" Madaxweyne waxaa lagaaga baahan yahay isku Shandhayn ay Umaddu ku diirsato, Hilaac Haraad Ma Biiyo, Ee Isku Shandhayn Qaan-gaadha Ayaa Lagaga Fadhiyaa". Xildhibaan Qabile.

0
Wednesday November 14, 2018 - 01:43:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Madaxweyne waxaa lagaaga baahan yahay isku Shandhayn ay Umaddu ku diirsato, Hilaac Haraad Ma Biiyo, Ee Isku Shandhayn Qaan-gaadha Ayaa Lagaga Fadhiyaa". Xildhibaan Qabile.

    " Madaxweyne waxaa lagaaga baahan yahay isku Shandhayn ay Umaddu ku diirsato, Hilaac Haraad Ma Biiyo, Ee Isku Shandhayn Qaan-gaadha Ayaa Lagaga Fadhiyaa". Xildhibaan Qabile.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Madaxweyne waxaa lagaaga baahan yahay isku Shandhayn ay Umaddu ku diirsato, Hilaac Haraad Ma Biiyo, Ee Isku Shandhayn Qaan-gaadha Ayaa Lagaga Fadhiyaa". Xildhibaan Qabile.
Hargaysa-(Xogreebnews.com)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan isku shandhaynta uu Madaxweynuhu ku sameeyey xubnaha ka tirsan Xukuumaddiisa.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayas ugu horeyn isagoo ka hadlaya isku shaandhaynta ayaa yidhi "Isku shandhayntu maaha qabiil ee waxaa loo baahan yahay aqoon dheeli tiran,isku shandhayntana maaha mid qaan-gaadha,ee Madaxweyne waxaa lagaga baahnaa isku shandhayn qaan-gaadha oo leh baaxad intan ka balaadhan iyo isku shandhayn tayo leh,Madaxweyne waxaa lagaaga baahna isku shandhayn ay umaddu ku diirsato iyo inaad magacwdo rajada ay umaddu qabto ciddii ku hagi lahayd ,xaaladda dalku ku jirana ka saari lahayd,laakiin Madaxweyne hilaac haraad ma biiyo, ee isku shandhayn qaan-gaadha oo umaddu ku diirsato ayaa lagaga fadhiyaa”.
Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey khilaafaadka dhulka ee Berbera ku soo badanaya ayaa yidhi "Xeerka 17aad ee ,dhulka isagoo kooban ayaa Golaha Wakiiladu kaabis iyo wax ka bedel uu ku sameeyey,arintaasi waxay keentay arin Golahana ceeb ku ah shaqadii qarankana isku murgisay,iyagoo Goluhu waxtar ula jeeday,ayaa la sameeyey Xeerkan iyo Guddida khilaafaadka Dhulka,saddexdii dhadhaar ee Dawladnimada ee kala ah Garsoorka,Fulinta iyo Sharcidejinta wey isku dhex shandhaysay,muwaadinka xuquuqdiisana meel bay kaga dhacday,xeer wuxuu xeer noqdaa marka uu Gobolada dalka oo dhan ka dhaqangalo, Gobolada Sool,Sanaag,Awdal iyo Togdheer wey iska diideen,balse meelaha uu ragaadiyey xeerkani waa Saaxil jyo Maroodijeex,laakiin markii dambe Hargeysi xeerkan wey iska fayday,ee meesha uu laxadka dhigtay ee Berbera,anagoo ah Xildhibaano badan oo Wakiilada ah waxaanu diyaarin doonaa mooshin ka dhan ah
Xeerkan,Qareenada,Sharci yaqaanada iyo guud ahaan wax garadka Somaliland waxaan ka codsanayaa in wax kasta oo dabar iyo caqabad ku Dastuurka iyo xeerarkiisu in laga hawl galo wax kasta oo Dastuurkeena dhib ku ah”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured