Muwaadin Sida Fiinta uga Qayliyey Weerar Joogta oo Taliyaha Saldhiga Daloodho ku hayo iyo Dhul Maxkamadu Xukun kasoo saartay oo u Dib ugu qabsaday + qaylo dhaan ku Socota Maxkamad iyo Taliyaha Booliska...

0
Sunday November 25, 2018 - 18:52:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Sida Fiinta uga Qayliyey Weerar Joogta oo Taliyaha Saldhiga Daloodho ku hayo iyo Dhul Maxkamadu Xukun kasoo saartay oo u Dib ugu qabsaday + qaylo dhaan ku Socota Maxkamad iyo Taliyaha Booliska...

    Muwaadin Sida Fiinta uga Qayliyey Weerar Joogta oo Taliyaha Saldhiga Daloodho ku hayo iyo Dhul Maxkamadu Xukun kasoo saartay oo u Dib ugu qabsaday + qaylo dhaan ku Socota Maxkamad iyo Taliyaha Booliska...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin Sida Fiinta uga Qayliyey Weerar Joogta oo Taliyaha Saldhiga Daloodho ku hayo iyo Dhul Maxkamadu Xukun kasoo saartay oo u Dib ugu qabsaday + qaylo dhaan ku Socota Maxkamad iyo Taliyaha Booliska...
Hargeysa(Xogreebnews)-Muwaadin Cabdiraxmaan Muxumed Cawaale, ayaa sida fiinta uga qayliyey Taliyaha Saldhiga Daloodho Axmed Cali Shide (Åxmed Ilka case),  oo isaggu mudooyinkii u dambeeyey ku mashquulsanaa inuu dadweynaha ku qabsado dhulka, isla markaana Faraha la galo dacwadaha dhulka, isagoo ka daba taga dacwadaha dhulka ee Maxkamada xukunka kasoo saarto, hadii uu xukunkaa Maxkamaddu dhinaca uu la socdo taliyuhuu, waxa Dib usoo xidh-xidhaa qoyska loo xukumay.
Taliye Ilka case, ayaa qoyska muwaadin Cabdiraxmaan Muxumed Cawaale, waxa hab beeleysan oo hiil ah ugu haystaa dhul ay degen yihiin oo ku yaala xaafada qoobka ee degmada Gacan-libaax. Waxanu muddo Kala duwan qoyskan ku guray xabsiga xataa hooyada dhashay oo da ah, ayaa uu ku xidhay xabsiga oo muddo ugu jirta. Sidaasna waxa saxaafada madaxabanaan u sheegay Cabdiraxmaan Muxumed Cawaale, kaasoo cadaalad daro ka tirsanaya taliyaha saldhiga daloodho waxa uu Maxkamada iyo hoggaanka ciidamada booliska ka codsaday in laga qabto hadi-daada joogta ee ku hayo. Isagoo muwaadin cabdiraxmaan ka hadlaya arrimaha waxa uu yidhi.
"Taliyuhuu wuxuu isoo diray 6-dii subaxnimo ee Sabti Xaajiyad Askar ah, Askartaasi waxay igu soo jebiyeen Albaabka, Markaan soo kacay, waxaan indhaha ku dhuftay Walaalkay igga yar iyo Hooday, oo si bilaa karaama ah Gaadhiga loogu tuuray intaa la Jiid-jiiday. Kaddib waxa la geeyey Saldhigga Daloodho. Waanu ka daba-tagnay waxanu Taliyaha saldhiga daloodho waydiinay, waxay ku xidhan yihiin dadkani, wuxuu ku jawaabay, waxa lagu soo xidhay Waaran-maxkamadeed.
Waxanu Tagnay Maxkamadii Gobolka, kaddib waxanu waydiinay cidda waaranka noo soo jartay,waxay Maxkamaddu noo caddeysay inaanay jirin wax Waaran Maxkamadeed ah oo kasoo baxay, soo qabashada qoyska Reer Cabdiraxmaan Muxumed Cawaale, oo ay hore Maxkamaddu ugu xukuntay 6-dii bishii 10/2018-ka dhul aanu degenahay oo ku qabsaday Nin lagu magacaabo Mustafe Cismaan Maxamed. Ninkaasi xukunkii Maxkamadu soo saartay kamu qaadan wax racfaan ah. Hase-yeeshee taas bedelkeedii waxa uu u bedelay qorshihiisii ku qabso ku qadi maysidee, inuu qaraabo ahaan awoodiisa noogu isticmaalo Taliyaha Daloodho Axmed Cali Shide (Axmed Ilka case), waxanu qoyska soo weeraray qoyska muddo saddex jeer ah oo u xabsiga ku guray. Waxanu taliyuhu ka been-sheegay waraan Maxkamadu usoo jirtay, oo noqday wax aan jirin.
Waxanu taliyaha u gaynayn anigoo ixtiraamayaa Xukunkii Maxkamadda,  waxanu ku sheegay mid Foojeri ah, isagoo xukunkani yahay mid sharciya oo kasoo baxay Maxkamada Gobolka. Sidaas daraadeed waxanu ka Codsanaynaa Madaxweynaha, Maxkamada qaran iyo hoggaanka Ciidamada Boolisku inay degdeg nooga qabtaan Taliyaha Saldhigga daloodho oo Shaadh Beelnimo noogu haysta Dhulkii aanu degenayn ee Maxkamaddu noo xukuntay. Isagoo af buuxa noogu yidhi Maxkamadi Kama talinaysa Baloodhkan ee anigaa ka garqaadaya, waxanu muddo saddex maalmood ah u xidhan Hooyaday iyo walaaladay, waxanu diidan yahay inuu geeyo Maxkamada, kiiskan hore Xukunka uga soo saartay".
Saylacnews@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured