BAMB LAGA SOO TUURAY HARGEYSA OO KU QARXAY MAGAALADA BRISTOL.

0
Monday June 10, 2013 - 07:50:30 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAMB LAGA SOO TUURAY HARGEYSA OO KU QARXAY MAGAALADA BRISTOL.

    Berigii dagaaladii ugu horreeyey ka dhaceen magaalada Burco, ayaa waxaa gurmad ugu tagay odayaal ka tirsanaa golahii guurtida ee xiligaa, oo ka anbabaxay magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berigii dagaaladii ugu horreeyey ka dhaceen magaalada Burco, ayaa waxaa gurmad ugu tagay odayaal ka tirsanaa golahii guurtida ee xiligaa, oo ka anbabaxay magaalada BAMB LAGA SOO TUURAY HARGEYSA OO KU QARXAY MAGAALADA BRISTOL.Berigii dagaaladii ugu horreeyey ka dhaceen magaalada Burco, ayaa waxaa gurmad ugu tagay odayaal ka tirsanaa golahii guurtida ee xiligaa, oo ka anbabaxay magaalada Hargeysa. Markii ay qolooyinkii dagaalamayey soo kala qaboojiyeen wixii dhibtu ka dhacdayna wax badan ka soo ogaadeen, ayay ku soo noqdeen magaalada Hargeysa.Waxay dadweynaha kala hadleen khayriyadda Hargeysa, anna waxaan ka mid ahaa dadkii maalintaa ka qayb galay kulankaa odayaashaasi dadka kula hadlayeen.Alla ha’u naxariistee sheikh Muuse goodaad oo guurtidaa Burco taglay ka mid ahaa oo halkaa ka hadlay, waxaa ereyadiisii ka mid ahaa “ reer Hargaysaw waxay reer Burco yidhaahdeen, bamb Hargaysa laga soo tuuray ayaa nagu qarxay”.“Waar Cabdiraxmaan Tuurow ilaahay baan idinku dhaariyee dadka dhibaatada ka daaya”.Sadex casho ka hor ayay ahayd markaan idhi “ SHIRKA HOODAALE LOO BIXIYEY ARMUU NOQDAA HOOG-GAALE.Somalida ayaa tidhaa ninkaan waxa jooga garani waxa soo socda ma garto’e magaalada Bristol waxay ahayd magaalo ay aad u degenyihiin beesha Sacad Muuse, waa magaalo beeshaasi ay qaadhaanka, sooryada iyo aaskaba wada leeyihiin, waana magaalo xagga siyaasadda qof waliba xor u ahaa meesha uu doono. Beeshii sidaa ahayd maalintii Jimcihii gacanta ayay isula tageen, shirkaa geedeeble ha la taageero iyo yaan la taageerin Salaadiintii weli ma’ogola’e, ayay ahayd waxa laysku dilay ee madal lagu shirayey sadex nin oo reer Samatar ahi ay ku gacan saareen nin Jibriir Abokor ah sida la ii sheegay, waxaana looga gurmaday oo argo culisi uga tageen magaalada London.Laba goor ayaan tegey magaaladaa oo wakhti hore ahayd, waxaan xasuustaa sidii laygu soo dhaweeyey iyo sidii dadka aan halkaa ugu tagay ay u ahaayeen, dad is ogol oo wada jooga.Magaaladii caynkaa ahayd waxaa manta khilaaf kala dhex dhigay gudida uu sheikh C/qaadir madaxda ka yahay iyo dadka danaha gaarka ah ka leh in shirkaa la taageero.Waxaan joogaa London weliba meesha ay beesha Sacad Muuse ugu badantahay, ma jirto iska daa shir iyo taageeradiise, xataa ma maqal cid hadal haysa iyo soo hadal qaadkiisaba, haddii laga tegi waayo waxaan maqlay in lacag London lagu soo qoray, taasina ciddii bixinaysaa waa mid iyada u taala.Waa la ogyahay in shirka geedeeble uu khilaaf aan hore u jirin dheliyey, magaaladii Hargeysana sadex meelood loo kala fadhiyo.Waa reer Geeddeeble oo uu hogaaminayo sheikh C/qaadir Xaaji Jaamac , waa Reer Arabsiyood oo uu hogaaminayo C/llahi Cabdi Muse( Bakayle ) iyo madax-dhaqmeedkii beesha oo iyana diidan in cidaan iyaga ahayni shir beesha u qabato.Kuba afree qolada dhex-dhexaadinaysa ee ay ka midka yihiin, Cumar Boobe Xandule, Sheekh Khaliid Xasan Gudaal, Muxumad Aw Axmed iyo xubno kale oo beesha ah oo weliba iyagu aan dhinacna raacsanayn.Waa dhab shirka geed-deeble waa shir siyaasadeed laga leeyahay dano siyaasadeed, waxaanad ka garan kartaa ragga ku jira oo intooda badani ka soo qayb gashay masraxyada siyaasadda, waxaanse aniga iyo dad badaniba u qaadan lanahay sibabta sheikh C/qaadir Xaaji Jaamac arinkaa kaw uga noqday.Caawa mar aan Hargeysa la hadlay waxaa la ii sheegay in xataa go’aanadii gudida dhexdhexaadinaysay kooxahaasi ay maanta soo saareen, ay ku gacan saydheen kooxda uu gadh wadeenka ka yahay sheikh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac. Waa la yaab nin caalina ah, sheikh ah, aqoon ku filan diinta u lahi inuu diido ergo ilaahay dartii isku xil qaantay.Waxaan hadalkayga ku soo meerinayaa; waar reer Hargeysaw ilaahay baan idinku dhaariye, dadka walaalaha ah, ee dhul shisheeye oo lagaga tiro badanyahay oo aan dhulkoodii ahayn jooga, ka daaya dhibaatada iyo kala qaybinta.Wa billaahi tawfiiq.Mukhtaar C/weli xaaji AxmedLondon UK.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured