ITUS OO ITAABSÌI (Q.7aad) Cabdixakiim Maxamed Cabdi (samokaab)

0
Thursday November 29, 2018 - 22:44:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ITUS OO ITAABSÌI (Q.7aad) Cabdixakiim Maxamed Cabdi (samokaab)

    Komishanka doorashooyinka, Golaha Wakiilada iyo Axsaabta Qaranka. Mudooyinkii u dambeeyay waxaa bulshada somaliland u dheg taagaysay Doorashadii isku sidkanayd ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Degaanka qabsoomideeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komishanka doorashooyinka, Golaha Wakiilada iyo Axsaabta Qaranka. Mudooyinkii u dambeeyay waxaa bulshada somaliland u dheg taagaysay Doorashadii isku sidkanayd ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Degaanka qabsoomideeda
ITUS  OO ITAABSÌI  (Q.7aad
Komishanka doorashooyinka,  Golaha  Wakiilada  iyo       Axsaabta  Qaranka. Mudooyinkii  u  dambeeyay  waxaa bulshada somaliland  u  dheg  taagaysay  Doorashadii  isku sidkanayd  ee  Golaha  Wakiilada  iyo  Golaha  Degaanka qabsoomideeda. Maanta oo ay taariikhdu  tahay  28/11/2019  ayaa komiishanku  ku  dhawaaqay  inanay  dhacaynin  ama qabsoomaynin  wakhtigii  u  cayimnaa  doorasha  kaas  oo ahaa  29/03/2018. Sidaa  daraadeed  Qormooyinkii  taxanaha  ahaa  ee  ITUS OO ITAABSII  aan  ku  soo qaato,  isla  markaana  si  qoto dheer  oo  waafi  ah  aan  uga hadlo,  wixii  su'aalo  ahna aan  u  celiyo  halka  ay  giraantu  ka  rogmi  la'dahay. Gudoomiyaha  Komishanka Dorashooyinka  Eng Cabdiqadir  Iman  Warsame  Waxa uu  hadalkiisii  u dhignaa  sidan  "  Markii  komishanka  Doorashooyinku diyaariyay  dhamaan  qorsho  hawleedyadii  u  yaalay ama horyaalay  waxaa ka hor  yimid  caqabado, caqabadahaas  oo  isugu  jira  kuwo  sharci,  kuwo siyaasadeed  iyo  kuwo  dhaqaalaba  oo  kala  ahaa 1.  Saami  qaybsiga  kuraasta  golaha  wakiilada  taas  oo ilaa  hada  aan  la  gaadhin  xal  iyo  heeshiis  midnaba. 2.  Xeerarkii  Diwaan  gelinta  Cod  bixiyayaasha  iyo dooraahooyinka  oo  udub  dhexaad  u  ah  qabsoomida doorashada    golaha  wakiilada  iyo  Degaanka  ee  isku sidkanaa  oo  ilaa  hada  aan  la  ansixin. 3.  Diwaan  gelintii  codbixiyayaasha  oo  laf  dhabar  u ah  qabsoomida doorasho  sharciguna  dhigayo  in doorasho  kasta  ka  hor  la  sameeyo  ama la qabto  oo  aan qabsoomin. 4.    Xisbiga  wadani  oo  ku  dhawaaqay bishii  March/ 2018  kii  in  uu  joojiyay  dhamaan  wada  shaqayntii  ka dhexaysay  isaga  iyo  komishanka  doorashooyinka qaranka  taas  oo  caqabad  ku  noqotay  shaqadii komishanka. 5.  Wada xaajoodkii  u  dhaxeeyay  asxaabta  qaranka  oo iyaguna  ilaa  hada  wax  xal  ah  ama is fahan  ah  aan  laga gaadhin. 6.  Miisaaniyadii  lagu  galayay  Doorashada  isku  sidkan ee  inagu  soo  socota  oo  iyaduna  aan  wali  dhamays tirnayn  ama  aanaanu  wada haynin. Caqabadaasi  waxay  suurto  gal  ka  dhigi  waayeen in  komishanka  doorashootinka  qaranku  shaqadii qabsado". Lixda  qodob  ee  caqabada ku  noqday xilligii  dorashadu qabsoomi  lahayd  aan  saafo,  saarana  miisaankii nuxurka  hadalka  mid  walbana  aynu  sii  furfurno  si  aynu u  taabano  xaqiiqda. Waa qodobka 1aad: Saami qaybsiga Kuraasta  Golaha wakiilada. Allow  aqoon  la'aan  ha  nagu  cadaabin,  eexna  ha nagag  tegin,  waxaan  uga  socdaa  maanta ama wakhti xaadirkan  may  ahayn  in  dood,  yooyootan  iyo  muran ay  gasho  saami qaybsiga  kuraasta  golaha  wakiiladu, waxay  ahayd  in  horeba loo  sii  diyaariyo  laguna saleeyo  gobalada  dalka,  isla  markaana  loogu  yeedho (Xeerka  Saami  qaybsiga  kuraasta  golaha  wakiilada  ee gobalada). Way dhici  wayday  ileen  Biyo  daatay  dabadoodba waa la qanan  jiraye,  imikaba  Golaha  wakiiladu ha  diyaariyaan  ...  in  kastoo  Gudoomiyaha  golaha wakiiladu  uu  hore  u  yidhi  "  Golahayaga  ma  khusayso diyaarinta  saamiga  kuraasta  golaha  wakiiladu,  waa hawl  u  taala  saddexda  xisbi  qaran". Xaqiiqdii  marka  aan  runta  lala  gabanaynin  xildhibaan kasta  oo  ka mid  ah  xildhibaanada  golaha  wakiiladu waxa uu  ka soo baxay asxaabta qaranka iyo  gobal. Hadii  layska  indho  tirayana  maan  sheegin. Waa qodobka 2aad: xeerka diwaan  gelinta  iyo Doorashooyinka  golaha  wakiilada  iyo  golayaasha degaanka  ee  aan  la ansixin. Waxa ay komishanka qaranku  madaxweynaha u gudbiyeen  markii  ay  kaabis  iyo  wax  ka  badal  ku sameeyeen  Bishii  April/2018,  madaxweynuhuna  waxa uu  u sii  gudbiyay  golaha  wakiilada  si  ay  u  ansixiyaan  oo uu  dhaqan  gal u  noqdo,  mudada ka hadhsanayd  waxay noqonaysaa  10  bilood  iyo  28  caano  maal maalintii doorashadu  qabsoomi  lahayd. Walee  waa hubaal in  hawl aan  daacad  laga ahayn ansixmaynin,  waxaanan  qabaa  in  odayaashaasi  ay jeclaysteen  sii  fadhiga  mudo  dhaafka  ah  ee  cago cagaynaya  13  sano.  Dal  ba'aw  yaa  ku  leh. Waa qodobka 3aad: Diwaan  gelinta  codbixiyayaasha oo  aan  qabsoomin: 
Yaab,  Amakaak,  Fajac  iyo  dhabano  hays weynaa. Aan  u kala saaro  labba  amuurood  midi waa xeerkii ay  ku  qabsoomi lahayd  oo  qaydhin  isla  markaana  ay diideen  in  ay  bisleeyaan  golaha  wakiiladu. Mida  kalena  waa dhaqaalihii  lagu  qaban  lahaa  diwaan gelinta. 20/10/2018  qudbadii  uu  jeediyay  madaxweynaha waxaa ka mid ahaa in  April/2018  ay  ku  wareejiyeen komishanka  doorashooyinka  xadi  lacageed  oo  dhan labba  milyan  oo  dollar  ($2,000,000,000)  lacagtaas  oo ka  mid  ahayd  afartii  milyan  ee  dolar  ($4,000,000,000) ee  xukumad ahaan  kaga soo hagaagay dhaqaalihii  ku baxayay  Doorashada  gaar  ahaan  diwaan  gelinta  codbixiyayaasha,  labba  milyan  ee  dolar  ($2,000,000,000) ee  hadhsana ay diyaar  ka  tahay  kuna  wareejinayaan. Qodobka 4aad:  Xisbiga  wadani  oo  kalsoonidii  kala noqday  Komishanka: Aan  soo qaato baydad  ka mid  ah  maansadii abwaan gaariye  alleh  ha  u  naxariistee. Nin  wax  diiday  oon  garan. Wax kaluu  ku  doorsado. Wuxuu  doonayaan  jirin. Maamulka komishanka doorashooyinka  waxaa  uu  ku joogaa  sifo  sharci  ah  dastuurka  qaranku  raali  ka  yahay, waxay  leeyihiin  mudo  xileed  bilow  iyo  dhamaad  leh, maalinta  ay  mudadaasi  buuxsan  tana  waxaa  hubaal ah  in  hadii  ay  sii  fadhiyaan  sharci  daro  noqonayso, sidaa  daraadeed  xisbiga  wadani  waxaa  la  gudboon inay  dhawraan  Dastuurka  waa  hadii  ay  doonayaan  in  ay doorasho  qabsoonto.  Hadii  kale  maan  sheegin. Waa qodobka 5aad: wada xaajoodkii  u  dhaxeeyay asxaabta  qaranka  oo  ilaa  hada  wax  xal  ah  gaadhin: Haynu  wada hadalno waa aynu  heeshiino,  lakiin  ijiid aan  ku  jiidee  waa  gacmo  daalis.  Dastuurka  qaranka iyo  xeer  hoosaadyadiisu  waa  kala  hagaha  asxaabta qaranka,  bulshada  qaybaheeda  kala  duwan  iyo saddexda  tiir  ee  dawladu  ka  kooban  tahay  waa  (  sharci dajinta,  Fulinta  iyo  maxkamada) Waxaa laga wada dharagsanaa darafyadii  ay  kala  is taageen  asxaabta  qaranku,  waxaa  kaaf  iyo  kala  dheeri noqday  in  axsaabta  xisbiyo  ka  mid  ahi  ku  dhawaaqeen inay  qabanayaan  shir  beeleed.  Ka  daroo  dibi  dhal  waa mawduux ka sii mug iyo miisaan  weyn  wixii lausku maan dhaafsanaa. Halkaa  dhaafi  maayo waxaanan  u  daynayaa bulahada somaliland  intii  wax  garad  ah  si  ay  u  faaqidaan  una falanqeeyaan. Waa qodobka 6aad: miisaniyadii  lagu  galaayay doorashada  isku  sidkan  oo  aan  wada gaadhin koomishanka  qaranka: Doorashadu  waxay  ku  qabsoomaysaa xadi dhaqaale  oo  dhan  lix  iyo  toban  milyan  oo  dolar ($16,000,000,000),  xukumada  waxaa  ku  aadanaa  xadi dhan  afar  milyan  oo  dolar  ($4,000,000,000),  Qaadhaan bixiyayaashana  waxaa  ku  aadanaa  labba  iyo  toban milyan  oo  dolar  ($12,000,000,000) Intii  xukumada  waa  la  hayaa  laakiin  inta  dhiman waa intii  laga  sugayay  qaadhaan  bixiyayaasha Qoladaasina  waxay  ogaadeen  oo  ay  arkeen  inaynu  isku khilaafsanahay  oo  ayaan  doonayninba  inay  qabsoonto doorashadu. GaboGebo: Asbaabtaa  kaliftay  in  Doorashada  Golaha  wakiilada  iyo golaha  degaanku  ee  qabsoomi lahayd  29/03/2018  ay dib  uga  dhacdo  Ma jidaynayaa  Dastuurka  qarana  iyo xeer  hoosaadyadiisu? 


Qore:  Cabdixakiim  Maxamed  Cabdi  (samokaab)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured