Shan Faa'iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

0
Friday November 02, 2018 - 03:26:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Faa'iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

    Shan Faa'iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan Faa'iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)
Wakhtigan casriga ah ee haatan la joogo ha la  yaabin hadii dhakhtar  intaad u tagto uu  kuu qoro socod lugta ah halki aad daawo ka sugaysay saabtooo ah waxa jira waxyaalo badan oo faa’iido caafimaad inoo leh oo aynaan fahansanayn balse way badan yihiin faa’iidooyinka socodka lag helo laakiin Halkan waxan ku soo koobay  liis shan qodob ah ah oo kawaramayaa faa’iidada socodka lugtu leeyay. 
1. Wuxuu  ka hortagaa in uu  miisaanka jidhku  uu kor u kaco .Cilmi baadhayaal ka tirsan  Harvard ayaaa daraasad cimli ah ku sameeyay in ka badan 12,000 oo qof si ay u go'aamiyaan  faa’iidada socodk lugta ah leeyay waxaany  daraasada ku xaqiijiyeen in uu miisaanka qofk hoos u dhigo islamarkaana faa’iido dhab ah u leeyay dadka cayilan ama buur buuran .


2. Labo daraasadood oo ka socdey Jaamacadda Exeter ayaa lagu ogaaday in socodka 15-daqiiqo uu xakamayn karo xiisadaha shukulaatada iyo xitaa yaraynta xaddiga shukulaatada iyo macmacaanka kale ee aad cunayso sidoo kale waxa lagu oogaaday  in uu yareeyo xaaladaha walaaca  iyo diiqada daraaasadii  u dambaysay  ee ay sameeyeen waxay xaqiijinaysaa in socodku uu yareeyn karo jahawareerka iyo isku buuqa. 

3. Wuxuu yareeyaa halista kansarka naasaha  cilmi-baadhayaashu  waxay horey u ogaadeen in wax kasta oo jimicsi jidheed ahi uu ka dhigaayo mid hooseeya halista kansarka naasaha Laakiin cilmi-baadhis Maraykan ah oo Kansarka ah ayaa lagu ogaaday in dumarka todoba saacadood ka badan toddobaadkii socda ay 14% ka hooseeyo halista kansarka naasaha marka loo eego kuwa soconayay saddex saacadood ama in ka yar toddobaadkii. 

4. Daraasado badan ayaa lagu ogaaday in uu socodka yareeyo xanuunka arthritis-ka ee kala goysyada ku dhaca  socodka shan ilaa lix mayl toddobaadkii xitaa wuxuu ka hortagi karaa arthritis-ka inuu haleelo jidhka  hadaba  Socodku wuxuu ka ilaaliyaa kala-goysyada - gaar ahaan jilbaha iyo miskaha  xanuuno kala duwan. 

5. Socodku wuxuu xoojiyaa difaaca jidhka  sida oo kalena Socodka ayaa xilliga qaboobaha kaa caawin kara in uu kaa ilaaliyo  hargabka  Daraasad ku saabsan xanuunada qaboobaha  oo lagu sameeyay in ka badan 1,000 qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa lagu ogaaday in kuwii socday ugu yaraan 20 daqiiqo maalintii  ugu yaraan 5 maalmood usbuucii  inay haystaan ​​43% maalmo yar oo xanuun ah marka loo eego kuwa aan ku dhaqmin wiiggii ama in ka yar socoda. 

W/D: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured