XAQ DARO XALKEEDU ADKAAN DOONO (XADHIGA AXMED CADIB). W/Q JAALE GUULEED CAATO .

0
Tuesday November 13, 2018 - 16:49:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAQ DARO XALKEEDU ADKAAN DOONO (XADHIGA AXMED CADIB). W/Q JAALE GUULEED CAATO .

    XAQ DARO XALKEEDU ADKAAN DOONO (XADHIGA AXMED CADIB). W/Q JAALE GUULEED CAATO .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XAQ DARO XALKEEDU ADKAAN DOONO (XADHIGA AXMED CADIB). W/Q JAALE GUULEED CAATO .
"Hadaan Talo Cashada ay eeg tahay Cidina yeelaynin 
Maalintay Cidhiidhiga Gasho ee Col iyo qaad joogto 
Ceeb weeye Muusow ninkii soo Calaacaliye"
"Galab Bilan oo Boqran Jaalayaal"
Dabayaaqadii Sanadkii 2015kii ayaa Ciidamada Booliska Ceerigaabo ay isku dayeen in ay xidhaan Axmed Cadib oo lagu Eedaynayay in uu soo dejiyay Hub Sharci daro ah waxaana Arintaasi sababtay is Maandhaaf ka dhex dhashay isaga iyo Ciidamadii Booliska intaasi kadib waxa Is rasaaseeyay Koox Ciidamo ah oo uu horjooge u ahaa iyo Ciidamadii Booliska waxaana Dagaalkaas ku Dhaawacmay ku dhawaad Toban Ruux, isla Afar Maalmood kadib 14/11/2015 waxa Arinta Khilaafka dhinacyadan Dhalisay Xalkeeda isu Xilqaamay Odayaal iyo Waxgarad Reer Ceerigaabo ah , waxaanay wada hadal la fureen Axmed Cadib Talo iyo Hoga Tusaalayn badan oo ay u soo jeediyeen kadib waxa ay isla qaateen in Arintaas la soo Afjaro Maslaxana lagu Dhameeyo Badhasaabkii Ceerigaabo ee Xiligaasina waa uu aqbalay Arinta Xalka Odayaasha , waxaana Guud ahaan la tirtiray Kiiskii Ciqaabta ahaa ee loo haystay Axmed Cadib , sidoo kale Wasiirkii Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xiligaas Cali Maxamed Warancade oo metelaya Xukuumadiisa ayaa soo saaray Warqad Cafisa oo Axmed Cadib lagaga cafiyay Dembigii lagu eedanayay .
Hadaba 20-06-2018 ayaa Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Amar ku siiyay Taliska Ciidamada RRU-DA in la xidho Dhanka Caasimada Hargeysana loo soo Dhaadhiciyo Axmed Cadib oo Xiligaas Degmada Ceel Afwayn ku sugnaa , iyadoo xiligaas la xidhay aanay jirin wax dembi ah oo uu faraha kula jiray ama Cid uu Dhibaato Gaadhsiiiyay waxaana lagu soo xidhay Saldhiga Dhexe ee Degmada Ceel Afweyn , Saacado yar kadib waxa lagu wareejiyay Ciidamada RRU-da waxaanay u Dhaadhiciyeen Dhanka Magaalada Hargeysa oo aan ahayn Goobtii laga soo xidhay , iyadoo Gobolka Sanaag uu leeyahay Dhamaan Adeegyadii Sharci sida Maxkamad , Xeer Ilaalin, Xarumo Boolis , Xabsiyo iyo Xarumaha Baadhista Danbiyada (CID) , si taa la mida waxa la dhaafiyay Gobolka Togdheer oo isna si lamida G.Sanaag leh Dhamaan Adeegyada Sharci , Arintaas oo Muujinaysa in Arinta Qabashada Axmed Cadib aanay ahayn Xadhig balse ay tahay Afduubasho (Qafaalasho) madaama la dhaafiyay Goboladii ugu dhawaa Adeeg Sharci hadii u dembi galay .
sidoo kale Cadib oo ku dhawaad Mudo Afar Bilooda Xidhnaa ayaan Wax Maxkamada la horgeyn waxaana si sharci daro ah Arinta Kiiska lagu soo eedaynayo uga garnaqday Maxakamada Ciidamada Qalabka sida oo aan xaq u lahayn ka garnaqa Kiiskan iyo Kuwa lamida ka ah Madaama Shakhsiga lagu Xukumayaa aanu ka tirsanayn Ciidamada Qaranka ee uu yahay qof shacaba, waxaana Maxakamadu ku Eedaysay in uu Asaasay Jabhad Cusub Ciidan Hubaysana ku Uruuriyay Agaagarka Degmada Ceel Afweyn , iyadoo Xafiiska Xeer Ilaalintu aanu wax Cadayna oo ku saabsan Eeda loo haysto Axmed Cadib aanu Maxkamada Sida Sharci darada ah u xukumaysa hor keenin , sidoo kale Maxakamada ayaa ku eedaysay in uu soo dejiyay Hub Sharci daro Gudaha Ceerigaabona kula Dagaalamay Ciidamada Booliska Arintaas oo ah Arintii ay soo Afjareen Odayaasha Ceerigaabo 14/11/2015 , si taa lamida Maxakamada sida Sharci darada ah u Xukuntay Cadib ayaa iska Indho tirtay Warqadii Cafiska ahayd ee Wasiirkii Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xiligaas Cali Maxamed Warancade qoray taas oo Xukuumadu ku cafiday Axmed Cadib iyo Warqadii Cadaynta iyo Codsiga ahayd ee ay soo qoreen Gudida Nabad gelyada Ceerigaabo taas oo Nuxurkeedu ahaa in aanu Axmed Cadib wax Dembi ka gelin Gudaha G.Sanaag kuna Codsanayaan in la sii daayo loona celiyo Xoriyadiisa , iyadoo Arinta Xukunkan Sharci Darada ahi ay Muujinayso in Nidaamka Garsoorka dalka ay Fulintiisu cid gaara qabto cid gaarina ku fuliso cid kasta oo Xambaari wayda Danahooda Shakhsiga ah , Si taa lamida Qodobadii Maxakamadu u cuskatay Xukunka Axmed Cadib ayaa ay ka mid ahaayeen in uu Adeega Whatts Appka ee Bulshadu Isticmaasho uu Cod ku Duubay , Codkaas oo uu Baaq ugu diriyay Xubno ka tirsan Ciidamo lagu Eedayay in uu uruuriyay , Arintaas oo ah waxba kama jiraan aanay jirin cid cadayn karta in Qofka Hadlayaa uu yahay Axmed Cadib iyo in uu shakhsi kale yahay .
Ugu Dambayn Axmed Cadib waxa uu Maanta Xabsiga ku jiraa Bil iyo Shan Habeen Waxaana Muwaadinkaas si Sharci daro u xukuntay Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo ku xukuntay Toban Sano oo Xadhiga iyadoo Xukunkiisa u cuskatay Sifo Sharciga Baal Marsan , waxaana Xukuumadu Guud ahaan iska Indho tirtay Baaqyadii Kala Duwanaa e ay u soo jeediyeen Dadwaynaha tiro badan oo Danaynaya Jiritaanka Qaranimada Diidayana Dulmiga lagula kacayo Shakhsiyaadka aan waxba galbsan sidoo kale Somaliland Gudaheedana ayaa ay si Xoriyada ugu nool yihiin Xilal kala Duwana ka hayaan Boqolaal galay Dembi ka xun Dembiga Been Abuurka ah ee lagu Eedaynayo Axmed Cadib Dadkaas oo Qaarkood Dilal geysteen , Jabhado Abuureen , Dagaalo Sokeeye Gudaha Dalka ka riday iyadoo abidkood aan lagu xukumin Xukun lamida Xukunkii Axmaqnimada ahaa ee lagu Xukumay Cadib oo ahaa Toban Sano oo Xadhiga . si taa lamida soo If baxa dhacdadan ayaa laf jab ku ah Sharciga Daliilna u ah in Nidaamka Garsoorka Somaliland aan loo sinayn iyadoo Dhacdadanina Horseedi karto Falal lidi ku ah Amniga Burbur iyo Laf jabna Qarnimada , Falalkan iyo Kuwa lamidka ahina ay suurogelin karaan in Reer Waliba uu Samaysto Goob iyo Maxakamda ay ku xukumaan shakhsi kasta oo lidi ku ah Dantooda , sidoo kale Dulucda Qormadaydan ayaa qayb ka ah Baaqyo Tiro badan oo laga diray Xadhiga Axmed Cadib waxaanan Madaxwayne Biixiga Madaxtooyada ugu baaqayaa in uu sii daayo Maxbuuskaa aan xaqa ku xidhnayn .
Fikirkaagu waa muhiim
QALINKII : JAALE GUULEED CAATO .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured