Waa tii Casayde ,Yaa la Xisaabinayaa, Marka Xisaabiyaha guud la hoos-geeyo Maaliyada. Wasiirka gaadiidka oo leh liceno ayey Dawladu la wareegtay, wax lala wareegayna Ma Jirto, xaalku Waa private-private ku bedel!. W/Q Farxaan Cali Maxamed.

0
Friday November 09, 2018 - 17:16:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa tii Casayde ,Yaa la Xisaabinayaa, Marka Xisaabiyaha guud la hoos-geeyo Maaliyada. Wasiirka gaadiidka oo leh liceno ayey Dawladu la wareegtay, wax lala wareegayna Ma Jirto, xaalku Waa private-private ku bedel!. W/Q Farxaan Cali Maxamed.

    Waa tii Casayde ,Yaa la Xisaabinayaa, Marka Xisaabiyaha guud la hoos-geeyo Maaliyada. Wasiirka gaadiidka oo leh liceno ayey Dawladu la wareegtay, wax lala wareegayna Ma Jirto, xaalku Waa private-private ku bedel!. W/Q Farxaan Cali Maxamed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa tii Casayde ,Yaa la Xisaabinayaa, Marka Xisaabiyaha guud la hoos-geeyo Maaliyada. Wasiirka gaadiidka oo leh liceno ayey Dawladu la wareegtay, wax lala wareegayna Ma Jirto, xaalku Waa private-private ku bedel!. W/Q Farxaan Cali Maxamed.
Markii inoogu dambaysay wuxuu ahaa sharcigu ka ay umadu ku kala socoto dawlad iyo shiciba, waxaa kuu muuqanaysa in dawladii Muuse biixi ee in badan ku hadaaqaysay Sharcigu ha sareeyo, inay cid kaleba iska daaye uu ku kala saari la yahay Golihiisii wasiirada, oo sidii lababa debeda isku haystaan, sida soo baxaysa uu Madaxweynihii laysula tegaayeyna kolba mid odhanaayo adigaa sax ahe kaasi waxba sheegi maayee wuu iska wareerayaa, oo waaba kala bax ay kala baxaane ay madaxa isla sii gelayaan ilayn mid waliba isagaa saxane,  waxaynu maqli jiray Tuba Tu ku ilow warsaxaafadeed uu baahiyey  wasiirka Maaliyadu oo uu ku sheegaayo inay Xisaabaadku yihiin waax ka mid Wasaarada Maaliyada, xisaabiyaha guudna  uu isaga hoos yimaado , isaga oo tixraacaya dastuurka iyo xeerarka kale ee maaliyada laakiin aanu midna qodobkeeda cadayn, Waxaynu og nahay Axmed Daauud Xisaabiyaha guud waqtiga dheer ee xisaabaad kasoo shaqaynaayey  ee ah ilaa 50 sano iyo dheeraad, halka wasiirka Maaliayada ay waayo aragnimadiisa maaliyadu tahay mar uu shaqaale hoosaad ka kastamka ahaa iyo iminka oo uu wasiir noqday , waxaynu ka dheregsanahay in xisaabiyaha Guud, ouditka guud, xeer ilaaliyaha guud , gudoomiyaha Banka , hay ada shaqalaha,gudomiyaha maxkamada sare dhamaantood ay yihiin hay ado uu madax baneeyey dastuurkeenu , waxaa kala jaad ah wada shaqaynta iyo is hoos imaadka, waxay tani i xasuusisay wasiir awqaafta ahaa oo dawladii cigaal iyo berito ciidu tahay yidhi ciid maahe sadex cisho ka dib ayaa la ciidayaa cigaal baa yaabay gelin dambe ayuu eryey  maalin lays ku khilaafo waa la arki jiree sadex cisho wax waaliya ayey noqotay,  tan baa la mid ah.  Yaa la xisaabinayaa haddii xisaabiyuhu hoos tago, mise waxay noqonaysaa Ouditkuna waa waax Maaliyada hoos tagta.
Haddaba Waxaynu leenahay markii inoogu dambaysay dastuurka iyo xeerarku midna may hoos geyn jirine ,miyaa la bedelay tolow, mise si kale ayaa wax u jiraan ilayn waa ceeb in wax aan sharci ahayn uu dadka la hor yimaado uu war saxaafadeed ugu dhigee, 
Sida aynu horeba u arkaynay wasiirka gaadiidka oo leh liceno ayey dawladu la wareegtay, wax lala wareegayna aanay jirine xaalku yahay private private bedelay , Maaliyaduna sidan leedahay maanta waa yaabka yaabkiise  hala wardoon tago waa tii casayde.
W/Q 
Farxaan Cali Maxamed.
Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured