Xoghayaha Madaxweyne Muuse Biixi Oo Soo Saaray Warqad Uu Ku Amrayo Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda

0
Saturday November 03, 2018 - 03:46:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Madaxweyne Muuse Biixi Oo Soo Saaray Warqad Uu Ku Amrayo Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda

    Xoghayaha Madaxweyne Muuse Biixi Oo Soo Saaray Warqad Uu Ku Amrayo Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Madaxweyne Muuse Biixi Oo Soo Saaray Warqad Uu Ku Amrayo Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda

Hargeysa(Xogreebnews)-Tan iyo intii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka la wareegay, waxa ummaddu hadal haysay saamaynta uu xukuumadda ku leeyay xoghayihiisa gaarka ah Md Mubaarig Ismaaciil Taanni, waxaana la tilmaami jiray inuu soo xulay qayb ka mid ah golaha wasiirrada.

Shaqada xoghayuhu waxa ay tahay inuu garaaco waraaqaha madaxweynuhu soo saarayo, iyo inuu ilaaliyo cidda ballanta la leh madaxweynaha iyo weliba inuu Madaxweynaha ka taageero ama xasuusiya qorshayaasha shaqo ee sugayaa. Hase-yeeshee waxa la-yaab leh in Xoghaye Mubaarig Ismaaciil Taanni uu 9kii Sebtember 2018-ka soo saaray warqad amar ah, kuna socodsiiyey Wasiirka Gaashaandhigga Md Ciise Xawar, taasoo uu ku farayo in Wasaaradda Macdanta la siiyo agab ay u baahnaayeen.

Bulshadu waxa ay isweydiinaysaa goorta uu Xoghayuhu yeeshay awood uu ku amro golaha wasiirrada, halkii ay ahayd in uu uga gudbiyo wasiirka warqad uu madaxweynuhu saxeexay iyo qoraalku u diray oo keliya, waxa uu soo saaray dhambaal ka yimi Xafiis u samaystay, lehna xasees, isla markaana uu ku amrayo Wasiirka oo ku magacaaban digreeto madaxweyne, sida ku cad warqadan oo lagu faafiyey baraha bulshada.

Tallaabadani waxa ay u muuqanaysaa in Xoghayuhu si gurracan uu adeegsanayo awooddii madaxweynaha, lamana oga meel Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu qayb ka mid ah awooddiisa maamul ugu wareejiyay Xoghayihiisa Mubaarig Ismaaciil Taanni.

Warqaddan oo dhawaan lagu baahiyay baraha bulshadu, waxa ay jahawareer ku ridday ummadda Somaliland oo u niyadsamayd in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi yahay hoggaamiye ka adag shaqadiisa, isla markaana la socda waxa ay gacan-yareyaashiisu xumeeyaan ee nidaamka dawliga ah. Waxa la sugayaa tallaabada uu madaxweynuhu ka qaado falkan xeer-jebinta ah ee ku cusub Somaliland, ee u ku kacay xoghayihiisa gaarka ahi Mubaarig Ismaaciil Taanni.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured