Maxay faraqa u dhexeeya hogaaminta Muse Biixi iyo Daahir Rayaale Kaahin...Daahir Rayaale Waxaa macalin u ahaa Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Muuse Biixina Axmed Siilaanyo. Qora, Abwaan Yaasin Gunti-xume

0
Monday November 12, 2018 - 02:29:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay faraqa u dhexeeya hogaaminta Muse Biixi iyo Daahir Rayaale Kaahin...Daahir Rayaale Waxaa macalin u ahaa Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Muuse Biixina Axmed Siilaanyo. Qora, Abwaan Yaasin Gunti-xume

    Maxay faraqa u dhexeeya hogaaminta Muse Biixi iyo Daahir Rayaale Kaahin...Daahir Rayaale Waxaa macalin u ahaa Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Muuse Biixina Axmed Siilaanyo. Qora, Abwaan Yaasin Gunti-xume

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay faraqa u dhexeeya hogaaminta Muse Biixi iyo Daahir Rayaale Kaahin...Daahir Rayaale Waxaa macalin u ahaa Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Muuse Biixina Axmed Siilaanyo. Qora, Abwaan Yaasin Gunti-xume
Hadaad in uun is waydiisay ama aad is tidhi qiimee faraqa u dhexeeya Madaxweynaheena Muuse Biixi iyo Madaxweynaheenii hore Daahir Rayaale Kaahin, xaga hogaaminta, helista talada fiican, himilada iyo hiigsiga fog ee qaranimo, lexejeclada qaranimo, Gudbinta iyo tebinta dooda qaranimo ee Somaliland ku dhisantay iyo tan ugu muhiimsan oo ah amba qaadka geediga iyo aqoonta hogaamiyuhu u leeyay sida qaran loo dhiso, hal ka tegin hal abuurnista siyaasad leh hadaf iyo jaan tus oo iyo hiigsi ujeedo fog leh.


Ha isku canaanan su’aashaa ah Waa
Maxay faraqa u dhexeeya hogaaminta Muse Biixi iyo Daahir Rayaale Kaahin.

Waayo anigaa is waydiiyay in badan, waxaana iisoo baxay jawaabtan oo odhanayso ninba ceesaantii Ceel Keen ye, labadan nin midkoodna hogaamiye Siyaasi hore uma noqone waxay ku kala duwan yiin waa MACALIMIINTOODA ayaa kala wanaagsanayd.
Daahir Rayaale Waxaa macalin u ahaa Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, oo ahaa khabiir iyo farshaxan ruug cadaa ah oo shaqadiisuba ahayd siyaasad iyo dhisid qaran. Halka Muse Biixina macalinkiisu ahaa Siilaanyo, Civil Servant u arkaayay inay tahay siyaasadu meel magac, maskab iyo maalba laga dheefo. Just another well paid job.

Isku shaandhayntii ugu danbaysay ee Muse Biixi sameeyay laba cisho ka hor iyada maxaad ka fahamtay? Ma kuu muuqataa wax xikmad ah oo ku dheehan isku bedelkaa oon ahayn haduu sii go’ay?
Dabcan saluug badan baa jira sida xukuumada Muse u dhisantay, dad badanina siyaalo kala duwan bay uga cabanayaan qaab dhismeedka awoodeed ee dawlada Muse Biixi.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Xantaada Xiinkeeda waad Maqashaa’,
In kastoo xanta shayga la yidhaa tahay wax ama war aan hortaada laga sheegin iyo nux nux lagaa qarinaayo, hadana xiinkeeda waad maqashaa hadaanad ahayn ruux dhegweyn ah.
Muse Biixi nuxnuxda xantiisa iyo dareenka dadweynahiisa Ma maqlo e wuxuu maqlaa oo dhegaystaa xogo ay usoo gudbiyaan wiilal yar yar oo madaxweynaha u arka Maareeye Shirkad yara waynaatay ama (CEO of a large Corporation), waxaanay u sheegaan warar uu ku farxo oo la xidhiidha faa’iidada iyo dhaqaalaha ku jira/kasoo bixi kara/ku handaraaban meel.
Isna Waa nin u arka dawladnimada dukaan dukaamo la tartamaaya.
Su’aasha kale. 
Madaxweyne kasta waxbaa laga bartaa hanaankiisa hogaamineed. Akhriste maxaad adigu ka baratay hogaaminta madaxweyne Muse Biixi? Fadlan is waydii su’aashaas.

Anigu waxaan ka bartay Muse Biixi Waa sifaha uu isagu iska bixiyay ee maaha mid aan anigu U samaynaayo. 
Sifaha iyo farshaxanka siyaasad-hogaamineed ee madaxweynaheena waxaa igaga filan qaabka uu u sameeyay isku shaan-dhayntii ugu dambaysay ee uu sameeyay oo u ekayd dukaan maamulkii laga bedelay.
Hadaan hal abuurka siyaasad-hogaamineed ee Muse Biixi ku sifayn lahaa tusaale la ila fahmaayo waxan ku qiimayn lahaa:
Cajalad noocii hore ee labada giraamood ku wareegi jirtay oo intii cadayd soo baxday.

Ninkii garanayaa garanayee cajaladahaa magmatic tape ka la odhan jiray markay dhinac u dhamaato Waxaa jiray in yar oo cad oo tyre ka ku xidhnayd oo aan waxba duubi jirin oo loogu talo galay inay kuu sheegto in cajaladu dhinacaa u dhamaatay.

Muse Biixi hogaamintiisu Waa sidaas oo kale, wuxuu ii sheegi lahaaba wuu ii sheegay cajaladiina way ka dhamaatay oo halkii cadayd bay maraysaa sanadna uma buuxsamine sidaas baa ka Sal ah, ka dhab ah, ka run, ka garasho ah, ka dedaal ah, ka aqoon ah, ka siyaasad ah, ka dawladnimo ah, ka faham iyo u kuurgal tabashada umadeed ah, sidaas baa Muse Biixi ka Muse Biixi ah!.
Abwaan, qoraa, Siyaasi Yaasin Ismaaciil (Yasin Gunti xume). 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured