Maamulihii Madaarka Cigaal Ee Hargeysa Oo Ku Gacan-Saydhay In Xilka Wareejiyo
Maamulihii Madaarka Cigaal Ee Hargeysa Oo Ku Gacan-Saydhay In Xilka Wareejiyo
Maamulihii Madaarka Cigaal ee Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa illaa hadda ka meeraysanaya in uu xilkii ku wareejiyo Maamulaha Cusub Maxamed Xuseen Jaamac oo xilkaas loo magacaabay 4tii Nofember 2018ka, oo hore u ahaa maamule-ku-xigeenka kowaad ee Madaarka Caasimadda.
Wararka ay Xogreebnews helayso ayaa sheegaya in Maamulihii hore dalbaday in saxaafaddu goobjoog ka noqoto xil-wareejintiisa, balse waxa taas gaashaanka ku dhuftay Maareeyaha Haayadda Madaarrada iyo Duulista Somaliland Duuliye Sare Cabdi Rodol, oo u sheegay in uu ahaa shaqaale, isla markaasna aan warbaahinta loo baahnayn. Waxa ay xafladdaasi baaqatay Sabtidii oo loo ballansanaa xil-tirinta
Dhanka kale, waxa laba cisho ka hor (Isniintii) la isku deyay in la qabto munaasibad xil-wareejin ah, laakiin waxa madasha yimi dadkii dhulkooda lagu durkiyay Madaarka, kuwaas oo sheegay in Maamulihii hore ku wargeliyay in la siinayo lacagtii dhulkooda. Waxa aan meesha imannin Maamulihii hore oo ka baqday in gudaha la dhigo. Maamulaha firxadka ahi waxa uu door ka qaatay in la qarameeyo dhulka dadka uu maanta gabboodka ka dhiganayo
Maareeyaha Haayadda Madaarrada iyo Duulista Somaliland Duuliye Sare Cabdi Rodol ayaa maamulka madaarka ku wareejiyay Maamulaha cusub Maxamed Xuseen Jaamac, waxaana maamulihii hore laga mamnuucay in uu soo galo gudaha Garoonka Cigaal.
Waa markii ugu horraysay ee hawl-wadeen xilka laga qaaday uu diido in uu shaqada wareejiyo. Waxa aan la ogeyn halka ay ku dambayn doonto hawshani. Leave a comment |
|
Maamulihii Madaarka Cigaal Ee Hargeysa Oo Ku Gacan-Saydhay In Xilka Wareejiyo
Maamulihii Madaarka Cigaal Ee Hargeysa Oo Ku Gacan-Saydhay In Xilka Wareejiyo