Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo la filayo inuu dhawaan isku shaandhayn Gun iyo Baara ku Sameeyo xukuumaddiisa

0
Sunday December 09, 2018 - 01:56:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo la filayo inuu dhawaan isku shaandhayn Gun iyo Baara ku Sameeyo xukuumaddiisa

    Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo la filayo inuu dhawaan isku shaandhayn Gun iyo Baara ku Sameeyo xukuumaddiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo la filayo inuu dhawaan isku shaandhayn Gun iyo Baara ku Sameeyo xukuumaddiisa
Hargeysa (Xogreebnews.com)-Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu dhawaan isku shaandhayn ballaadhan ku sameeyo Badiba golaha xukuumaddiisa. Bulshada Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey aad ugu dhagtaagaysay Isku shaandhaynta ka dib markii Sabtidii toddobaadkii hore uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka soo laabtay safar qaatay mudo 15 cisho ah oo uu ku tagay gobalada bari ee Somaliland,
Dadka siyaasadda Somaliland falanqeeyaa ayaa saadaalinaya inay Isku shaandhayntani ay badiba sahayan-doonto Golaha Wasiirada , iyo hay’adaha kale ee xukuumadda isla markaana ay Salaanka Saaxada Siyaasada ay soo Cuskan doonaan Masuuliyiin Cusub,
kuwaasi oo la saadaalinayo inay safka hore ka soo muuqdaan Masuulinyiin iskugu jira Xubno hore Xilal uga soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland oo aan layli ku ahayn siyaasadda,iyo sidoo kale Masuuliyiin ku Cusub Saaxada Siyaada Somaliland .
Bulshada Somaliland oo soo xiganaysa ilo-Xogogaal ah oo u dhuun-daloola Xarunta Qasriga Madaxtooyada ayaa aad iskula dhex maraya magacyada qaar ka mid ah Masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada iyo hay’adaha kale ee xukuumadda, Ee xilka laga caydhindoono iyo sidoo kale Kuwa la magacaabidoono ,balse si rasmi ah weli looma hayo wax cadayn ah oo muujinaysa Xubnaha Uu Madaxweynuhu caydhin-doono iyo kuwa uu magacaabidoonaba
Dadkan siyaasadda falanqeeya ayaa saadaashooda isku shaandhaynta u daliishanaya in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu sannad u buuxsamay oo loo caleemo saaray 13 December 2017.kii
Waxaa kale la saadaalinayaa in Madaxweyne Biixi xukuumadiisa ku soo dari doono rag iyo haween leh miisaan siyaasadeed oo Madaxweynaha ka caawin kara xaaladaha siyaasadda gudaha iyo dibadda lagana jaanqaadikara isbedelada ku soo kordhay gobalka Geeska Afrika.
maadaama oo golaha wasiirada ee Madaxweyne Biixi aad loogu dhaliilo inaanay lahayn miisaan iyo karti iyo waayo Aragno siyaasadeed oo ay ku waajahanaan kala qaybsanaanta ay doorashadii kal hore kaga tagtay shacabka iyo weliba sidoo kale inaanay fahan badan ka haysan isbedelada siyaasadeed ee ku cusub gobalka Geeska Afrika oo Somaliland ku yeelanaya saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale ba.
Masuuliyiinta la hadal hayo inay dul-hoganayso seefta Madaxweynuhu ayaa waxaa ka mid ah:-
Wasiirka Arrimaha Debadda,Wasiirka Arimaha Gudaha,Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Horumarinta Maalgashiga,Wasiirka xanaanada xoolaha, Wasiirka caddaaladda , Wasiirka dhallinyaradda iyo ciyaaraha, wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Gaashaandhiga, wasiirka wasaaradda Deegaanka, Wasiirka Maaliyada, Af-Hayeenka Madaxweynaha,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada, wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada, Wasiir ku-xigeenka xanaanada xoolaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha, maareeyaha Hay”adda Duulista Hawadda iyo Madaarrada, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee somaliland, Taliyaha Ciidanka Qaranka,Taliyaha ciidanka asluubta iyo Masuuliyiin kale
Si kastaba ha ahaate, isku shaandhaynta ay Bulshada Somaliland sida aadka ah ugu dhagtaagayso in madaxweyne Muuse Biixi ku sameeyo Xukuumadiisa ayaa la saadaalinayaa inay Noqoto mid aad uga duwan kuwii hore
Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed
Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured