XIISBIGA WADDANI UK OO KHILAAF DARTII XAFIISYADII LONDON WADA XIDHMEEN BY C/RISAAQ AHMED JAAMAC.

0
Tuesday June 11, 2013 - 08:10:24 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XIISBIGA WADDANI UK OO KHILAAF DARTII XAFIISYADII LONDON WADA XIDHMEEN BY C/RISAAQ AHMED JAAMAC.

    Sid lawada ogsoon yahay xisbiga Waddani oo ah xisbi sitaasda ku cusub ayaa ku soo baxay xawli aad u sareeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sid lawada ogsoon yahay xisbiga Waddani oo ah xisbi sitaasda ku cusub ayaa ku soo baxay xawli aad u sareeya

Sid lawada ogsoon yahay xisbiga Waddani oo ah xisbi sitaasda ku cusub ayaa ku soo baxay xawli aad u sareeya iyadoo dadkoo dhami u hanqaltaagayaan taageerayaal badan gudo iyo dibadba quluubtooda kasbaday.Sidaas darteed waxa Baryahan danbe hoos u dhacday sum Cadii iyo karaamadii uu xisbigu lahaa ka dib ka dib markii uu khilaaf xoogani soo kala dhex galay hogaanka sare iyo laamaha dibada gaar ahaan Wadanka UK oo ah lafdhabarta had iyo jeer xisbiyadu ku taamaan in ay cudud ku yeeshaan.

Khilaafkaas oo ukala qaybsan qaabab kala duwan, kan hogaanka Sare oo badi ku salaysan in la isku hayo sduu uu xisbigu Mucaarad adag u noqon lahaa in badan laga munaaqishoonayay hase yeeshee ilaa hada aan u muuqan Xisbi Mucaarad ah.Haldoorkii xisbiga oo aan isku sanbanaanyn awgeed wax wiiqantay shaqadii iyo hawlo maalmeedkii xisbiga iyadoo wakhtiyadi danbana ay muuqatay in xisbiga madaxdisii markay ka hadlayaa shirarka qaar aanay ku hadal magaca xibiga, intaa waxa dheer in shacbiga S/land oo baahi Wayn u qabay in ay helaan xisbi ka duwan xisbiyadii horay taageero mugleh siiyeen xisbiga Waddani ay haatan kala noqdeen oo ay arki in aanu xisbigani wax cusub ku kordhin karin saaxada siyaasada.

Khilaafka laamaha dibada gaar ahaan waddanka UK oo ahaa laantii ugu balaadhnayd ee xisbiga Waddani lafdhabar u ahayd ayaa gabi ahaanba ka dareereen Madaxdii UK ee xisbiga waddani ka dib markii uu mudo soo jiitamayay khilaafka soo kala dhex galay Waddani UK,khilaafkaas oo dabka sii qabadsiiyeen xoghaya gaarka Xuseen Asad iyo gacan yarihiisa C/raxmaan sheekh(indhoole) oo u galay Arinka si reeraysan taas oo sabatay in Gudoomiye ku xigeenkii Waddani uu ku biiro Xisbag Ucid iyadoo waliba xubno kale oo miisaan wayn kulahaa ay ku biiri Doonaan xisbiga Ucid dabayaaqada bishan aynu ku jirno.

Waxa socota socota dadaal ay ugu jiraan sidii loo heli lahaa maamulkii wadanka UK ee xisbiga Waddani

Iyo hawl wadeenadii xisbiga Waddani oo si reeraysan ay u Wadaan Xuseen Asad iyo gacan yarihiisa C/raxmaan sheekh(indhoole)0oo labadaba ay aad isugu dhaw yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Waddani.

Isku soo wada duuboo waxa muiqata in Sadexda xisbi ee ka jira Waddanka S/land aanay wax badan is dhaamin ka ugu liitaana uu yahay Xisbiga Waddani.

La soco qoraalka xogta dhabta ah Waddani…….

C/risaaq ahmed Jaamac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured