Shirkadda Sagal-jet iyo Fanaan BK Midna Adigoon Been ku Xajiimeyn Qabyaalada Aynu la Wada-Dagaalanno Waa Xil ina-saarane!!!

0
Friday November 02, 2018 - 03:37:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Sagal-jet iyo Fanaan BK Midna Adigoon Been ku Xajiimeyn Qabyaalada Aynu la Wada-Dagaalanno Waa Xil ina-saarane!!!

    Shirkadda Sagal-jet iyo Fanaan BK Midna Adigoon Been ku Xajiimeyn Qabyaalada Aynu la Wada-Dagaalanno Waa Xil ina-saarane!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Sagal-jet iyo Fanaan BK Midna Adigoon Been ku Xajiimeyn Qabyaalada Aynu la Wada-Dagaalanno Waa Xil ina-saarane!!!
Hargeysa(Xogreebnews)- Qaar Kamid ah Deggellada Warar ee Internet-ka, ayaa Shalay lagu baahiyey War marin-habowsan oo ku saabsanaa ujeedada bandhig fanneedka Fanaan Maxamed Siciid Bk, uu ku qabanaayo gobolada dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Warkaas oo xaqiiqada aad uga fog, ayaa lagu sheegay in Fanaan Maxamed Siciid Bk, uu si mutadawac-nimo ah iskii ugu qabanaayo 6-da gobol ee Somaliland, kaasoo Fanaanku ula ujeedadiisu tahay inuu bulshada Somaliland ka xoreeyo qabyaalada, isla Mar ahaantaana hab-suugaameysan uga wacyi-geliyo dhalinyarada Kala qaybsanaanta.
Tallaabada uu ku hawlan yahay Fanaan Maxamed Bk, oo runtii ah mid wanaagsan oo u baahan in lagala shaqeeyo, ayaa waxa nasiib darro ah in warbaahinta qaarkeed laga daalacdo War lidku ah, qabyaalad ka xorreynta bulshada, kaasoo lagula galgasho Gudoomiyaha Shirkada ganacsiga ee Sagal-jet Cabdi Yuusuf Aar, oo Warkaas lagu af lagaadeeyey. Walow baadhis xaqiiqo ah oo ay Shabakada Xogreebnews.com ku samaysyay, lagu oggaaday in gabi-ahaanba aanay jirin meel Madaxtooyaddu Lacag ku bixisay iyo cid qan-daraas la-la galay toona. 
Haseyeeshe fikradani ay ka timmi Fanaan Maxamed Siciid Bk, oo isaggu dhexda u xidhay inuu bulshadiisa ka saaro Kala qaybsanaanta iyo qabyaalada, waana masuuliyad saaran shaqsi kastoo reer Somaliland ah iyo Xukuumada ba. 
Hadaba, halka Shirkada Sagal-jet kasoo gashay qorshaha qabyaalad la dagaalanka uu wado Fanan Maxamed Bk, ayey sida la sheegay Shirkaddaas si mutadawacnimo ah wixii bandhig fanneedyadaas uu fanaanku wado u baahdo, si bilaasha ugu daabacayan boodhadhka, waana talaabo haboon in Sagal-jet lagu boggaadiyo.
Teeda kale, qorshahan waxa iyanna Kala shaqaynaaya Fanaanka is xil-qaamay ee wacyigelinta bulshada ka shaqeynaya Ururada dhalinyaradda ee ka jira gobolada dalka, qodobkaas Warkii shalay kumay sheegin colkii qoray, sida xoggaha shabakaddu heshay lagu sheegay dhamaantood ururada dhalinyarada dalku, waxay ku hawlan yihiin sidii qorshahan wacyigelinta ah ula hirgelin lahaayeen Fanaanka BK, waxanay si tabarucaada ula hawlgeli doonan Fanaanka mudada uu gobol walba ku sugan yihiin.
Waxyaabaha layaabka leh ee nuxurka warkaas ahaa, in Gudoomiyaha Shirakada Sagal-jet Cabdi Yuusuf Aar, sharaftiisa shaqsi iyo sumcada shirkada wax loogu dhimo, Hase haate waxba umay dhimin, Mar hadii ay sheegen in Gudoomiyaha Sagal-jet yahay shaqsi dadka walaalaynaya, waana la wada ogyahay in Shirkadaas daabacaadu tahay mid ku suntan wanaaga bulshada, isla markaana mudadii ay jirtayna hormuud ka ahayd hawl kastoo tabarucaad bulsho ah, balse Qodobka aan jirini waxa uu yahay in aanay jirin wax Lacag ah oo Cabdi Yuusuf Aar iyo fanaanka toona dawladu siisay. Iyadoo aanu todobaadkii u dambeeyeyba aanu dalka ku sugnayn Gudoomiyaha Shirkada Sagal-jet Cabdi Yuusuf oo u hawlo shaqo ugu maqan-yahay dalka Jabuuti.
Sidaas daraadeed Gudoomiyaha Sagal-jet iyo fanaan Bk ma geyaan xajiinta lagula dul kuffay ee aan salka iyo raadka toona lahayn. Waxana haboon oo aan weliba dadkaa kula Talinaya cid kastoo duub u xidhataya inay dhaliilan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi inay Kala saaran Shirkadaha ganacsi iyo Siyaasiyiinta, maadaama oo ganacsigu yahay wax dad muwaadiniin ahi gaar u leeyihiin, balse Siyaasiga laftiisa waxa haboon in lagula xisaabtamo oo keliya xilka uu hayo, dhaliishiisuna ahaato mid huffan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured