AADANOOW MEEDAY DHEGALAYDAADII?...Saleebaanoow Meeday Guurtidii waakan wadankii qasan". Abwaan, Qoraa, Suxufi Yaasin Ismaaciil (Yaasin Gunti Xume)..

0
Thursday November 08, 2018 - 04:54:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AADANOOW MEEDAY DHEGALAYDAADII?...Saleebaanoow Meeday Guurtidii waakan wadankii qasan". Abwaan, Qoraa, Suxufi Yaasin Ismaaciil (Yaasin Gunti Xume)..

    AADANOOW MEEDAY DHEGALAYDAADII?...Saleebaanoow Meeday Guurtidii waakan wadankii qasan". Abwaan, Qoraa, Suxufi Yaasin Ismaaciil (Yaasin Gunti Xume).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AADANOOW MEEDAY DHEGALAYDAADII?...Saleebaanoow Meeday Guurtidii waakan wadankii qasan". Abwaan, Qoraa, Suxufi Yaasin Ismaaciil (Yaasin Gunti Xume).
Aduun war iyo sheekaa ka hadha.
Waxaa sheekadan soo socota cinwaankeeda la yidhaa ‘Aadanow Meeday Dhegalaydaadii’
Waxay ka dhacday Bariga Somaliland, Qorilugud iyo aagaa beri hore.
Aadan ninka la yidhaa waxa la ii sheegay inuu awow u ahaa Saleebaan Maxamed Aadan oo imika ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.
Aadan wuxuu ku kacaamay Bariga Burco ilaa Qorilugud inta u dhaxaysa. Wuxuu ahaa xoolo dhaqato Geel jire ah. Wuxuu ku garaadsaday iyadoo colaad iyo dagaal joogto ahi dhex maro beeshiisa Habar Jeclo iyo Beesha Dhulbahante oo dhegihiisa ku batay.
Wuxuu tuntay ama samaystay waran iyo hooto Dhegalay maar ah oo xasaw leh waxaanu geela dhexdiisa ku tababaran jiray waran tuurka iyo sida loogu dagaalamo hootada iyo waranka.
Dundumooyinka iyo jiridaha geedaha ayuu ku dhug bartay ilaa uu laftiisu isu qushuucay oo uu aad ula dhacay sida uu xariifka ugu noqday waran tuurka.
Wuxuu Illaahay ka baryay in isagoo nool oo goob joog ah uu dagaal dhex maro Habar Jeclo iyo Dhulbahante si uu dagaalkaa uga qayb galo oo wacdaro u dhigo.
Maalintii danbe ayaa isagoo Geel la jooga wuxuu arkay gabadh awr dhaan ah wada oo ka timi ceelkii.
Intuu orday oo uu hor qabateeyay ayuu waydiiyay ka waran ceelkii?
Waxay gabadhi ku tidhi "ceelkii maanta waa la isku dilay oo Habar Jeclo iyo Dhulbahante ayaa isku dilay”
Waxbaba muu hubsane orod buu is dhigay isagoo warankii iyo Dhegalaydii midba gacan ku sita.
Wuxuu soo ordoba wuxuu soo gaadhay ceelkii oo nin kaliya oo gadh madoobe ahi awr ka dhaansanaayo.
Ninkii baa yaabay oo argagaxay markuu arkay ninkan waranka iyo hooto dhegalayda kula soo ordaaya ee raba inuu dilo.
Wuu qayliyay Waar ha I dilin Waar ashahaado waar ha igu dhagaroobin.
Aadan Waxaas oo abhin ah Ma dhegaysane hootadii buu ku sii daayay isagoo raba inuu ku salaxdo warankana oo laabka kala eegto.
Ninkii intuu hootadii lagu soo rideeyay u jaray ama gas siiyay ayuu iyadoo hawada maraysa dhexda ka qabsaday mise warankii baa ku xiga oo Aadan ku soo ganay.
Ninkii warankiina wuu u baneeyay oo kilinkiladiisa iyo laabtiisa dhexdiisa ama gacanta hoosteeda ayuu ka dhaafay oo dhulkii isku qotomiyay.
Ninkii Dhulbahante oo hooto dhegalaydii already gacanta ku haysta ayaa warankiina dhulka kasoo fujistay. Ilbidhiqsiyo gudahood ayaa Aadan hubkii uu sitay gacantiisa ka baxay oo ninkii kale u gacan galay ayuu Aadan gareaaqsaday guul daradiisa oo intuu is kala rogay orod cagaha wax ka deyay ilaa iyo halkii geeliisu daaqaayay.
Aadan Waxaa lagu odhan jiray Aadanow meeday Dhegalaydaadii? Waydiintaasna aad buu uga cadhoon jiray.
Saleebaan Gaal waxaan leeyay Saleebaanoow Meeday Guurtidii waakan wadankii qasan ee xisbiyadii mucaaridka iyo muxaafidkii iyo xukuumadii isku jiq ah ee doorashadii dib u dhacaysa e meeday kaalintii looga baahnaa guurtidu inay ka gaysato xalinta khilaafkan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured