Labada xisbi qaran ee buurta gacan libaax...waar heedhe saddexdii xisbi qaran ma waxa la wareegay Garxajis?.W/Q Xuseen Xasan Badmaax

0
Thursday November 29, 2018 - 22:59:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labada xisbi qaran ee buurta gacan libaax...waar heedhe saddexdii xisbi qaran ma waxa la wareegay Garxajis?.W/Q Xuseen Xasan Badmaax

    Labada xisbi qaran ee buurta gacan libaax...waar heedhe saddexdii xisbi qaran ma waxa la wareegay Garxajis?.W/Q Xuseen Xasan Badmaax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada xisbi qaran ee buurta gacan libaax...waar heedhe saddexdii xisbi qaran ma waxa la wareegay Garxajis?.W/Q Xuseen Xasan Badmaax
Nin aanu saaxiib nahay oo siyaasada aad u falan qeeya ayaan la kulmay,salaan kadib waxuu igu yidhi : waar heedhe saddexdii xisbi qaran ma waxa la wareegay Garxajis?
Maxaa dhacay ayaan ku idhi! Saaxiib kay intuu qoslay ayuu hadana yidhi miyaanad arkayn markaynu soo dhoway naynay 

C/kariim M Eid saddexda hogaamiye ee xisbiyadu waxay ahaayeen Faysal,C/Ciro iyo Axmed C/dheere? Saaxiib saw taynu xisbi yahanada ahayn maxaa dib kuugu celiyay qabiil ee
aad hab qabiil ugu dhigtay hogaamiyaasha xisbiyada qaran! Waar taa inaga daayoo waxaad iiga warantaa maxaa inaga
qaldan waa tanoo doorashooyinkii isku sid kanaa dibay u
dhaceene, ayaan waydiiyay saaxiib kay.Intuu cirka eegay ayuu
igu yidhi: waar nin yaw maxaad isla nasakhdaa waad ogtahay
madaxweynahu ka masuul yahay oo aanu doonayn inay dalka
doorasho ka dhacdee sabab too ah G/wakiilada 62xubnood ayuu xisbigiinu(Kulmiye) ku leeyahay.Isagoo hadal kiisa sii wata ayuu si kulul iigu yidhi: Xisbiga yaga Waddani bishii march 2018 ayuu joojiyay wada shaqayntii komishanka doorashooyinka qaranka,diidayna inuu ka qayb galo doorasho ay qabtaan komishanka hada jiraa,xisbiga ucid na wuu ku raacay,wada hadalo ayaa 3da xisbi qaran yeesheen,waxaana joojiyay xisbiga Kulmiye oo diiday in heshiis laga gaadho qabashada doorashooyinka.Xataa 2da xisbi mucaarid waxa kale oo ay soo jeediyeen in 2b xubnood lagu kordhiyo komishanka taana Kulmiye ayaa diiday.Markaa miyaan kulmiye iyo xukuumadiisu diida nayn doorasho inay qabsoonto.
Saaxiib kay hadal kii ayaan ka dhex galay,waxaanan ku idhi: anigu aragti kale ayaan qabaa ee maqal.Saaxiib horta aragtiyaha xisbiyada aynu kala raac sanahay halkaa inoo dhig,innagoo muwaadini yiin ah aan ku hadalo aragti deena inoo gaarka ah ee ku saabsan doorashooyinka qaranka. Hadaba waxa aan dib ugu noqonayaa saaxiib waydiin taydii hore ee ahayd Maxaa inaga qaldan? Anoo taa ka duulaya waxa inaga qaldan:
1.Waxa hoosta ka qabiilaysan nidaam kii aynu qaadanay ee
   xisbiyada badan.
2.Xisbiyadii oo aan ku dhaqmayn xeerar kooda iyo Xeerka 
   ururada iyo axsaabta siyaasada Xeer No.14.
3.Labada xisbi mucaarid oo xeerka doorashooyinka aan ku
   dhaqmin kana door biday wada hadal iyo heshiis dhex mara
   ama isla gaadhaan 3da xisbi qaran.
Saddex daa qodob ayaa u sabab ah inay doorashooyinku dib u
dhacaan.Saaxiib ilaa xisbiyadu dib isugu noqdaan oo laga saaro hab kan ay ku dhisan yihiin ee qabiilaysan gaar ahaan xisbiyada mucaaridka ah,kuna dhaqmaan xeerarka iyo shuruucda dalka.Xukuumada wanaagsan iyo ta xumiba waxay ka yimaadaan xisbiyada qaranka. Waxa kale oo saaxiib aan kuu iftiiminayaa hadii shuruucda dalka ay ku dhaqmayaan xisbiyada mucaaridku waxa yaala oo jira:
a)Go'aan kii maxkamada Sare ee ahaa in doorashooyinka danbe lagu galo tiro koob.
b)G/wakiilada oo aan weli ansixin Xeerkii doorashada wakiilada cusub.
Saaxiib 2daa arrimood na xisbiyada mucaaridku way iska indho tireen sidii xal loogu heli lahaa ee ay ugu daba geli
lahaa yeen G/wakiilada inay ansixiyaan xeerka lagu soo dooran lahaa wakiilada cusub,doorasha duna u qabsoomi lahayd,ama ay maxkamada sare  go'aan keedii fuliyaan ama dacwada kala dirista komishanka u gudbiyaan maxkamada sare.
Ugu danbayn saaxiib aan kula kaftamee oo aan taad waday kula hinjiyee labada xisbi mucaarid ee buurta gacan libaax ma ogola inay shuruucda ku dhaqmaan,iyagaana u sabab ah dib u dhaca doorashooyinka isku sidkan hadana madaxweynaha iyo kulmiye ayay ku eeday nayaan.Markaa miyaanay ahayn Hasha geela cunta ee cabaada.Saaxiib bal halkaa haynoogu joogto maanta.Nabadeey.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
badmah100@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured