Qaabkii Gudoomiyaha Maaxkamada sare Loogu Magacaabay Aadan Xaaji Cali+ Shaxdii Xirsi, Qorshihii Aamina Weris, M. Xashi, Ina Aw Siciid Iyo Dulmigii Jamaal Cali Xuseen?. W/Q Faysal keyse Cali

0
Friday November 09, 2018 - 03:41:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabkii Gudoomiyaha Maaxkamada sare Loogu Magacaabay Aadan Xaaji Cali+ Shaxdii Xirsi, Qorshihii Aamina Weris, M. Xashi, Ina Aw Siciid Iyo Dulmigii Jamaal Cali Xuseen?. W/Q Faysal keyse Cali

    Qaabkii Gudoomiyaha Maaxkamada sare Loogu Magacaabay Aadan Xaaji Cali+ Shaxdii Xirsi, Qorshihii Aamina Weris, M. Xashi, Ina Aw Siciid Iyo Dulmigii Jamaal Cali Xuseen?. W/Q Faysal keyse Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabkii Gudoomiyaha Maaxkamada sare Loogu Magacaabay Aadan Xaaji Cali+ Shaxdii Xirsi, Qorshihii Aamina Weris, M. Xashi, Ina Aw Siciid Iyo Dulmigii Jamaal Cali Xuseen?. W/Q Faysal keyse Cali
Waxan jeclaystay inaan bulshada u iftiimiyo shaqsiyaad ku saaxiibay ujeedooyin ganacsi iyo qaar siyaasadeed oo todobadii sanno ee u Madaxweynaha ku magacownaa Axmed Siilaanyo dalka uga dhacay qab amar ku taaglayn ah, kuwasoo soo taxnaa muddo, balse maalinba heer taagnaa.
Qormadan oo noqon doontaa mid taxane ah, waxaynu qabteedan koowaad kusoo qaadan-doonaa qaabkii uu salaanka Siyaasada kusoo galay Gudoomiyaha Maxkamada Aadan X. Cali Iyo cidii soo gelisay iyo weliba dannihii waqtiyadaas hore laga lahaa.
Isbarashadii Wasiir Xirsi iyo Aadan Xaji Cali. Waxay isbarteen Xirsi iyo Aadan 20002-dii, iyagoo ku shuraakoobay Qorshe ganacsi, waxanay wada-furteen Iskuul ama Private School lagu magacaabo Sitco College, oo kasoo horjeeda Garoonka Kubadda Kolayga Hargeysa ee Tima-cadde loo yaqaan, marar badan waxa soo Kala dhexgalay khilaaf, hase-yeeshee way ka heshiiyeen, iyagoo sidii heshiis u ah, una wada lahaa Iskuulkaas, ayuu Xirsi Cali X Xasan galay Siyaasada.
Salaanka Siyaaasadda Aadan-ka Gudoomiyaha Maxkamada Aadan X. Cali waxa uu siyaasadda soo geliyey sannaadkii 2012-kii Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi xaaji Cali, kaasoo Aadan u magacaabay la taliyaha Madaxweynaha Somaliland dhinaca sharciga, maadaama oo u Aadan waqti yar maalmahaas uu waxbarasho dhinaca sharciga ka dhamaystay Jaamacadda Hargeysa, waxanu Ex. Wasiir Xirsi booska la taliyaha uga qaaday Aadan Xaaji Cali Nin Jaamacada Al Azar kusoo bartay sharciga oo aanan hadda magaciisii xasuusnayn.
Markii Wasiir Xirsi Cali X Xasan uu Aadan u magacaabay la taliyaha sharciga, ayuu Aadan jaanis u helay inuu barto Marwadii Madaxweynaha Aamina Weris, oo iyadduna awood badan ku lahayd hoggaaminta tallada dalka.
Waxanay Marwadii dalku ogaatay inuu yahay Aadan X Cali, shaqsi aan iska shaandheynayn amar kastoo ay farto, isla markaana uu yahay gacan-yare firfircoon, sharci iyo sharci iyo sharci darro toona aan Kala eegeyn, balse danta Marwada oo hayb ahaana eeddo ugu toosnayn, waxay aragtay indhaha inuu uga riddayo dalka oo dhan rabitaanka Qoyska Madaxtooyadda. Sidaas daraadeed waxay Marwada xulufadii Maxamuud Xaashi kowga ka ahaa goaansadeen inay badheedh u duudsiyaan Musharaxii Ucid Jamaal Cali Xuseen, oo shacabka Somaliland ka haystay taageero badan, isla markaana ahaa mucaaridka keliya ee gol-daloolooyinkii Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo usoo bandhigi jiray Turxaan la aan, waxanay xulufadaasi iibsadeen Gudoomiyihii Ucid Faysal Cali Waraabe, kuwasoo intaa ay Lacag soo siiyeen ku yidhahdeen adigu musharax mar sadexaad Ucid ka noqo, si uu noogu soo baxo Musharaxayaga Kulmiye Muuse Biixi, waxanay dejiyeen qorshihii Khilaafka. Faysal Cali Waraabe, waxa uu dhabar taabasho laddib warbaahinta lasoo istaagay weedhihii cilmiga iyo caqliga ka aradnaa ee abuuray Khilaafka Ucid, waxa hadaladiisaas daba socotay Faysal Cali Waraabe, magacaabistii Marwada Madaxweynihii hore u magacawday Aadan X Cali Gudoomiyaha Maxkamada sare oo isagga loo siiyey xilkaa inuu dulmiyo Jamaal Cali Xuseen, markay is qabsadaan Faysal iyo Jamaal, maadaama oo ay Maxkamada is tagayaan.
Muddo wuxuu khilaafkaasi soo jiitamaba waxa uu garnaqa Kiiskii Ucid gacanta usoo galay Aadan X Cali oo ahaa shaqsigii Markiisi horeba mansabka ku helay ka takhalusinta Jamaal Cali Xuseen. Waxanu soo saaray go'aan daahir yaa shamis ah oo ka yaabiyey sharci yaqaanada Somaliland Iyo intaa cadaalada jecelba. Kaddib markii uu amray in la qabto Shir uu Guddida qaban-qaabinaysaa Faysal Cali Waraabihii laga cabanaayey ee dhinaca ahaa nusdambeed u yahay, waxanu sheegay inay ku daba gelayaan, haseyeeshee Gabi ahaanba hadana waa uu garab maray Faysal, maadaama oo u isku hallayn qabay, waxanay Xukuumadu siisay 100,000, oo Dolar, iyadoo ganacsadaha ku mamay hantida umadda ee sharwadeenka tilmaaman ah Maxamed Aw Siciid, isna ugu daray 20,000, Dolar Lacagtaas waxa Faysal loo siiyey inuu kagaga takhaluso Jamaal Cali Xuseen oo u shar indho sarcaada ku dhigto.
Labadki garab way ku heshiin waayeen Shir wada jir u qabsooma, hase-ahaatee waxa qoloba goonideeda ay u qabsadeen Shir, waxana dhacay November 8-deedii, sanadkii 2016, cadaalad daraddii ugu weynayd weligeed, kaddib markii Garabkii Faysal Cali Waraabe Xukuumada Ciidamo RRU-da loo yaqaan ku ilaalisay si u qabsoomo, garabkii Jamaal Cali Xuseen Xukuumaddu amar ku siiso Huteelada inaanu shir ku qabsan Karin, iyadoo garabkii Faysal na Dad usoo ururisay, waxana ka qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye, oo waqti xaadirkana ah Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin. Garabkii Jamaal Cali Xuseen ee laga dulmiyey dhamaan wax kastoo ay xaq u lahaayeena markii laga hor joogsaday Huteelkii ay kiraysteen ee Mansoor, waxay geed hoostii ku qabsadeen shirkoodii waxana Maalintaa dhacay laba Shir oo lid isku ah. Maxkamadii waxay xalaalaysa shirkii Faysal.
W/Q
Faysal keyse Cali 
Faysal39@gmail.com
London UK 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured