Ismaandhaaf Xooggan oo ka taagan meherado Wasaarada Waxbarashaddu la wareegtay

0
Friday November 09, 2018 - 03:24:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ismaandhaaf Xooggan oo ka taagan meherado Wasaarada Waxbarashaddu la wareegtay

    Ismaandhaaf Xooggan oo ka taagan meherado Wasaarada Waxbarashaddu la wareegtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismaandhaaf Xooggan oo ka taagan meherado Wasaarada Waxbarashaddu la wareegtay

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Yasiin Xaaji Maxamud Xiir Faraton ayaa la wareegay dhisme laba qol ah oo meherado ahaa oo ku yaalay wajhada xafiiska Waxbarashada Gobolka Galbeedka Maroodi Jeex.

Dhismayaashan oo uu hore Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashadda Md. Cabdilaahi Ibrahin Habane u siiyay Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan.
Dhismaha labadan qol oo dhismay xiligii xukuumadii madaxweyne Siilaanyo, bal xidhaa ayaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Yasiin Xaaji Maxamud Xiir Faraton horjoogsaday in la furo toddabaadkii hore.


Wasiirka ayaa soo saaray qoraal uu ku tixraacayo qoraalkii hore loogu oggoladay meheradahan Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan, isaga oo ogaysiiyay hay’adaha amniga, Wasaarada Hawlaha Guud iyo Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Md. Cabdilaahi Ibrahin Xaaji Xasan ayaa isna qoraal uu kaga jawaabay qoraalka Wasiirka, ayaa sheegay in uu hore ugu dhistay dhismayaashan oggolaansho Wasiir, maantana uu oggolaaday in uu aqbalo go’aanka joojinta ah ee Wasiir Faratoon, waxaana uu ugu mahadnaqay Wasiirkii hore ugu oggolaaday, kadib codsi uu u soo qortay.
Hase yeeshee Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Md. Xaaji Xasan waxa uu ku dooday in uu dhismayaashaa maalgaliyay Ganacsade Wasaaradda Waxbarashada dhiirrigalin ka mudan oo horana afar fasal si mutaddawacnimo ah ugu dhisay Dugsiga sare ee haatan xidhmay ee Suldaan Maxamed, sidaas darteed ay muhiim tahay in Dawladdu meel saarto hantidii meesha ka gashay ganacsadaha.
Sidoo kale Cabdillaahi Ibraahin waxa uu ku dooday in ay xaaraan tahay in qof muwaaddin ah oo maalgaliyay tacliinta dalka lagaga daba yimaaddo laba meheradood oo dhismay wakhtigii Xukuumadii Siilaanyo maadaama ay Wasaarad kasta ku dhex yaalaan meherado ganacsi.

Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo ka mid ahaa ragii run iyo beenba ugu soo ololeeyay doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tan iyo intii ay xukuumadani dhalatay waxa muuqday inay dhawr jeer ismaandhaafeen, iyada oo xukuumadu miisaaniyada ka saartay, isla markaana xidhay gebi ahaanba dugsigii Suldaan Maxamed oo uu Cabdilaahi gacanta ku hayay, mar kalana xabsiga u taxaabtay afhayeenka, kadib markii loo qabsaday hantidii madaxweynuhu balanqaaday xiligii doorashada ee deyrka dugsiga Suldaan Maxamed.
Sida kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo sida ay meheradahan lala wareegay u saamayn doonaan dareenka dadweynaha maadaama ay iminkadanba dugsiga sare ee Maxamud Axmed Cali uu ka socdo dhismaha meherado u jeeda laamida tagta madaarka, iyada oo markii horana meesha lagu bixiyay in laga dhisayo dabdamis.golaaday in uu aqbalo go’aanka joojinta ah ee Wasiir Faratoon, waxaana uu ugu mahadnaqay Wasiirkii hore ugu oggolaaday, kadib codsi uu u soo qortay.
Hase yeeshee Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Md. Xaaji Xasan waxa uu ku dooday in uu dhismayaashaa maalgaliyay Ganacsade Wasaaradda Waxbarashada dhiirrigalin ka mudan oo horana afar fasal si mutaddawacnimo ah ugu dhisay Dugsiga sare ee haatan xidhmay ee Suldaan Maxamed, sidaas darteed ay muhiim tahay in Dawladdu meel saarto hantidii meesha ka gashay ganacsadaha.

Sidoo kale Cabdillaahi Ibraahin waxa uu ku dooday in ay xaaraan tahay in qof muwaaddin ah oo maalgaliyay tacliinta dalka lagaga daba yimaaddo laba meheradood oo dhismay wakhtigii Xukuumadii Siilaanyo maadaama ay Wasaarad kasta ku dhex yaalaan meherado ganacsi.

Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo ka mid ahaa ragii run iyo beenba ugu soo ololeeyay doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tan iyo intii ay xukuumadani dhalatay waxa muuqday inay dhawr jeer ismaandhaafeen, iyada oo xukuumadu miisaaniyada ka saartay, isla markaana xidhay gebi ahaanba dugsigii Suldaan Maxamed oo uu Cabdilaahi gacanta ku hayay, mar kalana xabsiga u taxaabtay afhayeenka, kadib markii loo qabsaday hantidii madaxweynuhu balanqaaday xiligii doorashada ee deyrka dugsiga Suldaan Maxamed.

Sida kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo sida ay meheradahan lala wareegay u saamayn doonaan dareenka dadweynaha maadaama ay iminkadanba dugsiga sare ee Maxamud Axmed Cali uu ka socdo dhismaha meherado u jeeda laamida tagta madaarka, iyada oo markii horana meesha lagu bixiyay in laga dhisayo dabdamis.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured