Danjire Baashe: Miyuu Dhibbane Ka Noqon Karaa Hoos-udhaca Xasuusta Siilaanyo! W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
Saturday November 03, 2018 - 03:15:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjire Baashe: Miyuu Dhibbane Ka Noqon Karaa Hoos-udhaca Xasuusta Siilaanyo! W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar waa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kiiniya, waxa uu la xidid yahay qoyska Madaxweyne Siilaanyo isaga oo ay xaaskiisa tahay mid ka mid ah hablaha uu dhalay madaxweynihii hore ee Somaliland. Intii aanu Siilaanyo no

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar waa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kiiniya, waxa uu la xidid yahay qoyska Madaxweyne Siilaanyo isaga oo ay xaaskiisa tahay mid ka mid ah hablaha uu dhalay madaxweynihii hore ee Somaliland. Intii aanu Siilaanyo noqonnin Madaxweynaha Somaliland waxa uu Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar ahaa mulkiilaha mareegta www.somaliland.org oo ahayd mid asal-raac ah, mar kastana la safan Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE. Waxa halkaas iiga muuqday sida uu siyaasadda ugu milmayo, isaga oo ka soo gudbaya xadhigga dhaqan ee ka dhexeeya isaga iyo Murashaxii KULMIYE.
Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar waa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kiiniya, waxa uu la xidid yahay qoyska Madaxweyne Siilaanyo isaga oo ay xaaskiisa tahay mid ka mid ah hablaha uu dhalay madaxweynihii hore ee Somaliland. Intii aanu Siilaanyo noqonnin Madaxweynaha Somaliland waxa uu Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar ahaa mulkiilaha mareegta www.somaliland.org oo ahayd mid asal-raac ah, mar kastana la safan Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE. Waxa halkaas iiga muuqday sida uu siyaasadda ugu milmayo, isaga oo ka soo gudbaya xadhigga dhaqan ee ka dhexeeya isaga iyo Murashaxii KULMIYE.
Kolkii uu Md Siilaanyo noqday Madaxweynaha Somaliland waxa uu masuulkani xukuumadda ku yeeshay saamayn ballaadhan, isaga oo aan wax xil ah haynnin. Waxa la-yaab ah in uu waayadaas degganaa qasriga Madaxtooyada, isla markaana uu ka soo ag toosi jiray soddoggii iyo soddohdii. Fara-gelinta iyo dhex-cararka maamulka dalka waxa uu kula baxay naanaystii caanka ahayd ee Moorgan. Sidee ayay suurtagal u tahay in aad degto bar/guri ayay xididkaagu ama gacalkaagu deggan yihiin? Miyaanay dhawrsoonidu ahayn in la kala fogaado oo aan la isku milmin?
Ugu dambayntii waxa loo magacaabay wakiilka Somaliland ee waddanka Imaaraadka. Markaasna waxa sii kordhay saamayntii uu xukuumadda ku lahaa. Weedhaha laga yidhi xilka loo igmaday waxa ka mid ahaa in Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu yidhi "Haddii aan ahay Baashe Cawil, ma qaateen xil uu soddoggay ii xulo”.
Maalintii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wakiilka Somaliland ee Kiiniya u magacaabay Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar waxa soo baxay warar sheegaya in uu Baashe Cawil ku gacan-saydhay qabashada xilkaas. Ugu dambayntiina waxa uu la hadlay warbaahinta, isaga oo caddeeyay in uu mansabkaas qaban doono.
Madal qurux badan ayuu saxaafadda kula hadlay ayaantaas. Waxa aan is-weydiiyay tolow hudheelkee weeye? In aan u kuurgalo kobta uu Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar ku sugnaa markaas ayaan aad u fiiriyay. Tolow bartee ayuu masuulku ka hadlay?
Indhaha ayaan la raacay meesha uu masuulkaasi weedha ka tebinayo. Marka uu meesha soo gelayo waxa uu celiyay albaabkii kobta uu xogta ka sheegayo. Kolkii aan sii dheehday waxa irrida ku xardhanayd "Siilaanyo Villa”. Masuulku shaw markii madaxtooyada laga soo guuray waxa uu u wareegay guriga soddoggii/soddohdii ay u soo geeddiyeen. Weli waxa uu yaallaa aqal ay 98% innagu adag tahay inaynu ku negaanno ama seexanno.
Maanta ayuu mar kale hadlay Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar isaga oo sheegaya in qoyska Siilaanyo ay maxkamad la geli doonaan Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uuna daadifeeyay xogta ku qoran dhiganaha Miyiga Illaa Madaxtooyada (Socdaalkaygii Guusha) ee 26kii Oktoobar 2018ka lagu daahfuray Hargeysa. Illeen hadal "ax” kuma yidhaahdo.
Md Siilaanyo iyo qoyskiisu waxa uu ka kooban yahay odayga (Siilaanyo), xaaskiisa iyo ubadkiisa oo wiilal iyo gabdhaba leh. Haddaba miyuu Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar yahay qofkii ku hadli lahaa afka qoyska? Miyaanay jirin dad badan oo kaga habboon gudbinta weedha uu fagaaraha la yimi? Ma yahay qofkii ugu habboonaa ee meteli lahaa reer Axmed-Siilaanyo? Weli ma aragtay wiil xidid ah oo sidiisa u dheeraynaya?
Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar kama mid aha dadka uu Xirsi Cali Xaaji Xasan maragga uga dhigayo dhacdada uu ku sheegayo in 20kii Ogos 2010ka uu Siilaanyo damcay in uu is-casilo, isaga oo ku sababaynaya in xasuustiisu hoos u dhacday. Markaas sidee ayuu u gaadhi karaa goaanka ah in la maxkamad lagu galo arrin aanu markhaati ka ahayn? Ma afkiisa ayuu ku hadlayaa mise kii reer Siilaanyo?
Ugu dambayntii waxa aynu sugaynnaa sida uu Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar ula xidhiidho garsoorka dalka, isla markaana uu dhibbane uga noqon karo nin aan aabbihii ahayn, balse soddogii ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured