaamijkeenan kusoo qaadan doonaa isbedelka horumarineed ee ay ku talaabsatay Dekeddu mudada uu maareeyaha ka ahaa Siciid Xasan Cabdilahi oo isaggu noqday masuulkii ugu waxqabadka badnaa ee abid soo mara hoggaaminta Dekedda, isagoo sanaad gudihii ku gaadhsiiyey Dekedda darajooyin ay gaadhi-wayday 27-kii sanaadood ee Somaliland jirtay.
Ugu horeyn Xukuumadda Somaliland waxa ay dekedda Berbera usoo iibisay Taaga Maraakiibta soo xidha oo casriya, kaasoo ah 3000 oo horse power, isla markaana soo jiidaya Markaakiibta xajmigoodu gaadhayso 50000 kun. Halka Taagii hore ee Dekedda Berbera yaalay uu ahaa 1400 horse power, kaasoo ay 1976,-kii keentay dawladii xiligaasi ee Somaliya.
Taagan cusub oo ah nooc casriya, ayuu Maareeyaha dekedda Berberi kasoo Iibiyey dalka Turkiga. La soco Qaybaha Dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured