Tolow ma madaxtooyadaa wax Yaalaan, Ileyn Kii Galaaba Wuu Isbedelaayee?. W/Q Farxan Cali Maxamed.

0
Saturday November 17, 2018 - 00:02:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tolow ma madaxtooyadaa wax Yaalaan, Ileyn Kii Galaaba Wuu Isbedelaayee?. W/Q Farxan Cali Maxamed.

    Tolow ma madaxtooyadaa wax Yaalaan, Ileyn Kii Galaaba Wuu Isbedelaayee?. W/Q Farxan Cali Maxamed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tolow ma madaxtooyadaa wax Yaalaan, Ileyn Kii Galaaba Wuu Isbedelaayee?. W/Q Farxan Cali Maxamed.
Dhaqamada Cusub ee aynu ka dhaxalay dawladii siilaanyo ayaa ahaa in dhalin yaro ka soo jeeda qoyska madaxtooyadu ay ku shaqaystaan shaadhkii dawladnimo, arrintaaso ahayd AAFO XUN oo qof kastaaba doonaayey in mar uun la gaadho madaxweyne aan shaadhkiisa lagu shaqaysan, tani waxay sababta ugu badnayd ee Muuse biixi ku helay codkii doorashadii lagalay, waxaa dadka intiisa badani malaynayeen Muuse inuu yahay nin provision ahaan askari ah oo soo celinaya kala dambayntii iyo inuu sharcigu shaqeeyo, ,xukunkuna uu gacantiisa ku jiraayo, qodobadaas ayaa gun dhig guushii doorashadii muuse biixi, rag kale badan kooda waxaa loo arkaayey niman jilicsan oo halkii hore lala mari karo. Cibaaroba waa tan dhacdaye, ninku ninkii maaha, marka xaqiiqo ahaan loo eego kuwii hore iyo kuwa iminka shaadhkii dawlada ku shaqaysanaya waxaa major ah kuwii hore, waxaa idiin muuqata degreetoyinka dadka lagu magacaabayo meel nin hore ku magacaabnaa aan  lagaranayn sida loo eryey caynka ay tahay eeg kxigeen barakacayaasha ee inanta lagu magacaabay kii hore aan meelba lagu  xusin,  bedelaada wasiirada iyo magacaabistoodii hore ee aan la garanayn qaabka ay tahay, wax aan miisaanayn oo aan xikmadaysnayn oo soo baxaya,  waxaa nin waliba ka dheregsan yahay inuu muuse yahay nin dadka yaqaanay markii inoogu dambaysay, waxa degreetooyinka ku qoranina aanay ahayn wax maskaxdii muuse ka yimiye, ay tahay wax caqli aan waayo arag ahayn, dadkana kala aqoon ka imanaya.
Umadan mar bay ku dhacday in  koox yari shaadhkii dawlada ku shaqaystaan, mar labaad ma dhacayso, mana yeelanayno in caruuri shaadhkii madaxweynaha ku shaqaystaan, oo wadanka siday doonaan ka yeelaan, waxaan cidna ka qarsoonayn in madaxtooyadii laga dhaariyey ninkasta qiimo lahaa  talona soo kordhin lahaa, wataa dawladnimadii jogjiga yar dhana u dhaafi wayday, is waydiintu waxay tahay nin waliba ma marka lagu yiraahdo adiga ku guulaystay madaxweynenimadii ayaaba ugu dambaysa mise madaxtooyadan ayaa wax yaalaan.
W/Q
Farxan Cali Maxamed.
Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured