Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo u Banbaxday Dhaleecaynta Buugii u dhowaan soo Bandhigay Hoggaamiyaha Waddani…Axmed Siilaanyo oo Xay ah, ma Cidbaa ka difaaci kartaa eedaha Caafimaadkiisa la xidhiidha?.

Hargeysa(Xogreebnews)-Shaqsiyaad xilal kala duwan ka haya Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, ayaa kiyuu usoo galay aflagaadooyin qaawan iyo hanjabaado ay hawadaa u marinayaan Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan oo dhowaan Hargeysa kusoo bandhigay Buug uu ka qoray Taarikh nololeedkiisi iyo weliba waayihiisii Siyaasadeed ee mudadii uu ag joogay Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo. Buugga Siyaasi Xirsi soo bandhigay oo xambaarsan xogo dhinacyo badan, ayaa sida la sheegay waxa dhibsaday Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo qoyska Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo iyo weliba shaqsiyaad kale oo kamid ahaa dadkii lala xidhiidhinayey inay awooda maamul doorku lahaayeen, kuwasoo ka tirsan Xisbiga Kulmiye. Waxanay sheegeen warar ka agdhow oo laga helay inay xulufooyinkaas hore iyo Madaxtooyaddu go’aan ku gaadheen in si weyn loo diffaaco caafimaad qabka Madaxweynihii hore. Qorshe wadareedkan xulufaddii hore iyo Xukuumadan Madaxweyne Muuse isla gaadheen in lagu dedefeeyo Buugga Siyaasi Xirsi qoray, ayaa noqon doono Jawaabo daran-doori ah, oo masuuliyiin hore iyo kuwo imika xilal ka haya Xukuumadd iskaga daba mari doonaan eeddoo loo jeediyo Buugga Xirsi, waxa kaloo qorshayaasha kooxdan kamid ah inay Warbaahinta soo fadhiisiyaan Madax-dhaqameedyo Xaalka bixiya Buugga Xirsi, kuna amaanan caafimaadka Madaxweynihii hore. Tallaabooyinkii ugu horeeyey ee kooxdani ku dhaqaaqdo, waxa hormuud u noqday laba masuul oo Shalay aflagaado iyo hanjabaad u diray Hoggaamiye Xirsi. Waxana kamid ahaa masuuliyiinta Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya oo madaxweynihii hore sodog u yahay, isla markaana ahaa shaqsiyaadkii horeba loogu eedeyn jiray inay madaxtooyadii hore ku dhex lahaayeen awood dheeraada, waxanu sheegay inay Maxkamad la tiigsan doonan Xirsi iyo Buugiiisa, isagoo diffaacay inuu Axmed Siilaanyo Caafimaad qabo. sidoo kale, waxa isna buuga Xirsi si kulul uga hadlay Gudoomiyaha Hayadda qaxoontiga Somaliland Cabdikariin Xinif, oo isna todobaadii sanno ee Siilaanyo dalka xukunkiisa haystay xil ka hayey. Waxa kaloo la filayaa maalmaha fooda inaggu soo haya inay sii laban-laab maan masuuliyiinta eedeynaya Buugga Xirsi qoray. Haddaba, waxa is-weyn diin mudan yaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ka diffaaci kara xaaladda caafimaad qab ee ku qoran Buugga Hoggaamiye Xirsi qoray?. Su’aashaa jawaabteeda hadii dhinaca saxda ah laga istaago, waxa xaq u leh inuu iska difaaco eedeyntaa xaaladda caafimaad ee Buugga ku qoran Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, maadaama oo u caafimaad qabo siday kooxdan u doodaysaa sheegayaan, isla markaana uu hadli karo, isna diffaaci karo, xaq umma laha kooxdani inay ka difaacdo eedo shaqsiyaddiisa ku salaysan, xataa Caruurtiisa iyo marwadiisu xaq umma laha, inay ka diffaacan, maadaama oo u awoodo, hadii uu si degdeg ah u hadli waayana waxa xaqiiqo noqonaysaa sheekada Buugga ee Xirsi qoray. Leave a comment |
|