Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland waxaay ugu baaqaysaa Golaha Wakiiladu inuu diido soo jeedinta wax-ka-bedelka Xeerka Booliiska.

0
Wednesday November 14, 2018 - 21:19:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland waxaay ugu baaqaysaa Golaha Wakiiladu inuu diido soo jeedinta wax-ka-bedelka Xeerka Booliiska.

    Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland waxaay ugu baaqaysaa Golaha Wakiiladu inuu diido soo jeedinta wax-ka-bedelka Xeerka Booliiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland waxaay ugu baaqaysaa Golaha Wakiiladu inuu diido soo jeedinta wax-ka-bedelka Xeerka Booliiska.
Gudida Arimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladu waxaay 13kii November 2018 u soo gudbiyeen Golaha wax ka bedel lagu sameeyey xeerkii booliiska ee dhowaan madaxwaynuhu saxeexay. Waxa la filayaa in Goluhu u codayn doono maalinta sabtida ah ee 17ka November.
 Xeerka Booliiska waxa Golaha Wakiiladu cod aqlabiyad wayn oo sadex meelood oo laba ah uu ku ansixiyay 3d December 2017 isaga oo laalay soo jeedin hore oo madaxayne xigeenkii hore dib ugu soo celiyay Golaha. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa xeerka saxeexay 26 December 2017.
 Ansixinta xeerku waxaay ahayd talaabo dhinaca horumarka loo qaaday sababata oo ah Xeerku wuxuu abuurayaa gudi madax banaan oo looga caban karo Booliiska, islamarkaana wuxuu awood u siiyay maxkamadaha caadiga ah inay qaadaan dacwadaha ka dhanka ah Booliiska. Sidoo kale Xeerku wuxuu mamnuucay in Boolilisku u adeegsado xabad nool dad aan hubaysnayn.
 Tan iyo markii la saxeexay, xeerka lama dhaqangelin.
Wax ka bedelka cusubi wuxuu hoos keenayaa booliiska maxkamadda militariga, wuxuuna baabiinayaa gudida madaxa banaan ee looga caban karo booliiska, isago oo ogolaanaya in booliisku xabad nool isticmaali karo, xidhi karona dadka isaga oo aan haysan amar garsoore. 


Wax ka badelka cusub ee ay dawladdu hada soo jeedisay waa mid jebinaya dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo halbeegyada caalamiga ah. Difaacayaasha xuquuqal insaanku waxaay u arkaan wax ka bedelka cusub inuu yahay isku day la doonayo in looga dhigo Booliiska hay’ad sharciga ka saraysa oo aan cidina xisaabin. 
Booliisku maaha hay’ad militari mana aha in la ogolaado in laga dhigo militari. Sanado badan ayaa loo halgamayay sidii loo heli lahaa xeer u noqda aasaas dib u habayn haboon oo lagu sameeyo booliiska. Markii Xeerkii la ansixiyay, dawladdu waxaay diiday inay dhaqangeliso xeerkii, hadana waxaay soo gudbisay wax ka bedel kakan.
Xaruntu waxaay ka codsanaysaa xubnaha Golaha Wakiilada inay diidan wax ka bedelka Xeerka oo ay la saftaan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, isku xukunka sharciga iyo xuquuqal shacabka reer Somaliland ee soo doortay. 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured