".. Maxaa Ka Khaldan Plate No-Kii Labedelay Ee Gaadiidka?". Siyaasi Cabdikhalaq Awal-bari

0
Thursday November 01, 2018 - 00:04:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ".. Maxaa Ka Khaldan Plate No-Kii Labedelay Ee Gaadiidka?". Siyaasi Cabdikhalaq Awal-bari

    ".. Maxaa Ka Khaldan Plate No-Kii Labedelay Ee Gaadiidka?". Siyaasi Cabdikhalaq Awal-bari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

".. Maxaa Ka Khaldan Plate No-Kii Labedelay Ee Gaadiidka?". Siyaasi Cabdikhalaq Awal-bari
Sida Aynu Wada Ognahay Bulshada Reer Somaliland Waa Qaar Udhega Nugul Dowladooda Isla Markaana Udiyaara Cashuur Kasta Oo Lagu Soo Rogo Kamana Hadlaan Ee Degdeg Ayay Ubixiyaan.
Sida Aynu Lasoconay Inteena Badani Wuxuu Wasiirka Maaliyadu Soo Saaray Wareegto 13/09/2018 Ujeedadeeduna Ahayd TACRIIFADA BEDELKA LAMBARKA CUSUB EE GAADIIDKA Iyadoo Wareegtadaas Loo Kala Saaray 2-Qaybood Oo Kala Ah Gaadiidka Cusub Ee Soo Dega & Kuwii Hore Usocday Ee Laga Bedelaayo Iyagana Lambarka Waxaana Lagu Kala Sheegay 2-Tacriifadood Oo Kala Ah Gaadiidka Cusub Ee Dekeda Kasoo Baxaaya 1,000,000/= One Million Halka Bedelka Lambar Gaadhi Socdayna Lagu Sheegay 600,000/= Six Hundred Balse Wareegtadaas Nuxurkii Iyo Qodobadii Ay Xanbaarsanayd Umay Socon Sidii Ay Uqorayd Waxaana Soo Baxday In Labadii Qayboodba Lacag Ka Badan Xadigii Lasheegay Laga Qaaday Ama Lawaydiiyay Tusaale Ahaan Anigu Waxaan Watay Gaadhi Aan Watay Mudo Two Yrs Ah Lambarkiisuna Yahay 87315 Waxaan Doonay Inaan Iska Bedelo Lambarkii Hore Maadaama Layidhi Mudo Yar Kadib Qofkii Aan Bedelin Waa Laga Dhigayaa Gaadhiga Waana Laganaaxayaa Waxaan Tegay Xaruntii Wasaarada Howlaha-Guud & Gaadiidka Qaybta Howshan Qaabilsan Waxaana Kawada Howlgelaayay Shaqaalaha Wasaarada Howlaha Guud & Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada Oo Wada Shaqayn Dhow Leh
Intaas Kadib Waxaan Usheegay Howshii Aan Usocday Run Ahaantii Shaqaale Wanaagsan Oo Garanaya Shaqada Ayaa Meesha Joogay Oo Aan Kagaranaayay & SARKAAL MAXAMED YUUSUF CABDI Oo Berbera Ka Ahaa Isuduwihii Gaadiidka Waxay Ahaayeen Shaqaale Howsha Siwacan Uwada Balse Amar Iyo Institution Kushaqaynaya Waxay Iibilaabeen Howshii Aan Usocday Forms kii Ayaa Lay Buuxiyay Waxaanay Iisheegeeen Lacagta Layga Rabo Qudhaydu Waan Hayay Xanta Suuqa Iyo In Lacagtii Wasiirku Qoray Mid Kabadan Layska Doonaayo Waxaanay Iwaydiiyeen Sharcigii Gaadhiga Waan Udhiibay Anaana Kuqoran Gaadhiga Kadib Waxay Iisheegeen In Aan Laygu Lahayn Wax Kala Wareejina Balse Layga Doonaayo Lacagtii Lambarka & Iyo Tii Buuga Taasoo Dhan $111 (Boqol Toban Iyo Hal Dollar Ama 1,110,000/= Milyan Boqol Iyo Toban Dollar) Waxaanan Ku Idhi Waan Bixinayaa Iigooya Gr-ka Waxaana Lay Gooyay Gr-no 0074744 & 0074743 Intaas Waxaa Iiraacay Juwan Yaroo Overtime Kutaalo Oo Isna 50,000/= Ah Wixiiba Waan Bixiyay Waxaa Iihadhay Ee Aan Sugayaa Waa Lambarkii Oo Lay Siiyo Kana Layga Xareeyo Maxaase Dhacay Marka Halkaas Arin Maraayo.
Waa Maalin Sabti Ah 27-tahay Bisha October 2018 Halkaan Kasugaayay Lambarkii Waxay Iisheegeen Howlwadeenadii Inaan Kusoo Noqdo 2-Cisho Kadib Kuna Beegan Isniinta & 29-ka Bisha Waxaanay Cudur Daar Iiga Dhigeen Xisaab Celintii Ayaanu Kala Raagnay Qoladii Samaynaysay Plates ka Oo Sidaasay Ukala Go,een Waan Iska Tegay Waxaan Kunoqday Maalintii Balantu Ahayd Waa Sidii Oo Lama Keenin Waxaan Hadana Ku Noqday Maanta Oo 31-tahay Bishu Waxaana Sidaas Kasoo Wareegtay 5-cisho Welina Mahayo Lambaradii Waliba Waxaan Dhaafay Maan Ahayn Keligay Ee Waxaa Ila Mid Ahaa Oo Sidaydan Oo Kale Usocday Howshan Dadwayne Aad Ufara Badan Ilaa Hadana Ila Mida
Gebagebadii Marka Arinku Sidaas Yahay Ee Bulshadii Lagu Soo Rogay Cashuur Aan Xaq Loogu Lahayn Balse Ay Ogolaadeen Inay Bixiyaan Lacagtaas Aan Meelna Ka Waajibin Miyay Xaq Uleeyihiin Bulshadu In La Meermeeriyo Oo Adeeg Aan Weli Saani Loo Diyaarin Lagu Khasbo Yaase Lagala Xisaabtamayaa Howshan Wasaaradahan Isku Raran Ee Midina Lacagtii Kaa Shubayso Midina Lamabrkii Laleeyahay Way Haysaa Aanay Hayna.
Waxaan Usoo Jeedin Lahaa Dowlada Howgu Horeeyo Madaxwaynuhu Labada Wasiir Ee Howlaha Guud & Maaliyada Iyo Dhamaan Intay Khudayso Howshani Waar Bulshadu Waa Bulsho Nadiifa Oo Idiin Dhega Nugule Kadaaya Hagar Daamada Oo Si Hufan Haloogu Qabto Howshooda Oo Inta Aydaan Bilaabin Howsha Sii Dhamays Tirta Agabka & Tools Loo Baahanyahay Maxaa Loo Dhibayaa Muwaadiniinta Hadii Aan Looba Diyaarin Wixii Lagu Amraayay Waar Dadka Halaga Daayo Hagardaamada Iyo Dhibta Waxaan Sigaara Uleeyahay Mudane Madaxwayne Howshan Oo Kale Waa In Lagu Dabagalaa Wasaaradaha Kushaqa Leh Wax na Laga Waydiiyaa Waayo Fariimaha Bulshadu Waxay Kusoo Gaadhayaaan Goor Ay Dhinteen Oo Ay Niyad Jabeen Markaa Ilaahay Hakugu Asturee Umada Ukuur Gal Dhibta Haysata Hana Kuhalayn Rag Aan Hagardaamo Mooyaane Howl Kale Aqoonba
Wabilaahi Towfiiq
Abdikhalik Abdilahi Mohamed
Hargeisa somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured