Waftigii ka Socday Xukuumada Kulmiye Ee Ku Sugnaa Dalka Uk Oo Cardiff Uu Kusoo Dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Wales Iyo Sobobta!

0
Thursday November 15, 2018 - 23:27:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waftigii ka Socday Xukuumada Kulmiye Ee Ku Sugnaa Dalka Uk Oo Cardiff Uu Kusoo Dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Wales Iyo Sobobta!

    Waftigii ka Socday Xukuumada Kulmiye Ee Ku Sugnaa Dalka Uk Oo Cardiff Uu Kusoo Dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Wales Iyo Sobobta!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waftigii ka Socday Xukuumada Kulmiye Ee Ku Sugnaa Dalka Uk Oo Cardiff Uu Kusoo Dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Wales Iyo Sobobta!
Cardiff(Xogreebnews) Waftigan Wasiirada iyo xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland iskugu jira oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ku sugnaa dalka Ingiriiska gaar ahaan Gobolka Wales Caasimada Cardif.
Safarka Xubnahan wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee ka socday xukuumada madaxwayne Muuse Biixi  ayaa waji gabax Kala  kulmay Jaaliyada reer Somaliland ee Cardiff iyo guud ahaan taageerayaashii  xisbi xakimka Kulmiye. Kadib markii Aanay xubnaha waftigan wax xidhiidha lasoo samayn Bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Gobolka Wales iyo ujeedada rasmiga ah ee ay uyimaadeen toona.
Dhanka kale xubnaha waftiga wasiirada ah ayaa waxaa gadhwadeen ka ahaa shaqsiyaad aan wax xil ah ka haynin xukuumada oo hore ururada bulshada ee ka dhisan Magaalada cardif khilaafyo badan kasoo dhex abuuray balse markii ay arkeen isagoo waftigii xukuumada hor kacaya ay keenay inaanay gabi ahaanba usamaynin wax soo dhawayn ah
Waji gabaxan ay Cardiff kala kulmeen xubnaha ka socday xukuumada kulmiye ayaa dhanka kale keentay in ay miciin sadaan in uu gadhwadeen unoqda inta ay halkan ku sugan yihiin gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani taasi badi bulshada taageerta xisbiga Kulmiye  ay dareen cadhole ka bixiyeen.
Dhacdadan ay la kulmeen waftigani ayaa loo Sababaynayaan in ay ka danbaysay  In Waftigu Anaay markooda horeba ku Iman wax Qorshe ah Oo Ay Xaga Xukuumada kaga Socdeen. Waana Sababta keentay Inay ugacan Galaan Gudoomiyihii  Xisbiga Mucaaridka Waddani Ee Cardiff Mudane Mubaarik Axmed.
Waftigan ayaa waxa Waday shaqsi Aan Ilaa Imika lagaranayn Xilka uu Dawlada kahayo.
Masuulka ayaa kamid ahaa dadkii ka hawlgali jiray  kumuyuunatiga Soomalida ee Cardiff.
Lama garanaayo waxa uu Waftiga Soomaliland  ugu soo lugooyay magaalada oo aanu jirin wax qorshe ah oo u yaalay Iyadoo  Bulshada reer Cardiff Marka horaba ay u tirinayeen xubintan hor socday waftigan in ay dartii u xidhmeen Kumuyuunatigii soomalidu.
Sikastab ha ahaatee dhacdadan ay la kulmeen xubnahan ka socday xukuumada kulmiye iyo qorsho la,aanta ay ku tageen magaalada Cardiff ayaa noqonaysa mid saamayn balaadhan ku keeni doonta xukuumada kulmiye iyo kala fogaansho ka dhex bilowda bulshada reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye ee magaalada Cardiff taasi oo halis ku ah xukuumada madaxwayne muuse mucaaridad ay kala kulanto Qurbaha ,



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured